Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta carruurta agoonta ciidanka Booliiska

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa kormeer ku tagay Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee barbaarinta Carruurta.

Wasiirka Caafimaadka iyo Mas’uuliintii la socotay waxaa Xarunta Agoonta Carruurta Booliska ku soo dhaweeyey Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin iyo Sareeyo Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), Wasiirka ayaa soo indha indheeyey qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Xarunta sida goobta ay jiiftaan, halka ay ku cunteeyaan, goobahooda nasiinada, isagoo ku hakaday qeybta Farmashiyaha Xarunta si uu hubiyo xaaladda goobtaas.

 

Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa uga warbixiyey Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan xaaladda Carruurta Agoonta ee ku jira Xarunta barbaarinta Agoonta Booliska Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa daneynayey xogta ku saabsan Caafimaadka Carruurta si loo la socdo xaaladdooda iyo hadii ay jiraan caqabado si looga gudbo.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta sidoo kalena  bogaadiyey hogaanka Booliska gaar ahaan mas’uuliinta gacanta ku haysa xaruntan soo saarta Ubaxii dalka, isla markaana lagu koriyo Carruurta Booliska Soomaaliyeed ay ka geeriyoodeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...