Home Blog Page 656

Qaramada midoobe iyo itoobiya oo ka wada hadlay xaalada qaxootiga ku sugan gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya

0

Wafdi ka socda heyada qaxootiga qaramada midoobe ee UNHCR ayaa gaaray magaalada Adisababa si ay dowlada itoobiya ugu booriyaan badbaadinta dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa ku sugan xeryaha ku yaala gobalka Tigray ee dagaaladu ka jiraan.

Wasiiru dowlaha nabadda itoobiya Frealem Shibabaw, oo wafdiga qaabishay ayaa sheegtay in itoobiya ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta badqabka qaxootiga islamarkaana la qaaday talaabooyin lagu ilaalinayo dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin kuwo xeryaha qaxootiga ku jira mudadii uu socday howlgalka gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya.

Waxay tilmaantay in dadkii xeryaha ka cararay cabsi darteed mudadii uu socday dagaalka tigray ay hada ku laabteen meelihii ay ka yimaadeen.

Waxay sidoo kale sheegtay in itoobiya ay diyaar u tahay soo celinta qaxootiga Sudan jooga hadii ay iyagu doonaan.

Waxaa maalmahan jiray walaac xoogan oo heyadaha samafalka ay ka muujinayeen dadka qaxootiga ah ee ku nool waqooyiga itoobiya .

Waxaa jira eedo dowlada itoobiya loo jeediyay oo ahaa in qasab lagu celiyay qaxooti  Eritrea ka yimi oo ku sugnaa gobalka tigreega

Dowlada itoobiya ayaa beenisay eedaasi waxayna sheegtay in qaxootiga ay iskood xeryaha uga baxeen iyaga oo dagaalka ka baqaya.

Gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya waxaa ku yaala 33 xero oo dadka qaxootiga ay daganyihiin waxayna badankood ka yimaadeen dalka Eritrea.

Itoobiya oo ka hadashay askar reer Sudan ah oo lagu laayay xadka kala qeybiya Sudan iyo Itoobiya

0

Ra’isulwasaaraha itoobiya abiy ahmed ayaa sheegay in dowladiisu ay si dhow ula socoto dhacdo ka dhacday xuduuda itoobiya iyo Sudan

Qoraal uu dhigay bartiisa Twiterka ayuu ku sheegay in arintaasi ay geysteen maleeshiyo deegaanka ah .

Abiy waxa uu tilmaamay in arintan aanay jabin doonin xiriirka u dhaxeeya labada dal kuwaas oo mar kasta wada hadal ku xaliya arimahooda.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo war qoraal ah oo ka soo baxay xukumada Sudan lagu canbaareeyay weerarka oo dowlada Sudan  sheegtay in ay geysteen ciidanka itoobiya iyo maleeshiyo wehelisay .

Ra’isulwasaaraha Sudan ayaa sheegay in fiidkii talaadada ee la soo dhaafay weerar gaadmo ah lagu qaaday ciidanka Sudan  oo ka soo laabtay shaqo ilaalin xuduuda ah kuwaas oo marayay halka lagu magacaabo Jabal Abutiour oo ku talaala gudaha dalka Sudan .

Golaha Amniga oo ansaxiyay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u fadhi doona Liibiya.

0

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe ayaa ansixiyay soo jeedintii  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe  António Guterres ee aheyd in Nickolay Mladenov noqdo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Liibiya.

Nikolay Mladenov  ayaa bedeli doona Gassaan Salaama  oo ka tegay xilkaas bishii March ee la soo dhaafay, culeys dartiis.

Bayaan ay soo saareen xubnaha Golaha Amniga ayaa lagu sheegay inay  muhiim tahay in la helo hannaan lagu kalsoonaan karo si Liibiya looga hirgeliyo xabbad joojin dhab ah.

Golaha ayaa ku baaqay mar kale in dhammaan dagaalyahanada ajaanibta ah ee jooga dalkaas inay dhaqsi uga baxaan.

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku ridday rag ka tirsan Al-shabaab

0

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday rag ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab oo dilal ka geystay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Cumar Aadan Maxamed oo 29 jir ah iyo Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaashaha Alshabaab iyo dilal ay ka geysteen magaalada Muqdisho ay qirteen in ay ka dambeeyeen dilalka marxuumiinta kala ah.

  1. Saddex Alifle dowladda hoose, Cabdullaahi Maxamed Hilowle oo lagu dilay suuq Boocle, degmada Dharkeynley,taariikhdu markey aheyd 12-10-2019.
  2. Dable xoogga, Cali Cabdulle Maxamed oo lagu dilay suuqa Weyn, degmada Wadajir taariikhdu markey aheyd 13-11-2019, iyadoo ciidamada amnigu qabteen dilka marxuumkan kaddib.

Mareykanka oo cambaareeyay afduub arday loo geystay oo ka dhacay dalka Nigeria.

0

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cambaareysay afduubka in ka badan 300(Saddex boqol) oo arday oo laga afduubtay iskuul ku yaal  waqooyi galbeed ee dalka Nigeria.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri: Mareykanku wuxuu si adag u cambaareynayaa afduubkii loo geystay arday joogtay iskuul ay wax ku baranayeen.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dowladda Maraykanku baaritaan ku samayn doonto sheegashada Boko Xaaraam.

Hoggaamiyaha kooxda xagjirka ah ee Boko Xaaraam Abubakar Al-Shikwi ayaa ku sheegay muuqaal uu soo duubay talaadadii inay afduubteen boqolaal arday ah.

kooxda Boko Xaaraam ayaa 2014-kii afduubatay 276 gabdhood oo ku sugnaa iskuul-ki ay wax ka baranaayeen.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

0

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal mudane Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulanka ay yeesheen labadaan mas’uul ayaa ahaa mid xog-isdhaafsi ah oo ku saabsan dardargelinta howlaha doorashada.

