Home Blog Page 675

Maleeshiyaadkii isku hortaagnaa Deegaanka Xananbuure oo lakala qaaday+(SAWIRRO).

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan yuusuf Cadaala oo hogaaminayo xubno masuuliyiin ah oo dadaalo dhax  dhaxaad iyo hishiisìn beelo walaalo kawaday  deegaanka xananbuure ayaa ku guuleystay in  lakala  qaado maleeshiyaad is  hortaagnaa.

Masuuliyiinta ayaa saakay kormeer ku tagay deegaanka Olol oo dhanka koofur galbeed ku dhawaad 20KM ka xiga Xananbuuro oo  ka mid ah goobaha ay maleeshiyadu ku signed.

Sidoo kale waxa ay tageen deegaanka Xinjilab oo isna dhanka woqooyi ka xiga ku dhawaad 20KM Xananbuuro halkaas oo ay ku sugnaayeen dhinaca kale.

Gudaha magaalada waxaan markii labaad si fool ka fool ah u kulansaday  waxgaradka labada dhinac

Maanta oo sabti ah ayaa waxaan la filayaa inlaga soo  saaridoonaa Go’aamo uhiilinaya nabadda

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi  Kaariye  (Qoor Qoor) golaha wasiiradda Galmudug iyo wax  garadka  deegaanka siday  ugala  shaqeeyeen sidii dib loogu soo  celin  lahaa nabadda  iyo walaalnimada

Ugu dambeyntii wasiir Cadaala ayaa Waxa uu baaq udiray dhamaan Waxgaradka, culumada, dhalinyarada, ganacsatada iyo haweenka kasoo jeeda deegaanka Xananbuure inay xoogooda isugu geeyaan sidii aanay mardanbe colaad nuucaan ah usoo laaban laheyn loona dawaynlahaa tabashooyinka Walaalaha.

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha Wadamada Carabta.

0

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa ka qeybgalay Shirka Agaasimeyaasha Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee wadamada xuminta ka ah Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay  aaladda Fogaan aragga (ZOOM).

Shirkaan oo ah kii 19aad, ayna ka soo qeybgaleen 13 wadan ayaa diiradda lagu saarayay ka doodista qodobadii Shirkii hore ee ay yeesheen Wadamada Carabta iyo waxa ka qabsoomay sida, dib u eegista Magacyada Hey’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Wadamada Jaamacadda Carabta, sida ay ula dhaqmaan Wadamada Jaamacadda Carabta Qaxootiga carbeed ee wadamadooda ku sugan iyo saameynta uu ku yeeshay qulqulka Qaxootiga dhanka Amniga ee Wadamada Jaamacadda Carabta.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  ayaa hormarro la taaban karo ka sameysay qodobada looga hadlay shirarkii hore, sida; ka-hortagga Socdaalada Sharci darada ah, ka hortagga sameynta iyo ku safarka Dukumeentiyada safarka ee been abuurka ah iyo sidoo kale soo dhaweynta qaxootiga Carbeed ee ku sugan Soomaaliya sida Suuriyaanka  iyo Yamaniyiinta.

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Soomaaliya ay la jaanqaadeyso iyo siyaasadaha iyo Sharciyada lagu hagaajinayo Xaaladaha nololeed ee Qaxootiga Carbeed, islamarkaana looga hortago saameynta ay ku yeelan karaan dhanka Amniga wadamada marti geliyay, sida ku biirista Ururada Xagjirka ah, ka ganacsiga Maandooriyaha iyo Dhaqista lacagaha madow iyo Socdaalka Sharci darada ah.

Shirkaan oo laba maalin socday ayaa maalintii ugu dambeysay loogaa hadlay Isdhaafsiga Khibrada dhanka Jinsidiyaha, Isticmaalka Tiknolojiyada horumarsan ee Baasaboorka, iyo In aragti mideysan ay ka yeeshaan Wadamada Jaamacadda carabta aqoonsi ay ku mideysan yihiin dhamaan wadamada jaamacadda Carabta, kaas oo si weyn looga dooday ilaa ay 14 dal oo kamid ah ay soo gudbiyeen nuqulo kamid ah aqoonsiga,  markii dambena leysku raacay in aragtiyo  intaa ka badan laga yeesho.

Ugu dambeyn, Shirkaan oo jawi wanaagsan ku soo xirmay, waxaa bandhigyo ku sameeyay Dowladaha Urdun,iyo Sudan , kuwaas oo soo   bandhigay qaab-dhismeedka Hey’adahooda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Adeegyada ay bixiyaan Iyagoo meesha ku soo bandhigay adeegyada kala ah Bixinta Baasaboorka, Galka Qoyska, Kaarka Aqoonsiga, Shahaadada Dhalashada, Shahaadada Nikaaxa, Shahaadada Dhimashada, Shahaadada Furiinka iyo Galka Shakhsiga. Sidoo kale waxaa la isku raacay in adeegyada Socdaalka Wadamada Jaamacadda Carabta la fududeeyo.

Ciidanka Xoogga dalka oo deegaanno ka tirsan Sh/dhexe kala wareegay Al-Shabaab+(SAWIRRO).

