Home Blog Page 673

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji.

0

Garoowe-(SONNA)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Senator,Maxamed Yuusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dalka Kenya.

Allaha u naxariistee, Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ahaa Odey Soomaaliyeed oo waxbadan ugu fadhiyay Soomaalida ku nool Kenya iyo guud ahaan bariga Afrika, isagoo aad ugala soo shaqeeyay arrimahooda gaarka ah iyo marxaladdaha soo wajaha.

Senator Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta Soomaalida ee muddada dheer kusoo dhex jiray Maamulka Dowladda iyo Siyaasadda Kenya, isagoo kasoo billaabay heer Degmo, Gobol, Xildhibaan Baarlamaan illaa uu gaaray 2008-2013 in uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga.

Marxuum, Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa hadda ahaa Senator laga soo doorto Ismaamulka Gaarisa, wuxuuna xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida la wadaagayaa Soomaalida ku nool dalka Kenya, Dowladda iyo Shacabka, ehelkiisii iyo asxaabtiisii , wuxuuna Marxuumka Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo Aamiin.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay geerida Senatar Maxamed Yuusuf Xaaji.

0

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisulwasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane; Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo eheladadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay Senatar, Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsanaa xildhibaanada dalka Kenya.

Mudane; Rooble ayaa boggiisa Twitterka ku sheegay inuu Xildhibaanku ahaa Oday Soomaaliyeed iyo siyaasi rug caddaa ah oo saamayn iyo qiima weyn ku lahaa geyiga Soomaaliyeed iyo guud ahaa geeska Afrika.

Ra’iisulwasaare Rooble ayaa marxuumka Alle ugu baryay inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelada uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Dood ku saabsan arrimaha tahriibka oo lagu qabtay dalka Masar.

0

Qaxootiga Soomaalida ee ku nool magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar oo ka qeyb-galay barnaamijyo taxanayaal ah oo ay daadihisay Ifraax Axmed, oo ah gabar u ololeeysa arrimaha bulshada ayaa ka hadlay mid kamid ah dhibaatooyinka ugu xun ee maanta ay wajahayaan Soomaalidda.

Saddex gabdhood iyo saddex wiil oo dhammaantood waaya-arag u ah arrimaha tahriibka ayaa qeyb-ta koowaad ee barnaamijka kaga hadlay sababaha dhallinyarada Soomaaliyeed ku qasbaya in ay aadaan safarka halista badan oo ay dhibaatooyin badan kala kulmaan jidka iyo sababta mukhalasiinta ay uga dhaadhiciyaan dhallinyarada in ay si nabad ah ku geynayaan Yurub.

Mid kamid ah dadka ayaa ka sheekeysay sheekadeeda gaarka ah. “Dalkeeyga dagaallo sokeeye ayaa ka jiray markii aan tahriibay, waxaan ka imid Mogadishu, deriskayagii way qaxeen, laakiin aniga waan iska joogay sababtoo ah waxaan ilaalinayay gurigeenna, kaddib waxaan arkay xaaladdu inay kasii darayso maalinba maalinta ka dambaysa, waxaan go’aansaday inaan cararo, waxay ahayd go’aankeyga shaqsiyeed,dhibaatooyin kale oo badan ayaa sidoo kale jiray.

“Inta badan ka qeyb-galayaashu waxay isku raaceen in amni darada ay tahay sababta ugu weyn ee dhallintu ay uga cararaan dalkooda Soomaaliya, laakiin inbadan oo kamid ah waxay qabaan dhibaatooyin kale, sida shaqo la’aan iyo rajo beel dhinaca mustaqbalka ah. Mukhalasiinta waxaa ay ku sababaan dhallinyarada sheekooyin iyo balanqaadyada macaan, waxaana ay u sheegayaan dhallinyarada in safarka ay ku tagayaan Yurub uu yahay mid fudud, ammaan ah, oo gaaban. Mid ka mid ah haweenka ka qeyb-gashay barnaamijka ayaa tiri: “Weli waxaan xasuustaa sidii farxada laheyd ee uu mukhalaska iiga qaatay lacagtayda. Anniga kaliya ma uusan i dhicin, laakiin sidoo kale dad badan oo Soomaaliyeed ayuu dhacay. Mukhalaska waxaa uu dhacay dad badan, xitaa qaar kamid ah dadka ayuu iibsaday.

