Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ka qeyb galay munaasabad xariga looga jarayay xarun waxbarasho

Date:

Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo ka qeyb galay munaasabad xariga looga jarayay xarun waxbarasho oo laga hirgeliyay deegaanka Boonyeershe ee Shabeellaha dhexe.

Dhalinyarada Soomaali Asal ayaa markii Ugu horeeyay deegaanka Boonyeershe Ka hirgelisay Iskuul ay Ku dhiseen isxilqaan iyo iskutashi bulsho.

Deegaanka Boonyeershe oo hoostaga degmada Warshiig ee Gobalka Shabeellaha dhexe, ayaa waxaa Mas’uuliyiintaan oo iskugu jira Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle iyo maamulka degmada Warshiiq Ku soo dhaweeyay qeebaha kala duwan ee bulshada iyo arday loo diyaariyay Iskuulka ,isagoona si wadajir ah xariga uga jaray.

Dhalinyarada Soomaali Asal ayaa dedaal badan geliyay hirgelinta Iskuulka iyagoona tilmaamay in wax walba lagu qabankaro isxilqaan iyo istaageerid, inta dhimana ka codsaday in ay ka taageeraan ganacsatada Soomaaliyeed si hormar wax barasho loo gaaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...

Wasiirka Maaliyadda oo ka warbixiyay shir sanadeedka gu’ga (Spring Meetings) oo ka dhacay Washington

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Madasha Diblomaasiyadda ee ANTALYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Istanbul kulan...