Home Blog Page 469

Waxqabadka dowladda Soomaaliya ee todobaadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Dooxa kulan kula yeelanaya Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay qaraarkii Golaha Wasiirada ee maareynta hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka qeybgalaya wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhalinyarada ku booriyay inay door weyn ku yeeshaan siyaasadda dalka, xilli uu ka hadlayey munaasabadda xuska Maalinta Dhalinyarada ee 15 May.

Madaxweynaha, Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha XFS iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta 15 May ee dhalinyarada.

Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyey Qaraarka Adkeynta Hufnaanta Maareynta Maaliyadda ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabi Barre ayaa kulan sagootin ah la qaatey Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo waqtigii uu dalka ka hawlgalayey uu soo dhammaadey.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo booqasho ay ku qiimeyneyso khasaaraha fatahaadda Wabiga Shabeelle ku tagtey magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho uga warbixiyay xaaladda siyaasadda, amniga, xasilinta, barnaamijyada horumarinta iyo fatahaadihii Webiga Shabeelle iyo dhibaatooyinka ay geysteen.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha oo lagu hubinayo tayadooda ka hor inta aanay dalka soo galin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka u sharaxay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geystey xubno ka tirsan Khawaarijta Al Shabab, kadib weerar ay ku qaadeen goobo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanaysay oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Sacuudi Caraabiya ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Sanduuqa ku leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dagaalka lagula jiro musuqmaasuga, lana qaadayo talaabooyin adag oo dalka looga suulinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay dafiirka cusub ee Dowladda Britain u soo magacawdey Soomaaliya, Amb. Michael Nithavrianakis.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay la fuliyeen Degmada Aw Dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Alshabaab.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda nootaayada dufcadda saddexaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Garyaqaan Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay heshiis iskaashi farsamo ee saddex-geesood oo ka dhexeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soo Galootiga iyo Xuquuqda Caruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo Sweden kaga qeybgashey shir looga hadlayey tahriibka oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Yurub.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE taas oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey furista xuduudda labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal sida ganacsiga, iskaashiga amniga iyo duulimaadyada.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed oo London uga qeybgalaya Shirka Tamarta iyo shidaalka Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ka qeybgalaya hordhaca Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta.

Kulan looga hadlay Wadashaqeynta Boliiska iyo Garsoorka oo Muqdisho lagu qabtay {sawirro}

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta Garsoorka iyo Boliiska oo looga hadlayay Xaalada Guud ee Cadaalada Dalka Gaar ahaan Caasimada, Maadama howlgallo Joogta ah ay ka socdaan guud ahaan dalka iyo Wadashaqeynta Garsoorka iyo Boliiska ee nidaamka Cadaalad marinta dalka.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay qaban qaabada shirweynaha Dhalinyaradda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ay qaban qaabadiisa wado, hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jeediyay munaasabadda xuska 80 guuradii aasaaskii SYL oo ay qabatay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ayna ka soo qayb galeen in ka badan 1000 dhallinyaro ah iyo masuuliyiinta goleyaasha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa dhallinyarada uga jawaabay su’aalo la xiriiray fursadaha dhallinyarada iyo caqabadaha jira, waxaana dhallinyaradaas ka mid ahaa kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo iyagana ay wasaaraddu ku marti qaaday munaasabadda.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday in dowladdiisu ay muhiimad gooni ah siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo ku ammaanay kaalinta ay ku leeyihiin halganka dib u xoraynta dalka.

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa furmi doona 20 bishan wuxuuna socon doonaa saddex maalmood, waxaana lagaga doodi doonaa qadiyadaha muhiimka ah ee horyaala dhallinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka JFS ee India oo dalka Bangladesh kulan kula qaatay ardayda Soomaaliyeed.

