Home Blog Page 571

Madaxweynaha Qaranka Oo Booqasho Rasmi ah Oga bilaabatay Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ugu billaabatay dalka aan dariska nahay ee Itoobiya, taas oo dhammeystir u ah socdaalka uu ku maray dhammaan dalalka Gobolka ee Soomaali heshiis la ah darsikeeda.

Wefdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis ababa si diiran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Ethopia mudane Abey Ahmed oo ay yeelandoonaan wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga

Wafdi uu Hoggaaminaayo Xildhibaan Mocalimow Oo Gaaaray Buuloburte (SAWIRO).

Wafdi balaaran uu hoggaaminaayay xildhibaan maxamed ibrahim mocalimow qeybna ay ka ahayen saraakiil ciidan iyo  xildhibano katirsan dowlad gobaledka hirshabeele ayaa  gaaray dagmada Buuloburte waxana garoonka diyaradaha dagmada kusoo dhawey maamulka dagmada saraakiil ciidan odayaasha dhaqanka iyo bushada qeybahooda kale.

Soo dhaweyn kadib wadiga xildhibaanka uu hoggaaminaayay waxa loo soo galbiyay gudaha buuloburte halkaas uu kula kulmay maamulka,

odayaasha dhaqanka,  saraakiisha ciidanka iyo bulshada Degmada Buulaburte.

Ujeedka safarka xildhiban mocalimow ayaaa waxa uu yahay ka qeyb qadashada dagaalka lagula jiro argagixisada alshabaab ee loga xureynaayo Gobolka Hiiraan iyo Guud ahaan Dalka.

 

Ergayga gurmadka Abaaraha oo Canada kala hadlay kordhinta Gurmadka looga jawaabayo Abaaraha ka jira Soomaaliya

0

Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, u qaabilsan  Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo booqasho ku jooga Magaalads Ottawa ee dalka Canada ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta dalka Canada HoruHarjit Sajjan.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa Wasiirka kala hadlay in dawalada Canada ay kordhiso deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha ka jira  Soomaaliya, sido kale Ergayga waxuu ka codsaday Wasiirka  sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka loo fidinaayo dadka soomaaliyeed ee ay abaaraha ku habsadeen.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa la kulmi doona Madax kale oo katirsan dowladda Canada isaga oo kala hadli doona Arrimaha gurmadka Abaaraha

 

Madaxweynaha Hiirshabelle oo Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS kala hadlay howlgalada lagu baacsanayo argagixisada iyo sida la isaga kaashan lahaa xoojinta howlgaladaas

0
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha guud ee Ciidamada ATMIS oo uu wehliyo iyo Taliyaha Secter five ee Atmis.

Wasiirka Wasaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaaamac “Soomaaliya waa dal u diyaarsan dalxiiska waxa ayna leedahay goobo qurux badan oo isugu jira bad iyo birri labadaba”

0
Wasiirka Wasaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaaamac oo ka hadlay Munaasabada maalinta dalxiiiska aduunka oo Wasaaradda xuseyso maanta ayaa yiri.
“Soomaaliya waa dal u diyaarsan dalxiiska waxa ayna leedahay goobo qurux badan oo isugu jira bad iyo birri labadaba wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiskana waxa ay ka shaqeyneysa in dalka ay yimaadaan dalxiisayaal caalami ah”
“Dalkeena waxa uu baahan yahay in la dhiso goobaha indhaha u ah dalkeena waana in anagu aan bilownaa dalxiiska soona bandhigno quruxda dalkeena”

Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo howlgalo lagu baacsanayo haraadiga Argagixisada ah ee Al shabaab ka sameeyey deegaano hoos yimaada magaaladda Xudur

0
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya maamulka gobolka Bakool ayaa maanta howlgalo lagu baacsanayo haraadiga kooxaha argagixisada ah ee Al shabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoos yimaada magaaladda Xudur.

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay Dhalinyaro ku xayirnaa dalka liibiya

0

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan, oo Magafe ka soo baxsaday, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariirey Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo magacaabay guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi oo taakuleyn gaarsiiya deegaannada laga xureeyay Argagixisada Shabaab

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka  Hirshabelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa  magacaabay guddi ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaasi oo taakuleyn gaarsiiya deegaannada laga xureeyay Argagixisada Arxanka daran ee Al-Shabaab.

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan  oo gaaray magaaladda Buula burde ee gobolka Hiiraan

0

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan isla markaana ay ku jiraan odoyaal dhaqan iyo saraakiil ciidan ayaa maanta  gaaray magaaladda Buula burde ee gobolka Hiiraan.

Dowladda Soomaaliya oo maanta gargaargii ugu horeeyay u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee laga xoreeyay kooxaha argagixisada ah

0
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gargaargii ugu horeeyay u dirtay deegaanada gobolka Hiiraan ee laga xoreeyay kooxaha argagixisada ah ee Al shabaab.