Home Blog Page 572

Shir ku saabsan Amniga Puntland iyo Galmudug oo Lagu Qabtay Deegaanka Gobsho ee Gobolka Mudug.+SAWIRO”.

Kulan looga hadlayay Amniga ayna Goobjoog ka ahaayeen Masuuliyiinta Galmudug, Puntland iyo Saraakiisha Ciidanka oo lagu qabtay Deegaanka gobsho ee Gobolka mudug.

Kulankaan oo looga hadlaayay Amiga iyo wadanoolaashaha Bulshada Galmudug iyo Puntland ayaa lagu qabtay Deegaanka Gobsho ee Gobolka mudug

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Ciidanka Xasilinta Gobolka mudug,Odayaal dhaqan iyo maamulka Deegaanka

Odayaasha dhaqanka labada dhinac ayaa sheegay in Deegaanka gobsho uu ka mid yahay meelaha wadajirka looga dagay Roobkii guga taasina ay muujinayso isdhexgalka Bulshada

G/ Cali-Naasir oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ururka Xasilinta Gobolka mudug ayaa sheegaya in shacabka labada dhinac looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan Amniga

Ahmad Maxamed shire qoodaar Guddoomiye xigeenka Gobolka mudug ee Galmudug ayaa sheegay

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Shir guddoomiyay kulan looga Hadlaayay Amniga Guud ee Dalka Maalmaha Xorriyadda +SAWIRO”.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah, kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda.

Maamulka Magaalada Galkacyo Ee Galmudug Oo Ka Qeyb Galay Doorashada Gudoomiyaha Deegaanka Docol

Duqa Degmada Gaalkcyo Mudane Cabdirahman Shiikh Xasan Oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah Xildhibanada Golaha Deeganka iyo Agaasimaha arimaha bulshada ayaa ka qayb galay xafalad is ugu jirtay Doorashada Gudomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Deegaanka Docol ee Gobalka Mudug.

Xafladaan ayaa ahayd mid dadka Deeganka Docol ay kusoo xusheen maamulkooda cusub waxaa Gudoomiye ay u doorteen Tahliil cabdiqaadir halka Gudoomiye ku xigeena uu noqday Cabdulaahi Daahir Cabdi

Uga danbayn duqa Degmada Gaalkcyo ayaa booqday xarumaha danta guud ee Degaanka Docol sida Goobaha Waxbarashada, Xarumaha Caafimaadka iyo Saldhiga.

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku Casumay Munaasabad Lagu Daah-furayey Mashruuca Dhir Beerista Geeska Africa +”SAWIRO”.

0

Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Ethiopia Dr Abiy Ahmed ayaa si rasmi ah ugu casumay safaaradda JFS ee Addis Ababa munaasabad lagu daah-furayey ama lagu soo bandhigayey mashruuca Dhir Beerista dalalka Geeska Africa, oo sidoo kalena lagu casumay diplomaasiyiinta safaaradaha caalamka ee degan caasimadda Addis Ababa, mashruucaas oo socon doona muddo 4sano ah oo ka bilaabanaya sanadkan 2022, kuna ekaan doona 2026.

Munaasabaddan waxaa Safaaradda JFS ee Addis Ababa uga qayb galay qunsulka ahna ku simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia Mudane Cali Maxamed Xuseen “Cali Atam”, isagoo bandhigaas ku metelayay Dawladda Soomaaliya.

Ambasaador Cali Atam ayaa warbaahinta Qaranka uga waramay faa’iidooyinka laga dhaxli karo mashruucan, isagoo hoosta ka xariiqay in barnaamijkan uu fududayn doono beeritaanka 6 Bilyan oo geed, sidoo kale wuxuu caddeeyey in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay mashruucan oo kale qaadato si aan uga hortagno dhibaatooyinka ka dhasha cimilada, deegaanka iyo dhirta.

Mashruucan ayaa la qorsheeyey inuu gaaro dalalka Geeska Africa, si looga hor tago dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, waxaa dhab ah haddii si rasmi ah loo hirgeliyo mashruucan inuu noqon karo mid wax weyn ka tara bed-qabka deegaanka iyo ka hortagga khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Wasaaradda Waxbarashada Dalka Oo Soo xirtay Imtixaanka Dugsiga Sare ee Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS,mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalka 12-aad oo Shantii Maalin ee la soo dhaafay ka socday dalka islamarkana ay u fariisteen in ka badan 35,000 oo arday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi degan, islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkooda ku aaddaan waxbarashada, waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab )ayaa u mahadceliyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu horreeyaan waalidiinta, ardayda iyo Ciidamada Amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.

