Home Blog Page 470

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiyey dalkeenna

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiyey dalkeenna Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Xasan oo uu dhammaaday muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Cabdifataax, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, waxa uuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Dhankiisa, Danjire Cabdifataax Cabdullaahi oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka gobolka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro  iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Wasiirka Xanaanada Xoollaha XFS oo amray dadka degan xarumaha wasaaraddu in ay baneeyaan.

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa XFS Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa maanta dhagax dhigey Xafiisyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ay ku yeelan doonto dekeda Muqdisho.

Wasiirka oo ay wehlinayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Wasiiru dowlaha ayaa dhagax dhigey xarumaha Wasaaradda ee Dekadda Muqdisho oo ka kooban sheybaarka Xoolaha, shahaado bixinta, xafiisyada Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo ee Dekadda.

Munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Dekedda Muqdisho ayuu Wasiir Eelay sheegay in ay ka go’an tahay in la dardargeliyo habsami u socodka shaqo ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo lafdhabar u ah hormarinta dhaqaalaha Soomaaliya,isagoo dhanka kalena amray dadka degan xarumaha wasaaradda in ay si deg deg ah uga guuraan si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗴𝗮𝗮𝗰𝗮𝗯𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶 𝗗𝗼𝗼𝗿𝗮𝘀𝗵𝗼 𝗼𝗼 𝗞𝗠𝗚 𝗮𝗵

0
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Kumeel Gaarka ee Doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11aad.
Mudane Xamse ayaa markuu arkay qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Markuu sidoo kale arkay Wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017.
Wuxuu magacaabay xubnaha Guddiga KMG ee maamulaya doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.
Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:
1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici
2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame
3. Cabdi Hiis Udan
4. Cabdishakuur Abiib Hayir
5. Cabdullaahi Cabdi Aden
6. Mowliid Mataan Salaad
7. Maxamed Aadan Cismaan Yare
8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed
9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed
Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto.

[DAAWO]Madaxweyne Xasan” Nimankaas waa wiilasheenii oo la qalday waxaan rabnaa qaladkii inay ka soo laabtaan”

Madaxweynaha Jamahuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane xasan sheekh Maxamuud oo La Hadlay Boqolaal katirsan Ciidamada XDS oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Eratariya Ayaa digniin adag u diray dhalinyarada ay qaldeen kooxaha khawarijta Al-shabaab.

[DHAGEYSO] Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal Qorsheysan Maanta ku burburiyay Saldhigyadii Cadowga ee deegaanka Buq-mator

0
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo xoogga deegaanka ayaa howlgal Qorsheysan Maanta ku burburiyay Saldhigyadii Cadowga ee deegaanka Buq-mator oo 50 KM galbeed kaga beegan Beledweyne.

Guddiga Garsoorka Golaha Aqalka Sare oo kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee BFS oo maanta xafiiskood Aqalka Sare ugu yeeray  masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa ka xog-waraystay howlaha shaqo ee wasaaradda.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday warbixinno, su’aalo iyo xogo kale oo ku saabsan hanaanka shaqo ee Wasaaradda Haweenka yo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha iyada oo ay si faahfaahsan guddiga warbixin u siiyeen Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo xubnihii kale ee la socday oo ay ka mid ahaayeen wasiir Kuxigeenka wasaaradda Cabdixakiim jimcaale, agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno kale

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka Aqalka Sare Senator Naciima Xasan Xaaji Maxamuud {Gadhwayne} oo kulanka soo xirtay ayaa uga mahad celisay masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqda Aaadanaha sida wanaagsanayd ee ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaarada.

 

Wasiirka Arimaha Guddaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Agaasime waaxeedyada Wasaaraddaas

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta waxaa uu  xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalada Laas-caanood

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laas-caanood.

Xubnaha la magaabay ayaa ka koban ilaa  6 Mudane oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa weli xaalad kacsanaan ah kajirtaa Magaalada laas-caanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo muddo toban cisho ah ay ka socdaan bannaanbaxyo rabshado wata.

Khawaariijtu waxay dagaal weyn ku qaaday kulliyaadka 5-ta ah oo ay ilaalisay Diinta Islaamku

0

Muqdisho(SNTV):-Khawaarijta oo dagaalkii ugu weynaa ku qaaday Kuliyaadka 5-ta ah ee diintu ilaalisay mudadadii 15 ka sano ahayd ee la soo dhaafay.

Marka aad si fiican u dhugato dhaqanada aadka u xun oo maalmahaan laga soo warinaayo goobihii laga xoreeyay khawaarijta waxaa kuu soo baxaaya sida ay u baabi’yeen kuliyaadka shanta ee Shareecada islaamka waajib ka dhigtay in la dhowro.

Waxaa ka mid ah kuliyaadka 5-ta ah.

Tiirka koowaad:

.حفظ الدين ilaalinta diinta.

Waxay ku xad gudbeen laba asaas oo saldhig u ahaa shacabkeena oo diintooda lagu dhowray markii ay soo gaartay illaa iyo hadda,

Waana DUGSIYADA QURAANKA, MACALIMIINTOODA,MASAAJIDDA IYO CULIMADEENA.

waxaa laga soo wariyay deegaanada laga xoreeyay Dugsiyo la xiray iyo masajid bakhaarao laga dhigtay. Waxaa intaas sii dheer culimo la masaafuriyay, kuwa la dilay iyo kuwa lagu qasbay in ay aamusaan.

Tiirka labaad:

وحفظ النفس ilaalinta Nafta

Islaamku wuxuu gaarsiiyay in naf la dilo in ay la mid tahay in dadka oo dhan la dilo, iyaga oo xadkaas Alle jideeyay dhaafaya Waxay dileen boqolaal ama kumanaan Muslim ah oo siyaabo Kala duwan u laayeen, waxaana ugu xanuun badan qaar lagu hor dilay ehelkooda iyo qaraabadooda kadib markii qoorta laga gooyay madaxyadooda la suray geedo si loogu cabsi galiyo dadka kale waana jariimo aad u xun oo khawaarijtu ka galeen shacabkeena.

Tiirka saddexaad:

وحفظ العقل .ilaalinta Caqliga

Ilaalinta Caqliga in laga ilaaliyo mukhaadaraadka waxaan ka waajibnimo yarayn in laga ilaaliyo fikradaha kooxaha dhunsan in lagu abaabiyo ciyaalka iyo dadka aan wax garasho ah lahayn.

Waxaan ognahay in ay caqliga ka dooriyeen boqolaal ilmo ah o ay qaraxyo ku soo xireen ama xataa ku soo qanciyeen in waalidkooda iyo xigtadooda soo laayaan taas oo looga dhigay diin iyo jihaad, sidaas ayayna ugu xadgudbeen caqligii loo ilaaliyay muslimiinta.

Tiirka afraad:

وحفظ العرض

Sharafka iyo cirdiga musliinta in lagu xad gudbaa waa jariimo iyo kabiira aad u weyn oo lagu kasbado ciqaab aad u adag, islaamkuna wuu xarimay, weyna ku xadgudbeen, waxaana jira murugooyin badan oo ay ku reebeen goobihii ay joogeen, waxaana la soo wariyay kufsi, iyo boob ay ku sameeyeen qoysas badan oo qaarkooda dhibkii nafsiga ahaa oo soo gaaray la waashay ama u geeriyooday,

Waxaa jira rag aan la aqoon oo aan soo marin waddo sharci ah oo si qasab ah ku guursaday gabdho, muddo haystay ilmo ka dhalay, magacyadooda aan la qoon, meelo loo raaco aan la aqoon, taas ayaana ku reebtay qoysas badan tiiraanyo iyo ciil aad u weyn.

