Home Blog Page 655

Wasaaradda Waxbarashada Dalka Oo Soo xirtay Imtixaanka Dugsiga Sare ee Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS,mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad oo Shantii Maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka islamarkana ay u fariisteen in ka badan 35,000 oo arday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi degan, islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkooda ku aaddaan waxbarashada, waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab )ayaa u mahadceliyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu horreeyaan waalidiinta, ardayda iyo Ciidamada Amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.

Wasaaradda Waxbarashada XFS,Waxaa ka Go,an in ardayda Soomaaliyeed ay helaan Waxbarasho dhameystiran.

 

Maxkamada Gobolka Mudug Oo Go’aan ka Gaartay Dhul-beereed Muddo Muran Ka Taagnaa +SAWIRO”.

Maxkamada gobalka mudug ayaa mahdi cilmi gurux ku wareejisay dhul bareed ku yaala deegaanka dagaari kaas oo lahaanshaheeda uu muddo aad fog la isku heystay kadib markii dhawaan maxkamadu ay u xukuntay in milkayadeeda uu leeyahay

Madasha wareejinta dhul beereedkaan oo ay goob joog ka ahaayeen gudoomiyaha gobalka mudug axmed xuseen shire bukhaari iyo shaqsiyaadka dhulka isku heysta oo kala ahaa cali gureey ducaale iyo mahdi cilmi gurux ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha maxkamada gobalka mudug abuukaate cabdirisaaq cali yuusuf iyadoona laga saxiixay xukunka maxkamada dhinacyada is heystay

Mahdi cilmi gurux oo isna la hadlay warbaahinta qaranka ayaa uga mahad celiyay maxkamada in ay gacantiisa ku soo celisay hanti muddo dheer ka maqneyd gacantiisa
Cali ducaale oo ahaa shaqsiga laga xukumay dhul beeredka ayaa sheegay in xukunka iyo go aanka maxkamada uu ku qanacsan yahay

Gudoomiyaha gobalka axmed xuseen shire bukhaari ayaa u mahad celiyay maxkamada gobalka iyo dhinacyada ku qancay fulinta xukunka maxkamada

 

WararkaGudaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Sheikh Aadan Maxamed Nur Madoobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalkaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahadnaqay dhammaan intii soo dhoweysay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.

Guddoomiye Sheikh Aadan madoobe oo booqday Safaarada JFS ee dalkeenna ay ku leedahay dalka Kenya.

Muqdisho, Juun 21,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe oo maanta booqday Safaarada JFS ee dalkeenna ay ku leedahay dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Safaarada waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkenna u jooga Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ku-xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada, waxaana uu bogaadiyey shaqada adag ee Shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay hayaan waxaana uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Tarsan oo ka mahadceliyey booqashada Guddoomiya ayaa sheegay in dhiira-gelin farxad ay u tahay imaanshaha Guddoomiye Aadan Madoobe.

 

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Lawareegtay Shaybaarka Xoolaha +SAWIRO.

Wasaaradda Xanaanada xoolaha Galmudug ayaa qalabka sheybaarka xoolaha kala wareegtay howl wadeenada mashruuca BIYOOLE oo ah madhruuc lagu maalgalinayo wasaaradaha kheyraadka oo ay ka mid tahay wasaaradda Xanaanada xoolaha Galmudug.

Munaasabada lagu wareejinayay qalabkan sheybaarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha
mudane mohamed deeq abdi iyo agaasimaha guud e wasaaradda Xanaanada xoolaha Dr. suleymaan Mohamed salah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay howlwadeenada mashruuca Biyoole qalabkan sheybaarka ee maanta lagu wareejiyay oo ah qalab casri ah, isla markaana muhiim u ah wasaaradda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xanaanada xoolaha, Dr Sulemaan ayaa isna dhankiisa ku nuuxnuuxsaday muhiimada uu qalabkani u leeyahay daryeelka caafimaadka xoolaha, isla markaana ballan qaaday in dhawaan lagu howlgali doono qalabkan si loo daboolo baahidii jirtay ee loo qabay daryeelka xoolaha iyo ogaanshaha cudurada xoolaha Galmudug wajahayaan.

 

DHAGEYSO:Wasiirka gargaarka Jubbland oo Faah-faahin ka bixiyay Shirar uu uga soo qeybgalay dalka Kenya

MUQDISHO-21-6-2022:Wasiirka wasaaradda Gargaarka maaareynta iyo masoobooyinka Dowladd Gobaleedka Jubbalnad Cabdirahmaan Cabdi Axmed oo wareysi gaar ah siyay warbaahinta qaranka ayaa Faahfaahin ka bixiyay Shirar deeq bixiyasha Caalamka  oo  loogu ololeenayay sidii dadka abraaha saameeyeen ay ku heli lahaayeen adeegyo deg deg ah iyo sidii xal waare loogu heli lahaa abaarahaas.

Kulan Looga Hadlayay Amniga Gobalka Mudug Oo Lagu Qabtay Galkacyo+SAWIRO.

Kulanka amniga gobalka mudug ayaa waxaa ka qeyb galay Kusimaha Gudoomiyaha gobolka mudug ee Putland xasan wardheere
Gudoomiye kuxigeenka gobolka mudug ee galmudug Axmed maxamed shire Qoodaar
Duqa Dagmada Galkcyo ee Galmudug Cabdiraxmaan sheekh xasan jimcaale duqa dagmada galkacyo ee Puntland injineer maxamuud cabdi nuur aadan
Taliyaha qaybta booliska Putland G/sare Muumin Cabdi Shire
Taliyaha saldhiga dagmada Galkcyo ee Galmudug dhamme cali xirsi sahal iyo saraakiil ka socatay ciidanka sirdoonka qaranka NISA Qeybtooda Galmudug

Ajandaha kulanka ayaa ahaa mid looga arinsanayay amniga guud ee gobolka mudug iyo sidii labada maamul ay usii xoojin lahaayeen olalaha la dagaalanka argagixisada ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha

Kulanka oo saacado qaatay ayaa markii uusoo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiye ku xigeenka gobalka mudug ee puntand iyo gudoomiye ku xigeenka gobalka ee Galmudug kuwaas oo xusay in kulanka looga hadlay wixii ka qabsoomay qodabadii kasoo baxay kulankaan kii ka horeeyay sidoo kalana looga arinsaday sidii loo sii ambaqaadi lahaa olalaha ciribtirka argagixisada iyo cid kasta oo qeyb ka noqata khal khal galinta amniga…

 

Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab.

Muqdisho-21-6-2022-:Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Muqdisho-21-6-2022:-Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Wakiilka cusub ee UNFPA ee Soomaaliya

Muqdisho, June 20, 2022 – Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Niyi Ojuolape.