“Marka safarkooda uu bilowdo, tahriibayaasha waxaa ay haliso aan lasoo koobi karin ay kala kulmi doonaan doomo si xad dhaaf ah dad loogu soo raray, dhulka saxaraha ama gacanta kuwa dadka afduubta. Tahriibayaasha waxaa ay goob-joog u noqon doonaan dhibaatooyin aan laga sheekeyn karin, kuwo badan oo kamid ah tahriibayaasha ma badnaadi doonaan,” gabar kale oo ka qeyb-gashay barnaamijka oo ka hadlaysay khibradeeda naxdinta leh ayaa sidaasi tiri.

“Kuwa ka ganacsada waxyaabaha sharci darrada ah ayaa na afduubtay. Qaar naga mid ah ayaa adoon ahaan loo iibiyay. Dadka qaar ayaa lagu qasbay inay ku biiraan kooxdeena, xitaa haddii aysan rabin inay safraan. Mukhalisiinta ayaa xoog ku qaatay. Qaarkeen ayaa si xun loo garaacay qaarna xitaa waa dhinteen. Qaar baa waxaa ka lumay oggaalkooda. Tahriib ma sahlana. Mukhalisiinta wax ay tahriibka ka dhigayaan wax fudud, laakiin waxaa jirta khatar dhab ah.

” Xubnahii ka qeyb-galay barnaamijyada ayaa isku raacay in sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo ku dhimashada tahriibka ay tahay in la faafiyo runta ku saabsan waxa ku dhaca dadka tahriibaya ama tahriibayaasha. Laakiin dhibka jira ayaa ah in dhalinyarada Soomaaliya aysan dhageysan doonin digniinaha.

Borobogaandada mukhalasiinta aad ayey u xooggantahay. xitaa marka kuwii kasoo badbaaday tahriibka ay dib ugu soo noqdaan guryahooda oo ay ka sheekeyaan wixii ay kala soo kulmeen tahriibka, dadku wey diidaan in ay rumeystaan.

Mid ka mid ah sababaha arrimahan dhiiragelinaya waa fariimaha dhagarta ah ee dadka ay soo dhigayaan baraha bulshada. Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ku nool Yurub iyo meelo kale oo iska dhigaya inay nolol wanaagsan heystaan ayaa soo bandhigaya sawirro iyaga oo xiran dhar qurxoon oo hor taagan gawaarida raaxada. Xubnaha ka qeyb-galay barnaamijka ayaa dhammaantood isku raacay in sheekooyinkaasi iyo sawirradaasi beenta ah ay sii xoojinayaan mukhalasiinta. Halka qaar kamid ah dadka qurbaha ku nool oo aan rabin in wajigooda la arko ay sheegeen in aysan heysanin daqli soo galo isla markaana ay gaajeysanyihiin, halkan dooda noocaasi ah ay noqotay mid xamaasad leh.

“Waxaan ugu yeeri lahaa baraha bulshada wakiiladda mukhalisiinta,” ayuu yiri nin. Haweeney ayaa ka soo dhex-gashay oo tiri: “Waxaad arki doontaa dad aan dabooli karin baahiyahooda aasaasiga ah, in sawirro qurxu badan ay soo dhigaan baraha bulshada. Markaas dadku waxay aaminayaan in dadkaasi ay nolosha ku raaxeysanayaan oo ay baashaalayaan.

” Gabagabadii, Ifraax Axmed oo xiriirineysay barnaamijka ayaa uga mahadcelisay ka qeyb-galayaasha doodoodda xiisaha badan, taas oo ka qeyb ka qaadan doonta wacyigalinta dhallinyarada ee khatarta tahriibka.

Dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo bilaabay qorshe lagu caawinayo dadka gargaarka bani’aadanimo u baahan.

0

Hayada UNOCHA ee qaramada midoobay ayaa sheegtay in maanta lagu daah furay magaalada Muqdisho qorshe balaaran oo looga jawaabayo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira soomaaliya.

Qorshahan ayaa waxaa iska kaashanaya dowlada Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee gacanta ka geysta gargaarka bani’aadanimo.

Qorshaha ayaa u jeedkiisa waxa uu yahay in lagu caawiyo 4 malyuun oo qof kuwaas oo qeyb ka ah 5.9 malyuun oo u baahan gargaar.

Dadka la caawinayo waxaa qeyb ka ah dadka barakacayaasha ah oo ah kuwa ugu badan oo dhibaatada ay heysato.

Munaasabadaan lagu maamusaayey Sanadguuradii 61aad ee aasaaska Ciidanka Cirka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

0

Munaasabadaan ayaa lagu maamusaayey Sanadguuradii 61aad ee aasaaska Ciidanka Cirka Soomaaliya taaso ku began 15.02.1960kii ayaa waxaa ks oo qaybglay Wasiirka Gaashaan dhiga,Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka,Taliyaha Ciidanka Dhulka,Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda iyo Marti Sharaf kale oo lagu Casuumay ayaa lagu Qabatay Xarunta Ciidanka Cirka ee Afiisyoone.

