Muqdisho-Juun-25-6-2022-:Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta la filayo inay codka kalsoonida u qaadaan ra’isal wasaaraha cusub.
MUQDISHO-JUUN-25-6-2022-:Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta oo sabti ah yeelanaya mid kamid ah kulamadooda kaas oo ah mid xasaasi ah.
Golaha Shacabka oo berri Codka kalsoonida u qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban.
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta berri ah uu jiro Kulan-weynihii Golaha, kaasi oo ka qabsoomi doono xarunta Villa Hargeysa.
Ajendaha Kulankaan ayaa ah u codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Mudane Xamsa Cabdi Barre, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka.
“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban.
Madaxweynaha JFS oo Laga Helay Covid-19.
Madaxwaynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta laga helay COVID-19.
Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.
Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.
Madaxweynaha Qaranka Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka aan walaalaha nahay ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kulamo la qaatay Madaxweyne Maxamed Bin Saayid oo ay ka wada hadleen kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta dal ku galka, isu socodka badeecadaha, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha, horumarinta bangiyada iyo xoojinta maalgashiga dalkeenna.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan is-xog wareysi ah la qaatay jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka dhageystay warbixinno ku aaddan caqabadaha iyo tabashooyinka ay qabaan, waxa uu u sheegay in ay dowladdu dadaal ku bixineyso wax ka qabashada cabashooyinkooda.

Ergey ka socda Dowladda FS oo waraaqihii aqoonsiga u gudbiyay Xoghayaha Guud ee ururka Islaamka.
Kulankii dhinacyadaasi oo ka dhacay magaalada Jiddah,waxaa laga wadahadlay baahida loo qabo xaqiijinta siyaasadda dunida ee dalalka islaamka.
Ergeyga Dowladda FS u qaabilsan ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC),Waxa uu ka mahadceliyay sida ldiiran ee loo soo dhoweeyay,isagoo ballanqaaday in uu ku dadaali doono ballaarinta xiriirka iyo wax wada qabsiga.
Ururka Iskashiga wadmada Islaamka(OIC), waxaa la aasaasay 1969- kii,waxaana ku bohoobay 57 dal oo islaam ah .
Madaxweyna Qaranka Oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Deggan Dalka Isu-Tagga Imaaraadka Carabta+”SAWIRO”

Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Golaha Shacabka Oo Gargaar Gaarsiisay Puntland.
Guddoomiye ku-xigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sadia Yaasin Samatar ayaa Maanta gaartay Magaalada Garoowe Ee Dawlad Gobaleedka Puntland.
Waxaa Garoonka Magalada Garoowe ku Soo Dhaweyey Qaybaha kala duwan ee Maamulka gobalka Nugaal, Wasiir Ku Xigeenka Gargaarka Puntland,Xildhibaano Ka Tirsan Golaha shacabka BJFS Iyo Masuliyiin Kale.
Gudomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha shacabka BJFS Marwo Sadia Yaasin Samatar ayaa Deeq Gargaara Gaarsiisay Maamul gobaleedka Puntland si Abaarta Daran Ee Goboladda Puntalnd Ka Jirta Gurmad Loogu Fidiyo.
Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Shacabka BJFS ayaa Sheegtay Inaysan ahayn Deeqdii Ugu Danbeysay aysan Ahayn Balse Si Dadka Liita Loogu Gurmado Ay Deeqdan U Soo Hormariyeen Shacabka Puntland.

Shir ku saabsan Amniga Puntland iyo Galmudug oo Lagu Qabtay Deegaanka Gobsho ee Gobolka Mudug.+SAWIRO”.
Kulan looga hadlayay Amniga ayna Goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiinta Galmudug, Puntland iyo Saraakiisha Ciidanka oo lagu qabtay Deegaanka gobsho ee Gobolka mudug.
Kulankaan oo looga hadlaayay Amiga iyo wadanoolaashaha Bulshada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu qabtay Deegaanka Gobsho ee Gobolka mudug
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Ciidanka Xasilinta Gobolka mudug,Odayaal dhaqan iyo maamulka Deegaanka
Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayaa sheegay in Deegaanka gobsho uu ka mid yahay meelaha wadajirka looga dagay Roobkii guga taasina ay muujinayso isdhexgalka Bulshada
G/ Cali-Naasir oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ururka Xasilinta Gobolka mudug ayaa sheegaya in shacabka labada dhinac looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan Amniga
Ahmad Maxamed shire qoodaar Guddoomiye xigeenka Gobolka mudug ee Galmudug ayaa sheegay

