Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyey Dilka Macanlin Sanweyne

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Macalin Cabdullaahi Sanweyne oo saakay isagoo Salaada Subax Madaajidka ka soo baxay gacan ka xaqdaran ku dishay magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Macalin Cabdullaahi Sanweyne oo saakay gacan ka xaqdaran Ku dishay isagoo salaada subax kasoo baxay misaajid Ku yaala magaalada Muqdisho.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa Marxuumka oo ahaa Ganacsade iyo Oday dhaqameed waqti badan qeyb ka ahaa dib u heshiisiinta Bulshada Soomaaliyeed ayuu Alle uga baryay inuu janadiisa Firdooso ka waraabiyo, qoyskiisana samir iyo iimaanna Alle ka siiyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Cali Xoosh oo gaaray Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo...

Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Xuska Maalinta Warfaafinta Soomaaliya 21-ka Janaayo

Shacabka  Soomaaliyeed ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta warfaafinta...

Wasiirka Warfaafinta oo diray farriin ku aaddan maalinta warfaafinta

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, mudane Daa’uud...