Home Blog Page 674

Garnaqsi: Xorriyadda Saxaafadda iyo xaqiiqda hortaalla

0

Marka hore iga gudooma salaan iyo tixgalin,marka xigtana Qoramadaan kooban ayaan u arkay in ay malaha fiicnaanlahayd in aan soo bandhigo kaddib qiimayn aan ku salaysnayn aragti siyaasadeed balse salka ku haysa Xog-ogaalnimo iyo dhab ka hadal aan isleeyahay ameey tahay xilligii ku haboonaa.

Aragtidaan, waxeey isoo baxday kadib markii aan dib ugu noqday xusuustayda 17 sano oo aan ka mid ahay bahda saxaafadda iyo 11 sano oo aan ka tirsanaa mas’uuliyiinta Wasaaradda ay hoos-tagaan Saxafiyiintu, isla markaana isku dayay bal in aan fahmo halka ay sartu ka qurunsantahay aniga oo aan u eexanaynin labada dhinac ee arintu dhextaalo oo kala ah,

1- Saxaafadda Madaxa banaan oo aan kusoo qaatay Lix Sano, Sideed jeer la ii xiray, mar la ii dhaawacay, labo marna la ii musaafuriyay, isla markaana aan u hayo laxow balaaran una arko halka uu u dhamaanayo mustaqbalkaygu Isha Allah iyo

2-  Dawladda oo u shaqaynayay 11 Sano oo aan xilliyo adag oo badan u soo maray, halis ugu bareeray, kuna waayay walaalo aan jeclahay sidaas awgeedna u arko mid aanay la’aanteed jiri karin sharaf iyo karaamo uu sheegto Qof naga mid ah.

Codsi, akhriste fadlan adigoon wada akhrin go’aan ha qaadan.

Ugu horayn, waxaan aaminsanahay in aanay Soomaaliya ka jirin Siyaasad Dawladeed oo aaminsan mabda’ahaan in la caburiyo Saxaafadda waana sababaynayaa, balse waxaa jira xaalado isdiidan una baahan isla qirasho iyo isla qaadasho iyana waa fasiri doonaa.

Soomaaliya kama jirto Siyaasad Caburisa Saxaafadda,

Aan sababeeyo in aanay Dalkeenna ka jirin Siyaasad caburineed inta aan ogahay oo ku siman muddada aan u shaqaynayay Dawladda ee kor ku cayiman.

Waxaan u daliishanayaa, mudadaas 11-ka sano ah oo aan ka mid ah mas’uuliyiinta talada ku lahaa arrimaha Saxaafadda ee Wasaaradda,  Midkoodna kama maqal, nama farin, talana nooguma soo jeedin in la caburiyo Saxafi ama Warbaahin 15 Wasiir oo Wasaaradda soomaray, Sideed Ra’iisulwasaare iyo Saddex Madaxwayne oo aan lasoo shaqeeyay anigoo u hadlaya si ka fog wax qarin waa haddii aad i rumaysanayso, marka taasi waxeey si niyad ah iigu qancisay in aanay jirin Siyaasad Dawldeed oo caburin ah, balse waxaa jira xaalado isdiidan oo ubaahan in aan garwaaqsano si aan mushkulada u fahamno xalinteeda ka hor.

Waa maxay xaaladahaasi?

Marka aad joogto Soomaaliyada Qarniga 21-aad, waxaa jira labo arrimood oo sal u ah shaqada Dawladkasta oo nasoo martay mudadii 20-kii sano ahayd dib u dhiska Dawladnimada Soomaaliya, sidoo kale waxaa jira mas’uuliyad Xirfadeed oo saaran Saxafiyiinta Madaxa Banaan ee isla muddada kor ku qoran, iyana soo hana qaaday, kuwaas oo midba mid ku yahay halis haddii aan lahelin bisayl ku dhisan aqoon iyo kala garqaadasho oo inaga oo isla ogol aan ku maarayno.

Maxay u dirantahay Dawladdu?

Dawladkasta waxaa laga sugayay walina laga sugayaa in ay xaliso labo arrimood oo kala ah,

1- In ay soo celiso Amniga Dal ay ka burbureen wax kasta oo loo kaashado nabadgalyada, dadkiisuna leeyihiin boogo halis ah haddii la danqiyo.

