Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Talyaaniga oo la maxkamadeenayo

Date:

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Talyaaniga ahna hoggaamiyaha midigta-fog Matteo Salvini ayaa shalay maxkamad lasoo taagay sababo la xiriira tuhun ku saabsan inuu xanibaad sharci-darroo ah ku sameeyey in 147 qof oo muhaajiriin ah laga soo djeiyo markab soo bad-baadiyey, islamarkaana uu xaalad liidata ku hayey.

Salvini ayaa ka qeyb-galay dhageysiga furitaanka makxamadda ee magaalada Palermo ee gobolka Sicily.

Salvini oo hoggaamiya xisbiga midigta-fog ee League, islamarkaana caan ku ah siyaasaddiisa “Marka hore Talyaaniga” ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin afduub iyo ku xadgudub awood xafiis, isaga oo u adeegsaday xilkiisa wasiirka arrimaha gudaha inuu 147 muhaajiriin ah ku xabisay badda, bishii August 2019.

Salvini oo 48 jir ah ayaa sheegay in go’aankaas uusan aheyn mid uu kaligiisa gaaray balse ay isku raacday dowladda oo dhan, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii xilligaas Giuseppe Conte.

Dacwad-oogayaasha ayaa dalbaday marqaatiyaal ay ku jiraan Conte, wasiirka arrimaha gudaha iminka Luciana Lamorgese iyo wasiirka arrimaha dibadda Luigi Di Maio.

Salvini ayaa soo tweet gareeyey sawirkiisa isaga oo dhex jooga maxkamadda.

“Halkani waa maxkamadda xabsiga Palermo. Maxkamadeynta ay doonayaan kooxaha bidixda iyo taageerayaasha muhaajiriinta sharci-carrada ah ayaa billaabatay. Imisa lacag ayaa uga bixi doonta shacabka Talyaaniga,” ayuu yiri.

Dibadda maxkamadda, ayaa aas-aasaha iyo agaasimaga hay’adda Spanish-ka ah ee Open Arms oo maamuleysay markabka wuxuu sheegay in maxkamadda aysan dhiiri-gelin siyaasad.

“Badbaadinta dadka ma ahan dambi, balse waa waajib aan saarneyn kaliya kabtanada maraakiibta balse sidoo kale dal oo dhan,” ayuu yiri Oscar Camps.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...