Home Blog Page 656

Masuuliyin Katirsan Galmudug oo gaaray Deegaanka Daarusalam.

Wafdi uu hogaaminaayo Guddoomiye kuxigenka Gobalka Mudug ahna Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Cabdulaahi Warsame ayaa gaaray deegaanka Daaru-Salaam.

Madaxweynaha Serbia oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia

0

MUQDISHO-JUUN -20-20-22-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed.

Shirka Guddiga Warbaahinta iyo Wacyi gelinta ee gudiga qaban qabanqaabada  maalmaha xorriyada 26ka juun  iyo 1da Luulyo

Muqdisho-Juun-20-2022-:Shirka Guddiga  Warbaahinta & Wacyi gelinta ee gudiga qaban qabanqaabada  maalmaha xorriyada 26ka juun  iyo 1da Luulyo, ayaa maanta shirkoodii laabad ku yeeshay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska XFS.

DAAWO:Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dalka oo daah-furay shirka Madasha Shanaad ee looga hadlaayo dhaqaalaha dalka

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Guuleed ayaa daah-furay shirka Madasha Shanaad ee dhaqaalaha Soomaaliya iyo Istiraatiijiyadda Kobaca iyo Isbadalka Dhaqaalaha dalka.

DAAWO:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Guddi ka shaqeyn donna Xuska Todobaadka Xorriyadda.

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Magacaabay Guddi Heer Gobol  oo isugu jira Guddoonka Maamulka Gobolka, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayna hogaamineyso Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) kuwaasi oo ka shaqeyn donna Xuska Todobaadka Xorriyadda, isla markaana la fal-geli donna Guddiga Heer Qaran ee Xuska Todobaadka.

SAWIRRO:Guddoomiye Cumar Filish oo guddoomiyey kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda ee 26 june iyo 1 da Luulyo.

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022:Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta oo ay Taariikhda ku began tahay (Isniin 20 June 2022) shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay u-diyaar garowga Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya ee 26 june iyo 1 da Luulyo, kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Laamaha Amaanka ee Qeybta Guud Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Ergayga Arrimaha Bini-aadimada iyo Gurmadka Abaaraha oo booqasho iyo kormeer ku tagey xirooyinka Barakacayaasha ee Degmada Doolow.

0

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha jamuuriyadda Federaalka Soomaliya u qabisan Arrimaha Bini-aadimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo waftigii oo uu horkacayey oo saacado ka hor  gaarey Degmada Doloow ayaa booqasho iyo kormeer ku tagey xirooyinka Barakacayaasha oo ay ku nool yihiin qoysas aad u tira badan oo ka soo baracakacay abaaraha dalka ka jira .

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Shir guddoomiyey shir heer Wasiiro ah oo looga hadlayey maamul baahinta Puntland+SAWIRRO .

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir guddoomiyey shir heer Wasiiro ah oo looga hadlayey maamul baahinta Puntland ee (JPLG)

DAAWO:Taliska Ciidanka Nabad galyada Wadooyinka Gobalka Mudug oo digniin adag u diray Darawalada gaadiid ka xeeya.

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Taliska ciidanka booliiska nabad galyada wadooyinka gobalka Mudug  ayaa sheegay in ciqaab adag ay la kulmi doonaan gaadiidka lagu qabto iyagoona wadan taraakiida aqoonsiga ee heer dowlad gobaleed iyo mid fadaraalba.

Maamulka Gobalka Mudug oo gacanta ku dhigay ehelada eedeysanayaal loo heysto dil kadib markii ay baxsadeen dadkii Falkaas geystay.

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Maamulka Gobalka Mudug oo gacan ka helaya ciidamada nabad sugida iyo Booliiska gobalka Mudug oo maal-mahaanba waday dadaalo la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shaqsiyaad ku eedeeysnaa dil dhawaan ka dhacay deegaano hoostaga dagmada Bandiiradleey ayaa soo xir xiray ku dhawaad 10 ruux kuwaas ah  ehelada eedeeysanayaasha loo heysto dilka kadib markii ay baxsadeen eedeeysanayaashii Falkaas geystay.