2- In ay isku hayso Dawladnimada kabkabka ah ee ka kooban qabaa’il aan is ogolayn oo kala shakisan una baahan in aanay kala xarig furan, taas oo ah wax ku dhicikara si aad u sahlan, waana in ay gudataa xilkaas iyadoo isha ku haysa halis kasta oo ku imaankarta.

Muxuu u diranyahay Saxafigu?

Dhanka kale, Saxafikasta, wuxuu u diranyahay in uu soo bandhigo xogta ugu xasaasisan ugana xiisaha badan isaga oo aan eegaynin saamaynta ay ku yeelan karto shaqada aan kor ku xusay.

Sida caqligu na tusayo, isma jeclaan karaan, Askariga udiran Amnigaas jilicsan ee doonayo in uu daboolo halka uu ka nugulyahay, isagoo waliba ay haystaan duruufo aad uqalafsan oo ciriiri galinaya iyo Saxafiga ugaarsanaya halka ay biya daynayso Shaqada Askarigaas, isagoo wajahaya caqabado la mid ah kuwa haysta Askariga.

Si la mid ah, caqligu wuxuu na tusayaa in aanay is jeclaan karin Masuulka loo dhiibay Dawlad ka kooban Qabaa’il kala boodsan, loogana fadhiyo in aanay kala tagin inta loo dhiibay, isla markaana wax ku daro intii loo dhiibay iyo Saxafiga raadsanaya halka ay ka daloosho shaqada Masuulkaas, isagoo aan eegaynin xitaa haddii baahintiisu keenayso in ay kala furmaan xargaha Dawladeed ee aan dhuuqsanayn.

Maxay tahay ciladdu?

Fahamkayga gaaban kuna qotoma sharaxaadda kore, halka ay sartu ka qurunsantahay waa jiritaanka Xaaladaha aan soo xusay ee aan midba mid gacansiinaynin oo ay dheertahay in ay meesha ka maqantahay Shuruuc kala xadaysa dhinacyada iyo garnaqsi dhab ah oo noo horseeda in aan isla garano boogta kadibna dawadii si wada jir ah uraadino

Xalku waa maxay?

Shaqsiyan, waxaan arkaa dhawr talaabo oo lagama maarmaan ah,

1– Horta cudur aan lagaran lama daweeyee waa muhiim in aan isla garano halka aan ka jiranahay.

2- Waa in aan helnaa wax qoran ( Sharci ) kala xadeeya dhinacyada, kaas oo ku salaysan duruufaha iyo danaha guud.

3- Waa in aan ku qanacnaa in xalku ku jiro dhexdiina, fariimaheenuna noqdaan kuwa innaga nagu socda isla markaana xaldoon ah.

4- Waa in aan ka dheeraanaa dano kasta oo ku salaysan macaash ka raadin mushkulad taagan, isla markaana garnaqsigu dhexmaro saamilayda saxda ee arinku taabanayo.

FG: Qormadaani waa aragtidayda shaqsiga ah.

Wixii aan saxay Alle xagii ayay ka ahaadeen wixii aan qaldayna naf iyo shaydaan.

MAHADSANIDIIN.

Qormadan waxaa qoray: Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Beeraleyda magalada Xuddur oo cabasho ka muujiyay dhac loo geysto beerahooda.

0

Beeraleyda degmada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa cabasho ka muujinaya dhac iyo burburin loo geesto dalagyada beerahooda marna laga qaato qalabka beeraha ay ku waraabinayaan taasi oo caqabad ku noqotay wax soo saarka beerahood.

Macallin Ibraahim Aadan waxa uu ka mid yahay beeraleyda soo saarta qaybaha kala duwan ee qudaarta waxa uuna u iib geyn jiray suuqyada magaalada Xuddur,waxaa beertiisa usoo dhacay tuugo sida uu u sheegay warbaahinta dowladda.

Macallin Ibraahin ayaa waraabinta beertiisa u isticmaali jiray ceel-biyood uu saaray matoor si uu ugu waraabiyo beer ay ka baxdo qudaarta oo uu lahaa, balse wuxuu sheegay in laga dhacay matoorki uu u isticmaali jiray waraabka.

