Madaxweynaha HirShabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Jowhar, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Xubno ka Tirsan Labada gole ee Dowlad Gobledka Hirshabelle iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxwynaha dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay kulankii Golaha wadatashiga Qaran ee laga soo saaray habraaca doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay socdaalkii shaqo ee uu ku tagay Degmada Cadale, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Muqdisho uga qeyb galay isagoo ugu dambeyn sheegay in todobaadka soo socdo Hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashada Aqalka Sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...