Wasaaradda Waxbarashada XFS,Waxaa ka Go,an in ardayda Soomaaliyeed ay helaan Waxbarasho dhameystiran.

 

Maxkamada Gobolka Mudug Oo Go’aan ka Gaartay Dhul-beereed Muddo Muran Ka Taagnaa +SAWIRO”.

Maxkamada gobalka mudug ayaa mahdi cilmi gurux ku wareejisay dhul bareed ku yaala deegaanka dagaari kaas oo lahaanshaheeda uu muddo aad fog la isku heystay kadib markii dhawaan maxkamadu ay u xukuntay in milkayadeeda uu leeyahay

Madasha wareejinta dhul beereedkaan oo ay goob joog ka ahaayeen gudoomiyaha gobalka mudug axmed xuseen shire bukhaari iyo shaqsiyaadka dhulka isku heysta oo kala ahaa cali gureey ducaale iyo mahdi cilmi gurux ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha maxkamada gobalka mudug abuukaate cabdirisaaq cali yuusuf iyadoona laga saxiixay xukunka maxkamada dhinacyada is heystay

Mahdi cilmi gurux oo isna la hadlay warbaahinta qaranka ayaa uga mahad celiyay maxkamada in ay gacantiisa ku soo celisay hanti muddo dheer ka maqneyd gacantiisa
Cali ducaale oo ahaa shaqsiga laga xukumay dhul beeredka ayaa sheegay in xukunka iyo go aanka maxkamada uu ku qanacsan yahay

Gudoomiyaha gobalka axmed xuseen shire bukhaari ayaa u mahad celiyay maxkamada gobalka iyo dhinacyada ku qancay fulinta xukunka maxkamada

 

WararkaGudaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Sheikh Aadan Maxamed Nur Madoobe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalkaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahadnaqay dhammaan intii soo dhoweysay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.

Guddoomiye Sheikh Aadan madoobe oo booqday Safaarada JFS ee dalkeenna ay ku leedahay dalka Kenya.

Muqdisho, Juun 21,2022;Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur-Madobe oo maanta booqday Safaarada JFS ee dalkeenna ay ku leedahay dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa Safaarada waxaa ku soo dhoweeyey Safiirka dalkenna u jooga Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ku-xigeenka Safiirka iyo howl-wadeennada Safaarada, waxaana uu bogaadiyey shaqada adag ee Shacabka Soomaaliyeed ku nool Kenya ay hayaan waxaana uu ku dhiira-geliyey in aan marnaba laga caajisin u adeegida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Danjire Tarsan oo ka mahadceliyey booqashada Guddoomiya ayaa sheegay in dhiira-gelin farxad ay u tahay imaanshaha Guddoomiye Aadan Madoobe.

 

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Lawareegtay Shaybaarka Xoolaha +SAWIRO.

Wasaaradda Xanaanada xoolaha Galmudug ayaa qalabka sheybaarka xoolaha kala wareegtay howl wadeenada mashruuca BIYOOLE oo ah madhruuc lagu maalgalinayo wasaaradaha kheyraadka oo ay ka mid tahay wasaaradda Xanaanada xoolaha Galmudug.

Munaasabada lagu wareejinayay qalabkan sheybaarka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha
mudane mohamed deeq abdi iyo agaasimaha guud e wasaaradda Xanaanada xoolaha Dr. suleymaan Mohamed salah.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay howlwadeenada mashruuca Biyoole qalabkan sheybaarka ee maanta lagu wareejiyay oo ah qalab casri ah, isla markaana muhiim u ah wasaaradda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xanaanada xoolaha, Dr Sulemaan ayaa isna dhankiisa ku nuuxnuuxsaday muhiimada uu qalabkani u leeyahay daryeelka caafimaadka xoolaha, isla markaana ballan qaaday in dhawaan lagu howlgali doono qalabkan si loo daboolo baahidii jirtay ee loo qabay daryeelka xoolaha iyo ogaanshaha cudurada xoolaha Galmudug wajahayaan.

 

DHAGEYSO:Wasiirka gargaarka Jubbland oo Faah-faahin ka bixiyay Shirar uu uga soo qeybgalay dalka Kenya

MUQDISHO-21-6-2022:Wasiirka wasaaradda Gargaarka maaareynta iyo masoobooyinka Dowladd Gobaleedka Jubbalnad Cabdirahmaan Cabdi Axmed oo wareysi gaar ah siyay warbaahinta qaranka ayaa Faahfaahin ka bixiyay Shirar deeq bixiyasha Caalamka  oo  loogu ololeenayay sidii dadka abraaha saameeyeen ay ku heli lahaayeen adeegyo deg deg ah iyo sidii xal waare loogu heli lahaa abaarahaas.