Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsanaa tabinta xaaladaha bini’aadannimada iyo wararka deg degga ah

Date:

Muqdisho 14 November 2022: Tababarka tabinta xaaladaha bini’aadannimada iyo wararka degdegga ah oo ka qeyb galeen 30 suxufiyiin oo kala socday Warbaahinta waxaa uu seddexdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Waxaa tababarka soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo kaashanaysa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si loo xoojiyo kaalinta Warbaahinta ee tabinta Bani aadamnimada iyo kor u qaaditsa wacyiga wariyaha ee kawaramidda wararka deg degga ah.

 

Tababarka waxaa bixiyay qubaro saxaafeed ku xeel dheer tabinta xasaradaha iyo xaaladaha bini’aadannimada.

 

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doodishe oo ka mid ah mas’uuliyiinta lagu casuumay tababarka si ugala hadlo kaalinta Booliiska ee xaaladaha deg degga ah iyo muhiimadda ay dowladda siiso xog siinta iyo xaqiijinta badqabka weriyaayaasha ayaa suxufiyiintii ka qeyb galay waxaa ay la wadaageen wixii ka qabeen.

 

Wariyayaasha ka qeyb galay tababarka ayaa uga mahad celiyay wasaaradda aqoon iswaydaarsigaan iyaga oo soo jeediyay in la kordhiyo tababarada nuucaan ah.
Ku simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cabdinaasir Xuseen ayaa sheegay in tababarka uu ku soo aaday xilli loo baahnaa ayna badin doonaan tababarada niucaan ah.

 

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna ku simaha wasiirka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo soo xiray tababarka ayaa bogaadiyay suxufiyiinta ka qeyb galay aqoon iswaydaarsigaan waxaa uu kula dardaarmay dhaqan galinta casharadii tababarka iyo kor u qaadista doorkooda tabinta xaaladaha bini’aadannimada, xaqiijinta wararka ay tabiyaan marka lagu jiro xaaladaha deg degga ah iyo ka taxadarka amnigooda.

 

Ugu dambeyn ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo mas’uuliyiinta la joogay ayaa shahaadooyin cadeynaya aqoon iswaydaarsiga waxaa ay guddoon siiyeen weriyayaashii tababarka ka qeyb galay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...