Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo maalmahii u dambeeyey hawlo shaqo u joogay dalka Turkey ga, ayaa  kulan is-xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka Istanbul & Ankara.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Safiirka Soomaaliya ee Turkey-ga Amb. Jaamac Caydiid, U-qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkey Mardiya Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale, ayaa wuxu ganacsatada ka dhagaystay xog-waran guud oo ay ka siiyeen xaaladda ganacsatada Soomaalida ee dalka Turkey, cabashooyinka jira iyo weli ba dood ay ka yeesheen sida ugu habboon ee wax loogga qaban karo dhacdadii dhawaan ku dhacday ganacsatada Soomaalida ee Ankara.

Wasiir Khaliif Abdi Cumar oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn boggaadiyey ganacsiyada waaweyn ee Soomaalidu ka samaysay dalka Turkey, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in ganacsatadu u midowdo danahooda si aanay mar kale ugu dhicin wax dhibbaato ah sidoo kale na ay ixtiraamaan sharciga u yaala dalkaasi.

Wasiirku, wuxu carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay si dhow u la socdaan xaaladda Ganacsatada Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan wixii dhibbaato ah ee soo waajaha Ganacsatada isaga oo xusay in dhibbaatadii dhacday ay si toos ah uga la hadleen Madaxda dalka isla-mar-ahaantaana ay ka codsadeen in culaysyada laga dulqaado ganacsatada Soomaalida sidoo kale na loo fududeeyo ganacsiyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...