Safiirka Safaaradda JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangladhesh, kulan kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ka barata.
Kulanka Safiirka iyo ardayda ayaa ugu horreeyn waxaa halkaasi soo dhaweeyn lagu maamuusay Safiir Axmed oo hawlo shaqo halkaasi u joogay, is-xog wareysi iyo isbarasho laba dhinac ah ka dib waxaa la guda galay ajendaha kulanka.
Ardayda wax ka barata dalkaas ayaa warbixin guud ka siiyay Safiirka xaaladda ardayda iyo heerarkooda waxbarasho, sidoo kale waxaa ay lawadaageen caqabadaha jira iyo sidii ay Safaarad ahaan ku xalin karaan maadaama ay meesha ka maqanyihiin adeegyo badan oo dowladeed, islamarkaana adeegyadaasi hadda qaarkood ay ka helaan Safaardda Soomaaliya ee dalka Hindiya.
Safiirka ayaa u sheegay ardayada in ay wadaan dadaalo sidii ay wada shaqeyn dhaw uyeelan lahaayen ardayda dalka Bangladhesh iyo Safaaradda oo marar kale duwan wada shaqeyn dhex martay ardayda wax kabarata dalkaas iyo Safaaradda Soomaaliya dalka Hindiya, Safiirka ayaa dhanka ardayda u sheegay in tabashooyinkooda uu uxalin doono ayna heli doonan dhammaan adeegyada ay uga baahanyihiin Safaaradooda.
Dhanka kale Safiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay ka mira dhaliyaan dadaalkooda waxbarasho iyo midkii ay waaliddiintooda ku bixiyeen si ay usoo gaaran heerarkaan kala duwan ee waxbarashada, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in ay midoobaan ayna ilaaliyaan midnimadaas waxbadanna ay iska kaashadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka Maajo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka Maajo oo ku beegan curashadii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aas-aaskii xisbigii Leegada (SYL) uu Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbannaanida ay maanta ku faanayso, taas oo ay dhiiggooda u hureen halyeeyo Soomaaliyeed oo u istaagay in ummadda ay ka kor qaadaan heeryada gumeystihii arxanka darnaa.

“Dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in laga dulqaado heeryadii Gumeysiga waxa ay ku sifoobeen isku duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaaladda, dhallinyaradaas waxay baal-dahab uga qoran yihiin sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhallinyarada Soomaaliyeed doorkooda ku aadan dowlad-dhiska dalka, isagoo ugu baaqay in ay sii xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan xoreynta, dib u dhiska dalka, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee ummadda Soomaaliyeed ka hortaagan horumarka dalkooda.

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay furista xaduudaha ay labada dal wadaagaan.

0

Shir heerkiisu sarreeyo oo heer wasiir ah ayaa maanta dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo shirkaas ay Soomaaliya uga qeyb galeen wasiirada arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Amniga, halka dhanka Kenya ay uga qeyb galeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Professor Kithure Kindiki, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo amniga xuduudaha labada dal iyadoo lagu heshiiyay in si tartiib tartiib ah dib loogu furo xadka muddo 90 maalmood gudahood ah.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho

0

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Guddoomiyaha aqalka sare ee balaaramnka cabdi xaashi cabdullahi ayaa dhalinyaradda Soomaaliyeed u hambalyeeyey

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta qiimaha badan ee 15-Ka May oo ku beegan aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo ku suntan xorriyadda, midnimada, hal adayga iyo dowlad-dhiska dalkeenna.

Guddoomiyah ayaa si gaar ah dhallinyarada Soomaaliyeed ugu boorriyey in ay wax ka bartaan dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka islamarkaana ay raacaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed [sodma] ayaa maanta magaalada baladweyne kula kulmey gudoomiyaha gobalka hiiraan

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee[ SoDMA] Ayaa Maanta Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan xilli Magaladaas ay ka jirto xaalad adag kadib fatahad uu halkaas ka sameeyey wabiga Shabelle.

Labada Guddoomiye ayaa kawada hadlay xaalada Magaalada,sida dadka ku barakacay fatahaadaas gargaar loo gaarsiin karo,Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku mashquulsanaa maalmihii u danbeeyey daad gureynta dad rayid ah oo xaafadaha qaar ku go’doomay

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka xasan sheekh  ayaa munaasabadda xuska aasaaskii dalladda dhalinyaradda Soomaaliyeed owgeed wax uu ubax dhigey tallada halgamayaashii SYL

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taas oo ah argagixisada kusoo duushay nolasha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga dulqaadaan khawaarijta.

“Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah in ay dalkooda ka xoreystaan khawaarijta xasuuqday dadkeenna, noloasha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kor loo qaaday doorkooda hoggoomineed iyo shaqo-u-abuurka, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah.