Home Blog Page 570

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada ciidda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda Soonfur, ugna baaaqay inay is caawiyaan, nabaddana laga shaqeeyo.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambaleyeynayaa munaasabadda Ciidda Soonfur. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu nabad, caafimaad iyo horumar nagu gaarsiiyo sanadkan sanadkiisa, CIID WANAAGSAN. كل عام وأنتم بخير. “. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ciidda awgeed cafis u fidiyay 179 maxbuus “SAWIRRO

0

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xabsiga dhaxe iyo xabsiga MBC ee Ex-koontarool Afgooye ka sii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo, kuwaasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u fidiyay cafis munaasabadda Ciidda Awgeed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu ka yimid codsiga ah in maxabiista daruufaha fudud u xiran qiimeeyn gaar ah loo sameeyo, isla markaana munaasabadda ciidda awgeed laga cafiyo dambiyada yaryar oo ay ku jiraan xukunada.

Gaashaanle Sarre Cabdiqani Maxamed Qalaf Afhayeenka Ciidanka asluubta ayaa uga mahadaceliyay xafiiska xeer ilaalinta dadaalka ay ku bixiyeen siideynta maxaabiista daruufaha fudud u xiran.

Qaar ka mid ah maxaabiista cafiska Madaxweyne lagu siidaayay ayaa tilmaamay inay aad ugu farxeen inay dib u heleen xoriyaddooda ay la midoobayaan eheladooda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maxabiista kula dar daarmay in ay bulshada kula laabtaan macaamil wanaagsan, cafiska la siiyayna kaga faa’iideystaan in aysan dib ugu laaban waxkasta oo keeni kara xabsi.

Albaabada xabsiyada MBC iyo Xabsiga dhaxe ayey ka baxeen iyaga oo wajiyadooda ay farxad ka muuqato, waxaana farxada ciidda ay la qaadanayaan eheladooda, ayada oo laga cafiyay dambiyadii fududaa oo ay xabsiga ugu jireen.

 

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada ciiddul fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha Soonfur iyo munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

“Maalmahan waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban, waa maalmo ay muslimiintu dhammaan u dabbaal degaan farxadda Ciidda, kaddib bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ku suntan cibaadada, is-cafinta, xoojinta walaalnimada, bixinta sadaqada, ka shaqeynta danta guud iyo maslaxadda ummadda.”

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidammada Qalabka Sida oo har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay geliyeen sugidda amniga intii lagu guda jiray bisha barakaysan. Waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle ka baryay in uu naga aqbalo acmaashii suubbaneyd ee aan gudannay bishii barakeysnayd ee Ramadaan, Ciiddan ciiddeedana nagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsaday horumar iyo xasillooni.

 

 

Bulshada oo looga digay qatarta COVID-19 inta lagu guda jiro munaasadda ciidda

0

Maamulka Isbitaalka Martiini ayaa uga digay bulshada in aad looga taxadaro faafitaanka cudurka COVID-19 inta lagu jiro damaashaadka Ciidda.

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr Cabdirisaaq Yuusuf Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay ayaa bulshada Sooamaliyeed uga digay faafidda cudurka COVID-19 oo ay keeni karto isu imaatanka iyo booqashada ehelada maalmaha ciidda ee beri ku began.

Dr Cabdirisaaq ayaa sheegay in cudurka uu weli ka jirto dalka, isla markaana uu maalin kasta dad horleh uu ridanayo, loona baahayo in shacabka ay ka digtoonaadaan oo ay raacaan habraacyada saxda ah ee looga hortagayo cudurka.

“Maadaama uu weli ka jiro dalka xanuunka Corona Virus ayna weli u soo dhacaayaan bukaano cusub, in la ilaaliyo habraacyada xanuunkan looga hortagayo, dadku iyaga oo ciidaya oo damaashadayo yaysan iloobin Af-xirashada (face mask) sidoo kale kala fogaanshiyaha, gacmo dhaqashada iyo isticmaalka jeermis dilaha”. Ayuu yiri Dr Jalaalu-diin.

Agaasimaha ayaa hambalyo u diray dhamaan kalkaaliyeyaasha caafimaadka Soomaaliyeed xuska maalinta caalamiga ah ee kalkaaliyeyaasha awgeed, isagoo xusay in Kalkaaliyeyaasha ay yihiin lafdhabarka adeeg bixinta caafimaadka.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Burundi

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi is afgarasho ah

DAAWO SAWIRRADA BEERTA NABADDA

0

Akhristayaasheena waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa sawirada Beerta Nabadda oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Dalka Uganda “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda.

 

Duqa Muqdisho oo lacag ku wareejiyay shirkad qaabilsan dhismaha waddada Jaale Siyaad “SAWIRRO”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shirkadda dhismaha Kulmiye ku wareejiyay qeyb ka mid ah lacagta dhismaha waddada Jaale Siyaad oo dhaxmarta degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, lacagtaas oo ay iska kaa shadeen bulshada labada degmo ku nool.

Munaasabadda lacag wareejinta ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada, maamulada degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley, Guddoomiyaha rugta ganacsatada Soomaaliyeed iyo guddiga dhismaha waddada Jaale Siyaad.

Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay in beri la kaamilayo 30 ka bisha Ramadan

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in caawa ay Wasaaradda iyo culimada Soomaaliyeed sameeyeen xiriiro kala duwan oo ku aadan baadi goobka bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo shaaciyay in dalka Soomaaliya aysan barri ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo ay wehliyaan Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa ilaa afurkii caawa ku sugnaa xarunta Wasaaradda Warfaafinta si ay u xaqiijiyaan bilashada bisha Shawaal (Soon Fur).

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan Dowladaha Islaamka ku dhawaaqeen in berri aysan ciid aheyn.

Sawir Qaade:- Abas Mohamed Farah

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay “SAWIRRO”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo noqday goor dhow, waxana soo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur “Jaamac”,  Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale .

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda la socotay ayaa dalka Sacuudga u tagay in ay soo cumreystaan .