Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Shir guddoomiyey shir heer Wasiiro ah oo looga hadlayey maamul baahinta Puntland+SAWIRRO .

Date:

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shir guddoomiyey shir heer Wasiiro ah oo looga hadlayey maamul baahinta Puntland ee (JPLG)

Shirkan oo sanadkii laba jeer qabsooma waxaa kasoo qayb galay ,Wasiirada wasaaradaha bahwadaagta la ah mashruucha, Agaasimaha Madaxtooyada iyo masuuliyiinta xafiiska maamul baahinta Puntland (JPLG)  waxaana looga hadlay, Xog-waran ku saabsan dibu-eegista siyaasada maamul baahinta, Warbixin ku aadan soo dhamaystirka xeerka Biyaha oo  laga  dhegaystay Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha  Puntland, Dar-dargelinta qoondada dowladdu ku bixiso hawlaha fidinta adeegyada horumarinta maxalliga ah oo laysla gartay in sida ugu dhakhsaha badan looga hawl galo iyo Ansixinta wareejinta 20 xarumo Caafimaad  iyo 33 xarumo waxbarasho ee laysku af-gartay shirkii  guddiga farsamo ee qabsoomay  21-22, March, 2022 oo shira lagu ansixiyey.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka oo hadal koobaan ka jeediyey ayaa xusay muhiimada ay leedahay maamul baahinta iyo in cid walba ka qaadato qaybta kaga aadan isaga oo amray wasaaradaha mashruucu la xiriiro inay fududeeyaan hawlaha looga baahan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...