Tiirka shanaad:

.وحفظ المال ilaalinta maalka

Waa qoddob asaasi ah oo lama taabtaan ah in la ilaaliyana ay waajib tahay xoolaha muslimka la boobo a waa xaaraan,In xoolaha dadka lagu qaato si baadil ah iyo magacyo badan sida Zako, taakulo, iyo wax kale loona muujiyo in diin iyo jihaad loogu adeegayo kadibna lagu laayo Isla dadkii laga qaaday, lagu dumiyo guryahooda, lagu marin habaabiyo caruurtooda masaakiinta ah iyada oo la isticmaalaayo xoolihii laga qaaday dadkeena, qayb kalana loo keydsado in dano gaar ah lagu fushado oo ganacsi iyo guryo lagu dhisto waa dambi aad u weyn, Waana dhaqanka khawaarijtu la timid oo lagu arkay kuna caan baxeen.

Ugu dambayntii waxaan Allaah uga mahad celaynaa kadibna Dowladdeena iyo shacabkeena oo iskaashanaya in deegaanada qaar lagu jabiyay lagana qaaday culayska dhan walbo ah oo ay ku haayeen shacabkeena,

Deegaanada Wali hartay waxaan xasuusinayaa in laga adkaan karo oo laga guulaysan karo lana soo tijaabiyay.

Caruurta,odayaasha iyo cidkasta oo la qalday waxaa u furan Wali in ay ka soo tagaan Kuna soo laabtaan dadkooda iyo dalkooda.

Shacabka kaashaday dowladdooda ee iska xorreeyay khawaarijta waxaan u sheegayaa Wali aad uma Foga ee taxadar qaba, dhagarta cadawgana iska ilaaliya.

Xuquuqda qormaddan waxay u sugan tahay. Cabdiraxiim Ciise Caddow.

Agaasimaha Shaqaalaha iyo Tababarrada Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaliya.

Baarlamaanka Midawga Yurub oo ‘xasaanadda ka qaadaya laba mudane

BRUSSELS – Madaxweynaha Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa bilaabay hanaan degdeg ah oo la doonayo in xasaanadda lagaga xayuubiyo laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, ka dib codsi uga yimi hay’adaha garsoorka ee dalka Belgium, kuwaas oo baadhaya fadeexad weyn oo musuqmaasuq oo ruxday Midawga Yurub.

Baarlamaanka Yurub ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Roberta Metsola, inay ka codsatay dhammaan adeegyada iyo guddiyadu inay mudnaanta siiyaan arrintan, iyada oo la doonayo in la dhameeyo inta ka horraysa bisha February 13-keeda.

“Waxaa markii ugu ugu horraysay uu baarlamaanka Midawga Yurub uu sameeyey wax kasta oo awooddiisa ah, si uu uga gacan geysto baadhitaanada socda, waxaanna sii wadi doonaa inaan hubinno inaanay jiri doonin meel lagaga dhuunto isla xisaabtanka” ayay tidhi Metsola, waxayna hadalkeeda sii raacisay “Kuwa ka masuulka ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Lagama raalli noqon doono masuq maasuq, waxaanuna samayn doonaa wax kasta oo lagula dagaalamayo”

Xubnaha warbaahinta ee ka hawlgala ururka Midawga Yurub, ma aanay aqoonsanin labadan xubnood ee ka tirsan baarlamaanka, hase ahaatee laba masuul oo magacyadooda qariyey, maadaama oo aan loo ogolayn inay dhacdadan ka hadlaan ayaa tilmaamay in labada xubnood ay kala yihiin Andrea Cozzolinooo oo Talyaani ah iyo Marc Tarabella oo Belgium ah.

Xubnahan oo lala xidhiidhay wax falcelina kama bixinin arrintan.

Waxaa jira xildhibaan saddexaad oo lagu magcaabo Eva Kaili, kaas oo hore loogu soo oogay dacwado la xidhiidha inuu ku lug yeeshay eedo ku saabsan, inuu laaluush ka qaatay masuuliyiin ka tirsan Qatar iyo Morocco, kuwaas oo doonayey inay saamayn kuyeeshaan go’aano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Mudanaha Kaili ayaa xabsi ku jirta tan iyo bishii December 9-keedii, iyada oo sidoo kalena xabsiga la dhigay saaxiibkeen Francesco Giorgi oo ahaa la taliye ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub.

Warbixintan waxaa laga soo xigta AP