Gudoomiyaha hayadda Maareynta musiibooyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle oo kulan la qaatay wakiilka Ururka iskaashiga islaamka u qaabilsan Soomaaliya

Date:

Gudoomiyaha hayadda Maareynta musiibooyinka Qaranka Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Ururka iskaashiga islaamka u qaabilsan Soomaaliya H.E Amb: Mohamed Bamba Mohamed Boba.

 

Kulankan oo ka dhacay xarunta ururka iskaashiga islaamka ee magaalada Mogadishu ayaa waxaa looga hadlay dowrka dalalka ku bahoobay ururka islaamka ee la tacaalida arimaha abaaraha

 

Gudoomiyaha Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa ugu horeyn safiiirka warbixin ka siiyay xaalada abaaraha iyo dadaalada socdo ee wax looga qabanaayo waxaa uu sidoo kale kaga mahadceliyay Dowladaha islaamka ee ku bahoobay ururka iskaashiga islaamka garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda maadama dalka uu wili ku jiro xaalad binaadanimo oo adag.

 

Dhankiisa Danjire Mohamed Bamba Mohamed Boba ayaa balan qaaday in ay ka goantahay sii wedida garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...