Maamulka Gobalka Mudug oo gacanta ku dhigay ehelada eedeysanayaal loo heysto dil kadib markii ay baxsadeen dadkii Falkaas geystay.

Date:

MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Maamulka Gobalka Mudug oo gacan ka helaya ciidamada nabad sugida iyo Booliiska gobalka Mudug oo maal-mahaanba waday dadaalo la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa shaqsiyaad ku eedeeysnaa dil dhawaan ka dhacay deegaano hoostaga dagmada Bandiiradleey ayaa soo xir xiray ku dhawaad 10 ruux kuwaas ah  ehelada eedeeysanayaasha loo heysto dilka kadib markii ay baxsadeen eedeeysanayaashii Falkaas geystay.

 

 

 

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ahmed Bukhaari oo isagu horkacayay howlgalkaan ayaa ku amaanay ciidanka amniga dadaalka ay muujiyeen isagoo sidoo kalana sheegay in maamulka gobalku uusan marnaba ka hari doonin cid kasta oo ku lug leh falkaan iyo wixii la mid ah .

 

 

Gudoomiyaha Gobalka  Mudug Ahmed Bukhaari ayaa ugu danbeyna ugu baaqay shacabka gobalku ineey kala shaqeeyaan maamulka iyo hay’adaha Amniga sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa eedeeysanayaasha.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...