0

Ururka 7aad ee Guutada 16-aad ee Ciidanka kumandooska danab ayaa  hawlgal ka sameeyey degaan ka mida   gobolka shabeelaha dhexe.

Degaanad hawlgalku ka dhacay ayaa kala ah  War ciise,  Maja badan,  Qor dhere, Bulo gannay, ka dheeray, kulan oo Dhamantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliyaha ururka 7aad  ee Guutada 16aad ee Ciidanka kumandooska danab Dhame Xasan maxamed cisman  oo hogaamiyanyey hawlgalka ayaa sheegay  in u jeedka hawlgalku u ahaa in Lagu Bur Buriyo Fariisamo  Nabad Diidka ku la hayeen deganaakaas  kuwaas oo isugu jiray Goob ay maxakamad beneed u ah iyo meel gabaad u ahayd  kuna  dhibateeyaan dadka shacabka ah ee ku nool Gobolka shabeelaha dhexe.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa Shacabka Somaliyeed Ka Codsaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada Si Looga guulaysto Nabadiidka .

Hawlgalkan  ayaa in uu socday waxa ay nabadiidku isku dayeen iska caabin balse Ciidanka kumandooska danab ayaa cagta mariyey maleeshiyadka qaarna nolosha lagu qabtay iyagoo hubaysan.

Burburintan Xarumahan ayaa alshabaab ku ah dhabar jab wayn madama ay goobahan ka helijireen dhaqaalo farabadan oo ay ka badaan dadka shacabka ah.

Hawlgalkan ay sameyeen ururka 7aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumandooska Danab ayaa qayb ka ah  hawlgalada guud ee lagu baacsanayo  nabadiidka  Naflacaariga maleeshiyadka alshabaab ee ka socda qayb ka mida dalkeena Somaliya.

Shil gaari oo qasaaro badan geystay ayaa ka dhacay dalka Mareykanka.

0

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dad kale oo badana waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay magaalada Fort Worth ee gobalka Taxes ee dalka Mareykanka.

Shilkan ayaa waxaa ku lug leh in ka badan boqol gaari kuwaas oo marayay wado weyn oo dhowr jiho isku dhaafta.

Gaadiidka oo isugu jiray xamuul iyo kuwo yar yar ayaa isdul barkaday oo isku dhacay iyadoo sababta lagu sheegay baraf surinka ka dhigay mid lagu sibqado.

Booliska iyo shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in qasaaraha uu kordhi karo maadaama uu wali gurmadku socdo.

Booliska waxay sidoo kale sheegeen in ay waqti qaadan doonto kala gurida gaadiidka isku riiqmay taana ay sababi doonto in dhabaha oo muhiim ah uu xirnaado

Qaramada midoobe oo deeq gaarsiiyay barakacayaasha magaalada Beledxaawo ee gobalka Gedo.

0

 

Heyada qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobe ee la yiraahdo UNHCR ayaa sheegtay in ay deeq gaarsiiyay dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Beledxaawo

Dadkan ayaa waxaa saameeyay dagaalkii dhawaanta ka dhacay magaalada kaas oo abuuray xaalad deg deg ah oo loo baahanyahay in gacan laga geysto

Dadka ayaa la siiyay agab muhiim ah sida baco ay hooy ka dhigtaan ,buste,gogosha hurdada iyo maacuun.

Dadkan ayaa waxaa ay ku nool yihiin xerada Qansaxleey halkaas oo ay degan yihiin barakacyaasha ugu badan .

UNHCR waxay tilmaantay in qorshaha uu yahay in la kaalmeeyo dad gaaraya 3,000

Nuxurka khudbadda ra’isul wasaare Rooble ee ka hor jeediyay golaha shacabka+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa khudbaddii maanta u jeediyay xildhibaanada golaha shacabka waxaa uu uga hadlay arrimo muhiim ah, waxaana kamid ahaa, sugidda amniga gaar ahaan xilliga doorashada, horumarinta caddaaladda, dhab u heshiisiinta, la dagaalanka musuq maasuqa, kobcinta dhaqaalaha, tayeynta adeegyada bulshada, la tacaalidda musiibooyinka Rabbaaniga ah sida; cudurka COVID-19, abaaraha iyo fatahaadaha.

Waxaa uu sidoo kale, sheegay in durba markii wasiirada cusub ay xilka la wareegeen la dejiyay qorshaha 100 maalin, iyadoo waxyaabaha hor tabinta u leh xukuumadda lagu soo koobay, affar tiir oo kala ah; tiirka siyaasadda loo dhan yahay oo ay ku wadajiraan wasaaradaha howshaas quseyso.

Tiirka horumarinta dhaqaalaha waxaa ku jira wasaaradaha iyo hey’adaha wax soo saarka iyo horumarinta dhaqaalaha, tiirka amniga iyo caddaaladda waxaa ku uruursan wasaaradaha iyo hey’adaha ay quseyso arrinta amniga, kan u dambeeyay ayaa ah, tiirka horumarinta adeegyada bulshada waxaa ku ku jira wasaaaradaha iyo hey’adaha ay shaqadoodu tahay adeegyada bulshada.