Taliyaha Ciidanka Cirka S/Guuto Maxamuud Sheekh Cali Dable biloote ayaa ka warxiyey Taariikhda Ciidanka Cirka-cod1aad.

Taliyaha Ciidka Dhulka S/Guuto Maxamed Tahliil Biixi ayaa tilmaamay in la,aanta Ciidanka Cirka aysan Dhulku guul dhab gaari Karin-cod2aad.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Cabaas Amiin Cali ayaa u Hambalyey Dhanaan Ciidanka Cirka-cod3aad.

Wasiirka Gaashaan dhiga Md Xasan Xuseen Xaaji ayaa soo gaarsiiyey habalyo uu ka sido Madaxweyne Farmaajo ayaa in Xukuumadu wado dadaalkii ay dib ugu dhisi lahaa Ciidanka Cirka-cod4aad.

Ciidanka Cirka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka mid yahay Ciidanka Qalabka Sida Soomaaliya waxaana uu door kaga jiray Difaaca Dalka.

Deeq raashiin ah oo loo qeybiyey danyarta magaalada Xuddur.

0

Gargaarkaan raashiinka ah oo lagaarsiiyey 250 qoys oo ka mid ah danyarta magaalada Xuddur ayaa ka koobneed bur bariis sonkor iyo saliid waana qayb ka mid ah gurmadka loo fidinayo shacabka magaalada Xuddur.

Dadka danyarta ah ee deeqdaan nasiibka u yeeshey ayaa u mahadceliyey jaaliyada midnimo oo dadaal badan gelisey in dadka ugu liita deeqdaan lagaarsiiyo.

Maamulka Degmada Xuddur iyo kan gobolka Bakool oo iyagu soo xuley danyarta raashiinka loo qaybiyey ayaa mahad u jeediyey jaaliyada midnimo.

3-Qof oo cudurka Ebola ugu geeriyootay dalka Guinea.

0

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Guinea ayaa sheegtay in seddex qof ugu geeriyootay dalkaas cudurka Ebola.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Guinea ayaa looga dalbaday hay’aadda caafimaadka adduunka inay si deg deg ah tallaal ula soo gaarto si looga baaqsado in cudurku kusii  faafo dalka iyo qaaradda Africa.

Dhanka kale, agaasimaha hay’adda caafimaadka u qaabilsan Afrika Machidisu Moeti, ayaa muujisay sida ay uga walaacsan tahay inuu mar kale soo laabto cudurka Ebola.

Moeti ayaa intaas ku dartay inay ka shaqeeynayaan sidii la isaga kaashan lahaa ka hor tagga cudurka dilaaga ah ee  Ebola.

Cudurka Ebola  ayaa markii ugu horaysay ka dillaacay galbeedka Afrika sanaddii 2013.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan sagootin ah la qaatay safiirka Ingiriiska u fadhiyay Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya Mudane, Ben Fender kaasi oo ay u dhamaatay muddaadii shaqadiisa.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xiriiirka ka dhaxeeya labda dal.

Safiirka Ingiriiska u joogay Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa uga mahadceliyey safiirka kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo u rajeeyey safiirka mustaqabl wanaasgan.

Wasiirkii hore ee difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo Geeriyooday.

0

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee dalkaas.

Alle ha u naxariistee Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ku geeriyooday da’da 80-jirka, wuxuuna ahaa senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo xaqiijiyay geerida Marxuumka ayaa sheegay in afar ilaa iyo shan bilood uu xanuunsanayay,islamarkaana daaweyn caafimaad loogu qaaday dalka Turkiga.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday Guddoomiyaha gobolka Rift valley intii u dhexeysay 1970 iyo 1998 iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay falalkii ugu danbeeyay ee aragagixisadu ka geysatay Soomaaliya.

0

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa si kulul u cambaareeyay weeraradii ugu danbeeyay ee argagixisadu ka geysatay dalka Soomaaliya kuwaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Bayaan ka soo baxay ururka iskaashiga islaamka ayaa lagu sheegay in ay tahay arrin fool xun falalka kooxaha argagixisadu geysanayaan, iyadoo lagu jiro diyaar-gawroowga doorashooyinka guud ee Soomaaliya.

Ururka ayaa uga tacsiyeeyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed dadkii ku dhintay weeraradii ugu danbeeyay, wuxuuna caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ururka Iskaashiga Islaamku garab taagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ku garab siinayaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha argagixisada.