Home Blog Page 470

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmey Ku-Xigeenka Safiirka Britain ee Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku-Xigeenka Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Ed Barnett.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadahadley xaaladaha amniga, siyaasadda, dib u heshiisiinta, adeegyada bulshada iyo dhinacyada kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Wasiirka ayaa Ku-Xigeenka Safiirka uga warbixiyay horumarka laga sameeyay hawlgalada milateri ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabab, barnaamijyada xasilinta iyo dib u heshiisiinta, iyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya magaalada Baydhabo.

Ku-Xigeenka Danjiraha Britain ee Soomaaliya Mr Ed Barnett ayaa sheegay in UK ay si buuxda u taageersan tahay barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo xasilinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay inay arkaan Soomaaliya oo dib cagaheeda isu taagta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal. Wasiirka Warfaafinta ayaa Danjiraha uga warbixiyey horumarka dhinacyada siyaasadda, amniga iyo adeegyada bulshada ee ay ku tallaabsatey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Danjire Vecchi ayaa xusay in Soomaaliya iyo Talyaaniga uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, isla markaana haatan ay dowladdiisa ka shaqeyneyso sidii ay dib uga bilaabi lahayd iskaashigii ballaarnaa ee labada dal ka dhexeyn jiray, isagoo sidoo kale soo dhoweeyay horumarka iyo dib u soo kabashada ay Soomaaliya sameyneyso.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadley xoojinta iskaashiga dhina warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee labada dal, iyadoo la filayo in barnaamijyo dhowr ah oo dhinacyadaasi la xiriira ay Soomaaliya iyo Talyaaniga dhowaan isla bilaabi doonaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, oo uu kaga qayb galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku soo dhaweeyay garoonka dayaaradaha Shaati Gaduud Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasare ku xigeenka Salax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee XFS.

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u ambabaxay magaalada Baydhab

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Saalax Jaamac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Jimcaale ayaa u ambabaxay magaalada Baydhabo oo ay kaga qayb galayaan shirka Golaha Wadataashiga Qaranka.

Federal Government of Somalia Weekly Briefing

0

1- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan

Sheikh Mohamud, will preside over the meeting of the National Discussion

Forum, which will be attended by the leaders of the Federal Member State.

This conference, which is taking place in Baidoa, will be the fifth in the past

9 months.

2- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan

Sheikh Mohamud, held talks in Asmara this week to strengthen relations

between the two countries with the President of Eritrea, Isaias Afwerki.

3- The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh

Mohamud said that up to ten thousand teachers will be recruited by the

Federal Government while opening the National Conference on Education in

Somalia.

4- The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh

Mohamud, received the credentials from the new Ethiopian Ambassador to

Somalia, Mukhtar Mohamed Ware.

5- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan

Sheikh Mohamud has signed the Financial Sanctions Act, the National

Intelligence Agency (NISA) Act and the National Electricity Act.

6- The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Mr. Hamza Abdi

Barre, has called for facilitating the administration of the Somali pilgrims’

travel services this year.

7- The Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Mr. Salah

Ahmed Jama, has launched the Policy for the Protection of Social Welfare of the Poor Somalis, prepared by the Ministry of Labor and Social Affairs.

8- The Upper House of the Federal Parliament of Somalia passed the Anti[1]Terrorism Law, the Immigration and Nationality Agency Law, the National Identification Law and the Members of the Independent Commission for the

Review and Implementation of the Constitution.

9- A number of Kharijites Al Shabab terrorists have been killed in an operation

carried out by the Danab Brigade of the Somali National Army and the Jubbaland State Army in Mido area near Afmadow District in Lower Jubba Region.

10- The Minister of Commerce and Industries of the Federal Government of

Somalia Mr. Jibril Abdirashid Haji has closed a meeting in Mogadishu to

discuss the implementation of the modern business registration process.

11- The Minister of Health of the Federal Government of Somalia, Mr. Ali Haji

Adan, has opened the quarterly meeting of coordination of health activities in

Mogadishu.

12- Fyl Dubai Airlines in the United Arab Emirates has officially launched daily

direct flights between Mogadishu and Dubai.

13- The Ministry of Labor of the Federal Government of Somalia has

completed the census process of civil servants of the government.

14- The National Telecommunications Authority has instructed the country’s

telecommunications companies to immediately implement the decisions of

the National Anti-Money Laundering & Combating Terrorist Financing

Committee (NAMLC) issued on February 14, 2023.

15-The Commander of the Somali Police Force, Brigadier General Sulub Ahmed

Firin, has closed the meeting of the Police Commanders of the Regional and

Central Governments in the port city of Kismayo.

 

Warbixinta waxqabadka dowladda ee todobaadka

0

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomin doona Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ay ka qeygalayaan madaxda Dowlad Goboleedyada. Shirkan oo ka dhacaya magaalada Baydhabo ayaa noqonayaa kii shannaad 9kii bilood ee la soo dhaafey.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara toddobaadkan wadahadal lagu xoojinayo xiriirka labada dal kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in ilaa iyo toban kun oo macalimiin ay Dowladda Federaalka qoran doonto xilli uu furayey Shir Weynaha Qaran ee Waxbarashada Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ethiopia u fadhin doona Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Sharciga Korontada Qaranka.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ku baaqey in la fududeeyo maamulka adeegga socdaalka xujeyda Soomaalida ee sannadkan.

7- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay Siyaasadda Ilaalinta Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed ee dan-yarta ah, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada.

8- Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyey Sharciga La Dagaalanka Argagixisada, Sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Sharciga Aqoonsiga Dadweynaha iyo. Xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

9- Hawgal ay wada fuliyeen Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka dhacay degaanka Miido ayaa waxaa lagu dilay tiro ka mid ah maleeshiyaadka Khawaarijta.

10- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibril Abdirashid Haji ayaa magaalada Muqdisho ku soo xiray shir looga hadlayey hirgelinta hannaanka casriga ee diiwaan gelinta ganacsiga.

11- Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa Muqdisho ka furay shirka saddex biloodlaha ee isku duwidda hawlaha caafimaadka Soomaaliya.

12- Shirkadda Diyaaradaha Fyl Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u bilowday duulimaad maalin walba ah oo ah Muqdisho iyo Dubai ah.

13- Wasaaradda Shaqada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay tirakoobka shaqaalaha rayidka ee dowladda.

14- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa shirkadaha isgaarsiinta dalka fartey inay deg deg u fuliyaa go’aannada Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda & La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ee soo baxay 14-kii Febraayo 2023.

15- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Sulub Ahmed Firin ayaa magaalada Kismayo ku soo xisay shirka taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

 

Subaxnimadaan, waxaa laga Oofiyay xadkii Qasaasta ahaa qaar kamid ah Khawaarijta al-shabaab

Subaxnimadaan, waxaa laga Oofiyay xadkii Qasaasta ahaa Biyamaalow, Jeego & Dhaqtar Fanax, waxa ay sedaxdaba u wada fuliyeen Argagixisada Qaraxyo iyo Dilal.

1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).

2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego).

3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

Sarkaal Hore, Sarkaal shaqeynayay & Sarkaal iyo Dhaqtar sheegad ayay kala ahaayeen.

Aqalka sare oo ansixiyay hindise sharciyeedka la dagaallanka argagixisada

Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka la-dagaallanka Argagixisada oo horey uga soo gudbay Golaha Shacabka.

Hindise sharciyeedka la-dagaallanka Argagixisada ayaa waxaa cod aqlabiyad ah ku oggolaatay 29 Sanatar.

Xildhibaanada Golaha Shcabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa 8-dii bishan ansixiyay hindise sharciyeedkan la dagaallanka Argagixsada, wuxuuna dhaqan galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

100 ruux oo ku dhintay duufaan mar kale ku dhuftay dalalka Malawi iyo Mozambique

In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay dalalka Malawi iyo Mozambique ka dib markii duufaanta Freddy oo wadata dabeylo xooggan iyo roobab mahiigaan ah ay dib ugu laabteen dhul weynaha Koonfurta Afrika.

134 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay 16 kalena waa la la’yahay. Caasimada ganacsiga Malawi ee Blantyre ayaa diiwaangelisay 85 dhimasho ah.

Dalka dariska la ah Mozambique, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 14 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Machadka Qaranka Mozambique ee Maareynta Musiibooyinka ayaa sheegay in duufaanta ku soo noqotay  dalka ay ka sii xun tahay tii hore.

Duufaanta Freddy ayaa markii labaad ku soo laabatay dalalkaasi,kadib kolkii dabayaaqadii bishii Febraayo ay ku habsatay dalalkaasi,waxaan suurtagal ah in tiradu dhimashada ay kor u kacdo,sida uu ka dhawaajiyay Charles Kalemba oo ah madaxa Waaxda Maareynta Masiibooyinka.

Pyongyang oo markale tijaabisay Gantaallo halis ah

Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi maanta oo Talaada ah ay laba Gantaal oo kuwa riddada gaaban ah ku tijaabisay xeebteeda bari ee dalkaasi.

Kuuriyada Koonfureed ayaa intaasi ku dartay, in Gantaaladan ay yahiin kii ugu dambeeyay ee ay tijaabiso Kuuriyada Waqooyi, xilli Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanku ay sameeynayeen dhoolatus milatari oo muddo sannad ah qaatay.

Taliyaha guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in labadan Gantaal la soo riday abaarro 7:40 subaxnimo ee xilliga maxalliga ah, isaga oo intaasi ku daray in Gantaalladan laga soo riday gobolka South Hwanghae, ee u dhow xeebaha galbeed ee Kuuriyada Waqooyi.

Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganeysa Millatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ciidamada Kuuriyada Koonfureed ay ku jiraan heegankii ugu sareeyay, iyagoo kaashanaya khubarada Maraykanka.

Tijaabada Gantaaladan ayaa ah tii labaad ee ay sameyso Pyongyang muddo saddex maalmood gudahood ah, taasi oo ay kaga jawaabeysa dhoolatuska militari ee ay si wadajir ah u sameeyeen Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Washinton iyo Seoul, ayaa muddooyinkii danbe sare u qaaday iskaashiga dhanka difaaca ee ka dhanka ah hanjabaadaha ka imaanaya Kuuriyada Waqooyi, taasoo sii kordheysay tijaabooyinka hubka halista ah ee Xukuumadda Pyongyang.