Mudane Rooble, waxaa uu ka hadlay, dadaaladda xukuumadda ay ku bixisay taaba gelinta doorashooyin loo dhan yahay laguna wada qanacsan yahay, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin qabashada doorashada iyo qancinta tabashooyinka ay qabaan dhinacyada ku lugta leh doorashada dalka.

Ra’iisul wasaaraha waxaa uu sheegay in cidna laga aqbali doonin in  amniga dalka ay Khalkhal geliso, isagoo xusay in xasiloonida ay tahay mid lagama maarmaan ah.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dowladda ku garab istaagaan sidii dalka horumarinkiisa looga shaqeyn lahaa.

Mudane Rooble, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kordhinta dhakhliga gudaha oo la gaarsiiyay 12.6m oo doolar in bil walka laga soo xareeyo ilaha dhaqaalaha dalka, halka markii hore la soo xareyn jirey ugu badnaan 7 ilaa 8 milyan doolar.

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo taageeray maamulka cusub ee Liibiya.

0

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inay taageerayaan maamulka cusub ee Liibiya, waxayna ku baaqeen in si buuxda loo dhaqan geliyo xabad joojintii horay loo gaaray.

Golaha Amniga ayaa soo dhoweeyay doorashada dalkaasi iyo sidii loga qaybgalay Madasha Wadatashiga Siyaasadda Liibiya ee lagu qabtay magaalada Geneva.

Kusimaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Liibiya, ayaa sheegay in kormeerayaasha ay yihiin xoog fududeeye u taagan so if bixinta caqabadaha qaswadayaasha.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Xukuumadda lagu dhisay heshiiska Qaranka, Fatxai Baashaqa ayaa caddeeyay in dadka Liibiya, ay u sinayeen madasha wadahadalka siyaasadeed.

Shir jaraa’id oo uu Wasiirka  ku qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Liibiya ee Tripoli ayuu ku sheegay in ay muhiim tahay in xal loo helo xiisaddaha ka taagan dalkiisa, waxuuna  muujiyay in uu diyaar u yahay in uu booqdoona gobolada dhaca bariga dalkaasi si loo qeymeeyo hergalinta heshiiskii lagaaray.

Wasiirka ayaa ugu danbeeyn tilmaamay in dowladda hadda jirta ay diyaar u tahay in ay ku wareejiso xukunka dowladda cusub, ayna sii wadi doonto howlaheeda inta ay xukuumadda cusub ka helayso kalsoonida Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka oo xoojineysa nidaamka caddaaladda iyo dhaqan celinta Maxaabiista.

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen.Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa kulan looga hadlayay kor uqaadista dhaqancelinta maxaabista la qaatay saraakiisha ciidanka, taliyeyaasha ciidanka asluubta, madaxda Hoggaanka,madax waaxeedyada, saarkiisha iyo ciidanka asluubta.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid looga hadlayay xoojinta amniga iyo kor u qaadista dhaqan celinta maxaabiista ku jirta xabsiyada dalka.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ay sare u qaadi doonaan tababarada iyo tayeynta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

“ Waxaan rabnaa ciidanka Asluubta naloo dhiibay inaan kor u qaadno, tabaradiisa, tayadiisa iyo ku dhaqankiisa sharci, cadaaladiisa inaan kor u qaadno oo mideyno ayaa rabnaa,” ayuu yiri Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlayay Saraakiisha iyo ciidanka Asluubta.

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa wado dadaalo ku aadan tayeynta ciidanka Asluubta si ay iyagana dhaqan celin wanaagsan ugu sameeyaan maxaabiista xabsiyada dalka ku xiran.

Nidaamka caddaaladda iyo dhaqan celinta ee Soomaaliya ayaa si weyn u soo xoogaysanaya iyada oo Dowladda Federaalka ay dhistay Xabsi Cusub oo si casri ah loo dhisay, kaas oo qeyb weyn ka qaadanayaa dhaqan celinta maxaabiista iyo sare u qaadista aqoontooda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Hakisay Maamulkii ay Umagacaawday Deegaanka Bacaadweyn.

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Oo Hakisay Maamulkii Ay Umagacaawday Deegnaaka Bacadweyne.

wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha galmudug ayaa lagu qoray sidatan.

Puntland oo soo dhaweysay shirka uu iclaamiyay madaxweyne Farmaajo.

0
Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta rasmiga ah ee madaxtooyada Puntland ku leedahay Facebook ayaa lagu soo dhaweeyay shirka 15 bishan uu iclaamiyay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaas oo looga hadlayo meel marinta heshiiskii doorashada 17 September ay wada galeen madaxda federaalka iyo kuwo dowlad goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay ku dhawaaqay in 15 bishan Febraayo, magaalada Garoowe uu dib uga bilaaban doona shirka madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo looga arrinsan doono doorashada dalka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dadaalaya, sidii dalka uga  qabsoomi laheyd doorasho la wada ogol yahay si ay u soo baxdo natiijo lagu wada qanacsan yahay.