Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Qorshaynaysa Daahfurka Wajiga 3aad ee Talaalka COVID-19

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kaashaneysa Hay’adda IRC ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku qabatay Madal Dood ah oo looga hadlayay Daah-furka wajiga Sedexaad ee qaadashadaย  Talaalka COVID-19 si looga hortago qatarta uu kula soo laaban karo Bulshada Soomaaliyeed kaasoo Saameyn taban ku yeeshay Dalka.

Si looga hortago dhibaatada ka imaan karta Cudurkan ayaa ka qeyb galayaasha kulanka loogu iftiimiyay qaabka ay u qaadan karaan Talaalkan oo horey loo bixiyay wajigiisa koowaad iyo Labaad.

Waxaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay Masโ€™uuliyiin uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadkaย  Dr Cabdiwali Axmed Maxamuud iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Dhusamareeb Cabdi Xaashi Caroole, Ururada dhalinyarada iyo Marti sharaf kale.

Qaar kamid ah Dadka ka qeybgalay Madasha ayaa Su’aalo ku saabsan isticmaalka talaalka ubandhigay Qubaro Caafimaad oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole oo ka hadlay kulanka ayaa Bulshada u sheegay in ay qaataan Talaalka si looga hortago halista Cudurka COVID-19.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Axmed Maxamuud ayaa sheegay in mar kasta oo la qaato Talaalka uusan wax dhib ah ku yeelan doonin Cidkasta oo qaadata dhawaana uu bilaaban doono wajiga Sedexaad ee talaalka COVID19.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...