Beeraleyda Xuddur ayaa sheegay in ay kordhiyeen wax soo saarka beeraha, hase ahaatee waxey tilmaameen in ay meesha ka maqantahay kaalinta wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Koonfur galbeed iyo hay’adaha kale ee ay quseyso.

Beeraha degmada Xuddur ayaa waxaa ku tiirsan bulsho farabadan noloshooda, balse waxaa soo wajahay dhibaatooyin kaga yimid tuugo caadeysatay dhaca beerahooda, waxeyna maamulka degmada iyo kan gobolka ka codsadeen in ay wax ka qabtaan arrintaan.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay maamulka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.

0

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa sheegay  in kulan muhiin ah uu Muqdisho kula qaatay Safiir ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee Somaaliya H.E Fabio Massimo Ballerini.

Dhinacyadaasi waxay kulankaasi diiradda ku saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadidda amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay waddo dowlada Talyaaniga.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn oo ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda isagoo ballanqaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doonto.

Safiir ku xigeenka ayaa boogaaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay ku tallaabsadeen maamulka Galmudug, wuxuuna kula dardaarmay in halkaasi laga sii wado dadaalka loogu adeegayo bulshada.

Munaasabad lagu xusayay sanad guurada 1-aad ee xil-heynta Duqa Muqdisho oo Muqdisho lagu qabtay.

0

Munaasabad lagu maamusayay sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii uu xilka la wareegay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa lagu qabta xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaanno, Wasiirro, madaxda degmooyinka gobolka Banaadir, qaar kamid ah madaxda xisbiyada iyo marti sharaf kale waxaana lagu soo bandhigay heeso kala duwan oo ka turjumayay wax qabadka guddoomiyaha gobolka Banaadir muddadii uu xilka hayay.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi iyo xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha Shacabka qBaarlamaanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa qiray wax-qabadka muuqda ee guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sameeyay muddadii halka sanno eheed, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan madaxdooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa madaxweynaha Jahmuuriyadda Soomaaliya uga mahad-celiyay garab istaagii uu u muujiyay muddadii sannadka eheed,wuxuuna sidoo kale shacabka caasimadda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen,isagoo ka codsaday in ay sii wadaan ka qeyb qaadashada horumarka caasimadda.

Sii hayaha Wasiirka Maaliyadda oo kulan Internet-ka ah la yeeshay Madaxda jaamacadda carabta.

0

Sii hayaha Wasiirka maaliyadda XFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan fogaan arag ah la yeeshay madax ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigoodu yahay dalka Masar.

Kulankaasi waxaa looga wadahadlay sidii qaar ka mid ah Dowladaha Jaamacadda Carabta ay Soomaaliya uga cafin lahaayeen deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa u mahadceliyay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo dhammaan ka qeybgalayaashii shirkaasi sida heer sare ah u dhacay.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in ay xoojiso is-badalka maaliyadda iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiis ay gaareen dhinacyada Suudaanta Koonfureed.

0

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu taageeray heshiiska nabadeed ee ay wada gaareen Dowladda Suudaanta waqooyi iyo qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka Hubeysan ee Dalkaasi.

Heshiiskan nabadeed oo aan weli la saxiixin ayaa waxaa Magaalada Jubba ee Caasimadda Suudaanta koofureed ku wada gaaray Dowladda KMG ah ee Suudaanta Waqooyi iyo Isbahaysiga ugu weyn ee Sudan Revolutionary Front (SRF).

Miiska wada hadallada ayaa la filayaa in ay kusoo biiraan Laba Jabhadood oo ka mid ah mucaaradka Hubeysan, wuxuuna heshiiskani soo Afjarayaa 17 Sano oo colaad sokeeye ah oo halkaasi ka taagnayd.

Sii hayaha Wasiirka waxbarashada oo Degmada Balcad ka dhegax dhigay dugsi lagu baranayo cilmiga beeraha. [sawirro]

0

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ay wehliyaan wasiirka waxbarashada Hirshabeelle ayaa dhagax dhigay Dusiga beeraha Balcad kaasi oo loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka deegaanka maadaama gobolka shabeellaha dhexe uu ka mid yahay kuwa ugu badan ee lagu beeraha dalagyada kala duwan ee dalkeyna ka baxa waxaana laga hirgeliyay degmada Balcad.

