Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qeyb galay Kulan looga hadlayey istaraatiijiyadda Sare u qaadista isticmaalka Gaaska Cunatada oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Shirkan wada tashiga ah oo u dhaxeeyay hey’adaha Dowliga ah iyo ganacsatada Gaaska ayaa muddo labada cisho ah ee uu socon doono waxaa diirada lagu saari doonaa qaabka sare loogu qaadi karo isticmaalka Gaaska Cuntada iyadoo laga duulayo qorshaha Yareynta iyo joojinta isticmaalka dhuxusha, si looga hortago xaalufinta dhirta loona ilaaliyo deegaanka.

Shirka oo uu soo qaban qaabiyay Agaasinka deegaanka iyo isbedalka cilmilada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo kaashanaya wasaaradda Batroolka iyo Macdanta islamarkaana ay ka qeyb galeyn Xildhibaano,Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ganacasto iyo qeybaha kala duwan ee bulshada wuxuu hadafkiisu yahay yareynta isticmaalka dhuxusha iyo kor u qaadida isticmaalka Gaaska sida uu madasha ka sheegay is-duwaha Barnaamijka yareynta Isticmaalka Dhuxusha Cabdiqani Raage Barrow.COD

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Axmed Yuusuf Axmed Ayaa xusay inuu hadafkoodu yahay In hoos loo dhigo qiimaha Gaaska, si loo yareeyo isticmaalka dhuxusha taas oo lagu badbaadin karo deegaanka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Maxamed Xaashi Carabey iyo Agaasimahq Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdicasiis Ibraahim Aadan ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka wasaaradahooda kaga aadan ilaalinta deegaanka iyo dhiirigelinta sare u qaadida isticmaalka Gaaska.

Xildhibaan Sahro Cumar Maalin ayaa tilmaamtay inay ka qeyb qaadan doonaan La dagaalanka Nabaad guurka iyo dhiirigelinta Maamulka iyo maareynta deegaanka.

Shirka oo looga dooday Caqabadaha hortaagan ganacsatada Gaaska iyo sidii Isticmaalkiisa loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan ayaa la filayaa in berri laga soo saaro qorshe lagu mideysanyahay oo lagu balaarinayo isticmaalka Gaaska loogana hortagayo isticmaalka Dhuxusha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...