Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ka qeyb galay munaasabad xariga looga jarayay xarun waxbarasho

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ka qeyb galay munaasabad xariga looga jarayay xarun waxbarasho oo laga hirgeliyay deegaanka Boonyeershe ee Shabeellaha dhexe.

Dhalinyarada Soomaali Asal ayaa markii Ugu horeeyay deegaanka Boonyeershe Ka hirgelisay Iskuul ay Ku dhiseen isxilqaan iyo iskutashi bulsho.

Deegaanka Boonyeershe oo hoostaga degmada Warshiig ee Gobalka Shabeellaha dhexe, ayaa waxaa Mas’uuliyiintaan oo iskugu jira Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle iyo maamulka degmada Warshiiq Ku soo dhaweeyay qeebaha kala duwan ee bulshada iyo arday loo diyaariyay Iskuulka ,isagoona si wadajir ah xariga uga jaray.

Dhalinyarada Soomaali Asal ayaa dedaal badan geliyay hirgelinta Iskuulka iyagoona tilmaamay in wax walba lagu qabankaro isxilqaan iyo istaageerid, inta dhimana ka codsaday in ay ka taageeraan ganacsatada Soomaaliyeed si hormar wax barasho loo gaaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...