Wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta qalabka looga hortago COVID-19 kala wareegtay Hay’adda WHO

Date:

Wasaaradda caafimaadka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta kala wareegtay hay’adda caafimaadka Aduunka WHO qalabka looga hortago COVID-19, kaasi oo loogu talagay in la isticmaalo waqtiga doorashooyinka horu dhaca ah ka dhacayaan degmooyinka Qardho, UFayn iyo Eyl.

Mudane Cabdirisaaq Abshir Xirsi Agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ahna kusimaha agaasimaha guud ayaa qalbka kala wareegay madaxa WHO Puntland.

Agasimaha ayaa uga mahadceliyay WHO qalabkaan ay soo gaarsiiyeen wasaaradda waqtigan muhiimka ah, waxa uu xusay in wasaaradduna qalabkaan iyo mid kale oo ay ku kordhiso ku wareejin doonto guddiga KMG doorashooyinka Puntland TPEC.

Isla goobka qalabka lagu wareejiyay ayaa agaasimuhu waxa uu qalabkii ku wareejiyay xoghayaha guud ee guddiga KMG doorashooyinka Puntland Marwo Ubax Abshir ayaa kala wareegtay.

Qalabkaan ayaa la gayn doonaa degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka golayaasha degmyooyinka ee horu dhaca ah.

Wasaaradda ayaa guddiga kmg doorshooyinka kala shaqaynaysa dhanka caafimaadka gaar ahaan xaga doorashooyinka, horay ayay wasaaraddu degmooyinka ugaysay gaari Ambulus ah iyo kooxo caafimaad oo la soconayay isku soo baxyada ururada hadii khatar caafimaad timaado

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...