Munaasabaddaan waxaa goob joog ka ahaa maamulka Gobolka, kan degmada iyo mas’uuliyiin ka socotay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in dusgigaan uu waxbadan kusoo kordhindoono wax soo saarka isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan.

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cabdulaahi Abuukar xuseen ayaa sheegay inay dugsigaan ay ka faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed waxaana uu uga mahadceliyay sida dowladda dhexe ay uga go’antahay kor u qaadista wax soo saarta dalka.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalkla Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay iskuulkaan ugu talagalay cilmiga iyo tayada wax soo saarka dalka kor loogu qaado goobtaana ay tahay meel muhiim u ah dadka soomaaliyeed.

“Dusigaan beeraha balcad oo aan ugu talagalnay wax soo saarka gobolka looguma yeeri karo magac kale waxaana dowladda Soomaaliyeed ka go’an xoojinta wax soo saarka dalka”ayuu yiri wasiir goodax.

Waa dugsigii ugu horeeyay oo nuucaan ah ee laga  hirgaliyo degmada Balcad ee gobolka shabeellaha Dhexe waxaana mashruucaan fulinayo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub.

Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay heshiiska dhexmaray qeybaha Suudaan.

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres  ayaa soo dhoweeyayheshiiska nabadeed ee Dowladda Suudaan iyo hoggaamiyasha dhaqdhaqaaqyada hubeysan ay ku gaareen Koonfurta Suudaan, gaar ahaan magaalada Jubba.

Xoghayaha Guud ayaa hadal uu soo saaray uga  mahadceliyay dadka reer Suudaan heshiiska taariikhiga ah ee ay wada saxiixeen Dowladda Suudaan, Jabhadda Kacaanka Suudaan  iyo mucaaradka Ciidamada Xorreynta Suudaan ee uu hoggaamiyo Mona Minawi.

António Guterres,ayaa ku booriyay dhinacyada wadahadalada inay soo bandhigaan rabitaankooda siyaasadeed iyo sida ay uga go’an tahay inay ka shaqeeyaan gaaritaanka hadafka guud ee nabada.

Ilhaan Cumar iyo Xildhibaanno kale oo dacwad ka gudbiyay Askar falal xun kula kacay Dad Muslimiin ah.

0

Xildhibaanno ka tirsan Aqalka wakiillada  Mareykanka oo ay ka mid tahay Ilhan Cumar ayaa dacwad ka gudbiyay ciidamada ka hortagga qaxootiga iyo kuwa canshuuraha, kadib markii ay Dad Muslimiin ah oo xabsi ku jira ay ku qasbeen in ay cunaan Hilib Doofaar iyo raashiin qurmay.

Dacwadda oo ay Xildhibaannadu u gudbiyeen Waaxda amniga gudaha Dalka Maraykanka ayay kaga codsadeen in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan foosha xun ee lagula kacay Muslimiinta maxaabiista ah ee ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Miami.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah ugu saxiixnaayeen Xildhibaanada kala ah Ilhan Omar, Rashida Tlaib iyo Andre Carson ayaa lagu sheegay inaysan arrintaani aheyn wax aan la aqbali karin.

Maxaabiis Muslimiin ah oo ku jira xabsiga Krome ee Magaalada Miami ayaa lagu khasbay inay kala doortaan Hilib Doofaar iyo Raashin qurmay, sida ay sheegeen Xildhibaannadan.

Madaxweynaha Jubbaland oo tababr usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Jubbaland.

0
Madaxweynaha dowlad goboleedka  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada darawiishta dowlad goboledka  Jubbaland kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galada ka dhanka ah argagixisada.

Ciidamadaan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qayb-qaadanaya Howlgalada lagu cirrib tirayo Kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan ciidamada darawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaannada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka la xureeyay  sidoo kalana ay ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaannada ay Argagixisadu ku sugan yihiin iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah si ay uga dulqaadan dhibaatada ay Argagixisadu ku hayso.