Wasaaradda Amniga XFS oo ka digtay bannaanbaxyo aan lagu wargelin laamaha Ammaanka.

0

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in bannaanbixii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho aan lasoo ogeysiin hay’adaha amniga.

Wasiirka ayaa tilmaamay in aan xilligaan loo baahneyn rabshado iyo in la carqaladeeyo amniga dalka, isagoo xusay in dastuurku oggolyahay in dadku ay muujiyaan dareenkooda balse ay tahay in laamaha ammaanka lagu wargeliyo si loo ilaaliyo amniga dadka isu imaanaya, si aysan ugu soo dhex dhuuman argagaxisada Al-shabaab.

“Bannaanbax iyo cabasho waa wax la oggolyahay, dastuurkaa oggol,adduunyadaa oggol,caqligaa oggol,sharcigaa oggol,cid kastaa oggol,waa marka qof la ogyahay ujeedadiisa uu sheegay amniga uyimaado,markaas dowladda waxaa ka saaran in goobtuu tegi lahaa asoo nabdoon tago.Dowladnimadeynu waxey ku dhisantahay ra’yi ra’yi ka duwan lama diidana taas”ayuu yiri wasiir Xundubey.

Wasiirka amniga gudaha mudane Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in amnigu yahay mid ay wada leeyihiin bulshadu oo u tahay in la wada ilaaliyo maaddaama aysan cid gooni ah laheyn,isagoo ka digay in bulshada loo adeegsado bannaanbaxyo aan lagu wargelin laama amniga.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug+(SAWIRRO).

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug. Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wasiirrada XFS ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa.

Shirkan ayaa  diirradda lagu saaray wadashaqeynta, iskaashiga dowladda federaalka iyo Dowladda Goboleedka Galmudug ee  arrmaha amniga,  dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Dhagax Dhigay Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb+(SAWIRRO).

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga deegaannada Galmudug ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb uu ahmiyad weyn u leeyahay soo celinta kaabayaasha iyo horumarinta adeegyada bulshada ee muhiimka u ah shacabka Galmudug, isla markaan uu si deg deg ah ku bilaaban doonno mashruucan lagu dhisayo Garoonka.

Eng. Rooble ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Galmudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay hiigsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinkii la haray deegaanka ee dib u riday horumarkii la sameyn lahaa.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Siyaasiyiinta iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee Galmudug in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed iyo dib u dhiska Garoonka Caasimadda Dhuusamareeb.”

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga mahadceliyey Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybta weyn ee ay ka qaadanayso dhismaha Garoonka, isagoo sheegay in mashruucani uu yahay mid saldhiggiisu yahay sidii Caasimadda Galmudug ay u heli lahayd garoon diyaaradeed oo u qalma.

Munaasabadda Dhagax dhigga Garoonka ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxda Galmudug, Wasiirro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.

Shir weynaha haweenka Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Muqdisho+(SAWIRRO).

0

Caqabadaha ku hor gudban ka qeybgalka haweenka ee doorashooyinka soo aadan iyo muhiimadda ay leedahay in la dhowro qoonddada dumarka ee kuraasta labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa lagu soo bandhigay shirweynaha haweenka Soomaaliyeed ee u qareemidda qoondada dumarka 30% ee  labada aqal ee BFS.

Shirka oo ku qabsoomay masraxa qaranka ayna goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha golaha shacabka , ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo boqolaal kamid ah haween weynah Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobolada dalka oo wasaaradda haweenka ku casuuntay ka qeybgalka shirkan.

Dhammaan mas’uuliyiinta ka hadashay madasha oo ay kamid yihiin wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaal iyo u ololeeyeyaasha xuquuqda dumarka Soomaliyeed  ayaa wadajir usoo dhaweeyeen dadaalada ay wado wasaaradda haweenka XFS ee ku aadan xaqiijinta qoonddada 30% ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin baarlamanka dalka.

Xaniifa Maxamed Ibraahim, wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in u jeedka shirkan loo qabtay ay tahay sidii loo ilaalin lahaa saamiga haweenka ay ku leeyihiin kuraasta golaha sharci dejinta dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed ra’iisulwasaare ku xigeenka XFS ayaa tilmaamay in dowlada federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta xaqa hablaha Soomaaliyeed u leeyihiin ka qeybgalka siyaasada dalka.

Maxamed Mursal Sheekh Cabduraxmaan Guddoomiyaha golaha BFS oo wasaaradda haweenka ku bogaadiyay mas’uuliyadda ay iska saartay ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guddoonka golaha shacabku garab taagan yihiin in haweenka fursad loo siiyo ka qeybgalka siyaasadda.

Shirka waxaa laga soo saaray war murtiyeed, qodobadii ku jireyna kamid ahaayeen in baarlamaanka 11-aad ee dhawaan la soo dooranayo 30% noqdaan haween.

In 50%  laga dhimo haweenka u sharaxan kuraasta labada aqal ee baarlamanka. In kuraasta loo qoondeeyay dumarka aysan kula tartamin ragga.

Shirkan wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah, oo wasaaraddu u qabato haweenka Soomaaliyeed, waxaana lagu casuumay dhammaan wasaaraddaha haweenka ee dowlad goboleedyada, ururada arrimaha haweenka u ololeeya.

Mas’uuliyiinta shirweynaha haweenka Soomaaliyeed ka qeybgashay waxaa kamid ahaa, ku guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare, Mowliid Xuseen Guhaad, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, xildhibaano ka tirsan labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.