Madaxweynaha Serbia oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia

Date:

MUQDISHO-JUUN -20-20-22-:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Vučić ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona Dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed.

 

Dalalka Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya Xiriir qoto dheer oo ku saabsan Iskaashiga labada dal, waxaana Danjire Maxamed Cabdullaahi uu La wadaagay Madaxweynaha Serbia Dhambaal Salaan ah oo uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xiriirka Muqdisho iyo Belgrade ayaa soo bilowday 62-sanno ka hor, waxaana Madaxweynaha Serbia Mudane Aleksandar Vučić uu sheegay in labada dal ay leeyihiin Taariikh iyo xiriir dheer.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cadaaladda oo furay tababar aqoon kororsi oo loo qabtay saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyey kulan looga hadlay Hindisaha Xeerka Maamulka Goleyaasha Degmooyinka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS...

MADAXWEYNAHA JFS OO WARQADAHA AQOONSIGA DANJIRENIMO KA GUDDOOMAY SAFIIRKA CUSUB EE JABUUTI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS...