Home Blog Page 657

Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in baaritaan lagu sameynayo isku dhac ciidan oo ka dhacay Muqdisho

0

Galabta ayey ahayd markii ciidan ka tirsan Asluubta iyo ciidamo ilaalo u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu iska hor imaad kooban oo aan qasaare gaysan ku dhexmaray Kontarool ku yaal dhanka Degmada Xamar weyne oo laga ilaaliyo Hay’adaha Garsoorka iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cadaaladda iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Xabsiga Dhexe ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin gacan ka hadalka dhexmaray labada ciidan ee Qaranka u wada adeegayey.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in falka uu ahaa mid aan wanaagsaneen ku tagalkana uusan ahayn in ciidan hal hadaf leh ay isku dhacaan.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabadulqaadir Maxamed ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka xunyihiin rasaastii labada ciidan ay is dhaafsadeen, raali galina ay ka siinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Asluubta iyo Wasiirka Caddaalada ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in la baarayo sababta keentay in ciidanka isku dhacaan.

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaliya oo ka hadlay xiriirka dawladdaha Soomaliya, kenya iyo Jabuuti

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya, Mudane Muhammad Abdirizak, oo waraysi gaar ah la yeeshay telefishanka qaranku ayuu wasiirku kaga hadlay arrimihii ugu dambeyey ee gobolka iyo Siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya, ugu horayn wasiirka oo ka hadlaya heshiiskii laga gaadhay khilaafka doorashada ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Heshiiskii Sebtember 17, oo ay si wada jir ah u wada gaareen dawladaha federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuu ahaa mid taariikhi ah, isagoo xusay dadaalka wadajirka ah ee ay wadaan madaxda iyo siyaasiyiinta dalka si loogu guuleysto guusha. qorshaha geeddi-socodka doorashooyinka dalka.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, wuxuuna yiri: “Labada dal waxay leeyihiin xiriir walaaltinimo oo taariikhi ah, iyadoo la tixraacayo warbixintii ay Jabuuti ka soo saartay guddiga baaritaanka ee ku saabsan khilaafaadka u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi, Saamayn xun kuma yeelanayso xiriirka adag ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah: Raysulwasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ka qayb galay xafladii caleemo saarka dib u doorashada Madaxweynaha Jabuuti. ”

dhinaca kale Wasiirka ayaa beeniyay in dawladda Qadar ay doonayso inay soo afjarto kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya si xal diblomaasiyadeed looga gaaro muranka badda, isagoo carabka ku adkeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sugeyso go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda Caalamiga ah

Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare Oo Lasoo Gabagabeeyay+Sawirro

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xasan ayaa soo xiray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka12aad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in aysan jirin caqabado ku yimid Howlwadeennada, Ilaaliyayaasha, kormeerada iyo guud ahaan habsami u socodka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad dugsiyeedka 2020-2021.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa u mahadceliyay Ardayda, Maamulada Iskuuladda. Ardayda iyo Waalidiinta ee xiliga adag ku dhiiraday in ay Carruurta Soomaaliyeed wax soo baraan.

Agaasimaha guud ayaa u rajeeyay Mustaqbalka Wanaagsan iyo Hurumar bahda Waxbarshada Soomaaliyeed heer kasta iyo meelba oo ay joogan.

Macalin Tababar oo katirsanaa Xoogga Dalka laguna helay la shaqeynta Al-shabaab oo 15-sano oo xabsi ah lagu xukumay

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah sarkaal katirsanaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya kaas oo lagu helay in uu la shaqeynayey khawaarijta Arxanka daran ee Al-shabaab.
Waxa uu ahaa Macalin Tababar oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalla siyaad ee militaryga Soomaaliya Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.

 

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Tan iyo 22 kii January Sanadkan ayay socotay habraaciisa Maxkamadeed.
63 jirkan ayay maanta Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah

Guddiga Qaran Ee Amniga Doorashooyinka Dalka Oo Maanta Kulmay

0

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga warbixiyey kulan uu maanta yeeshay Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka.

Taliye Xijaar oo kulankaas shir guddoomiyey ayaa sheegay inay diiradda saareen, dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka Qaranka.

“Waxa aan maanta guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Shirka Golaha Watashiga Qaran ee Dhammeystirka Arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo gabagaboobay “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad.

Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka.

Taliyaha Booliska Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Midowga Afrika

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira oo ay wehliyaan saraakiisha sarsare ee howlgalka Amisom.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida amniga doorashooyinka loo sugi lahaa.


Qaar ka mid ah murashixiinta Madaxtinimada dalka oo bogaadiyay qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo maanta uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu shir guddoominayay kulanka, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah murashixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa bogaadiyay hannaanka uu ku bilowday shirka, isagoo xusay inay dhankooda ay garab istaagayaan.

“Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaranyahay inaan u howlgalno taabagelinta iyo najaxinta shirka, si dalka uga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah”. Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara laga gaaro arrimaha la xiriira fulinta heshiiskii 17 September, isla markaana isafgarad uu ku soo dhamaado shirka.

“Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashiga Qaran ee maanta horudhiciisa furmay, waxaan rajeynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xiriira fulinta heshiiska doorasho ee 17 September”. Ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ku tilmaamay shirka Arrimaha doorashooyinka mid yadiilo iyo wanaagsan u leh bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaa ii muuqata Yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qeyb galaysa shirka taas oo astaan fiican u ah inay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka”. Ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka “SAWIRRO”

0

Waxaa soo gaba gaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka, kaasi oo uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay markii uu kulanku soo dhamaaday ayaa yiri “Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.”

Shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, HIrshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Saacado ka hor ayuu soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho, uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Shirka oo ku soo idlaalay jawi is faham ayaa la isugu soo laaban doonaa berri oo Axad ah.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay “SAWIRRO”

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta oo Sabti ah, xarunteeda Caasimadda Muqdisho, lagu qabatay xaflad lagu sagootinayay Mudane Qin Jian, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay.

Intii lagu gudo jiray xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa bogaadiyay dadaallada ballaaran ee Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu la yimid intii uu ka shaqaynayay Soomaaliya, taasoo gacan ka gaysatay horumarinta xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sare u qaadiddiisa si looga dhabeeyo dano wadaagga labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dhankiisa, Mudane Qin Jian ayaa uga mahadceliyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo dhammaan mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taageerada iyo iskaashiga ay u muujiyeen oo ka qeyb qaadatay guusha shaqadiisa, isagoo u rajeeyay Soomaaliya horumar joogta ah iyo barwaaqo.

Dhammaadka xafladda, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa guddoonsiiyay Safiirka Shiinaha ee muddo xileedkiisa shaqo ee Soomaaliya ay ka dhammaatay hadiyad xusuus ah, isagoo guul u rajeeyay shaqooyinka uu qaban doono mustaqbalka.