Home Blog Page 675

Xildhibaanadda Golaha Shacabka BFS oo maanta kulan Yeelanaya.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka BFS ayaa Maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelanayaan  kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo ka qabsoomaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ciidmada Xoogga Dalka oo deegaanka Janaale ku soo bandhigay Xubin katirsan Al-shabaab.

Taliska ururrada 83-aad iyo 84-aad, guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degaanka Janaale ayaa soo bandhigay Cusmaan Xasan Hiraab oo muddo ka barbar dagaalamayay kooxda Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab, Cusmaan ayaa isku soo dhiibay ciidanka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Sarakaal sare oo katirsan Argagixisada Al-shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Danab Gàar Ahaan Ururka 5aad Guutada 16’aad CXDS Iyo Kuwa Nabadsugida Maamulka Jubaland Ayaa Howlgalo lagu baacsanyo Argagixisada Ka waday malmahan Deeganada Dhaca Dhinaca Galbeedka Magaalada Kismaanyo Ee Gobolka Jubada Hoose.

Ra’iisulwasaare Rooble oo caawa magacaabay Guddiga Amniga ee Xafladda Caleema saarka Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Amniga ee Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan lagu qaban doono Muqdisho.

Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo caawa Baydhabo kawada kulamo.

Madaxweynaha Jamuuriyada Soomaaliya Hassan Sheikh Maxamuud ayaa caawa ku sugan Baydhaba ayaa kulamo is-xogwaraysi ah la qaadanaya odeyaasha dhaqanka ee degaanada maamulka Koonfur Galbeed, Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku wehliya kulamadaan.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada oo safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday maanta ku tagay magaalada Baydhabo.

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa safarkiisi ugu horreeyay tan iyo markii xilkaas loo igmaday maanta ku tagay magaalada Baydhabo.

Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar

Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa Axadii xabsi dheer ku xukuntay musharrixii hore ee madaxweyne Abdel Moneim Aboul Fotouh iyo dhowr qof oo kale oo caan ah oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, iyadoo lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen inay afgembiyaan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xarigga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.