Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qalabka looga hortago COVID-19 kala wareegtay Hay’adda WHO

Date:

Wasaaradda caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta kala wareegtay hay’adda caafimaadka Aduunka WHO qalabka looga hortago COVID-19, kaasi oo loogu talagay in la isticmaalo waqtiga doorashooyinka horu dhaca ah ka dhacayaan degmooyinka Qardho, UFayn iyo Eyl.

Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi Agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ahna kusimaha agaasimaha guud ayaa qalbka kala wareegay madaxa WHO Puntland.

Agasimaha ayaa uga mahadceliyay WHO qalabkaan ay soo gaarsiiyeen wasaaradda waqtigan muhiimka ah, waxa uu xusay in wasaaradduna qalabkaan iyo mid kale oo ay ku kordhiso ku wareejin doonto guddiga KMG doorashooyinka Puntland TPEC.

Isla goobka qalabka lagu wareejiyay ayaa agaasimuhu waxa uu qalabkii ku wareejiyay xoghayaha guud ee guddiga KMG doorashooyinka Puntland Marwo Ubax Abshir ayaa kala wareegtay.

Qalabkaan ayaa la gayn doonaa degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka golayaasha degmyooyinka ee horu dhaca ah.

Wasaaradda ayaa guddiga kmg doorshooyinka kala shaqaynaysa dhanka caafimaadka gaar ahaan xaga doorashooyinka, horay ayay wasaaraddu degmooyinka ugaysay gaari Ambulus ah iyo kooxo caafimaad oo la soconayay isku soo baxyada ururada hadii khatar caafimaad timaado

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...