Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Wasaaradda Qorshaynta ay gacanta ku hayso qorshaha guud ee qaranka, isla markaana looga baahan yahay shaqaalaheeda in sannad walba la horumariyo aqoontooda iyo shaqadoodaba.
dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS ayaa sheegay in Hadda wixii ka dambeeya waxa loo guurayaa in degmooyinka Khawaarijta laga saaray dowlad nimada lagaarsiiyo”
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa Xalay ku sagootiyay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Xasan, oo ka idlaaday muddo xileedka shaqo ee loo igmaday.
Wasiir Abshir Cumar ayaa uga mahadceliyay Safiirka Itoobiya ee ka dhammaaday xilliga rasmiga ee igmashada danjirannimo kaalintiisa wax ku oolka ah ee uu ka qaatay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee saaxiibada ah, isagoo u rajeeyay inuu horumar baaxad leh iyo guul joogta ah ka gaaro waajibaadkiisa shaqo ee mustaqbalka.
Maamulka Galmudug ayaa qorsheyneysa in seddax jiho ay ka weerarto Khawaarijta ku dhuumaaleysta bariga gobolka Galgaduud iyo koonfurta gobolka Mudug.
Abshir Cabdi Shiiqow oo ah Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sida uu warbaahinta qaranka u sheegay waxa uu tilmaamay in dhaawan khawaarijta Al-shabaab laga saarayo dhamaan deeganada ay ka jogaan khawaarijta Al-shabaab maamulkas.
Wasiirka oo sii hadlayey ayaa sheegay in ay hataan ka maamul ahaan ay ku jiraan diyaar garowgii ugu danbeeyey isaga oo sheegay in dhawaan la arki doono Magaaloyinka Xaradheere,Ceelbuur,Xiindheere,Galhareeri iyo Ceeldheere oo xor ah oo cadowga Khawaarjta Al-shabaab laga saaray.
Ciidamada Serbia ayaa la geliyey “heegankii ugu sarreeyey,” waxaa sidaas sheegay Wasiirka Difaaca Milos Vucevic, isaga oo muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee dalka ku yaalla Balkans-ka kala dhaxeeya dalka deriska la ah ee Kosovo.
Xiisaddan ayaa salka ku haysa toogashooyin ka dhacay iyo jidgooyooyin laga sameeyey waqooyiga Kosovo oo ay degan yihiin dad asalkoodu yahay Serbiyiin.
Kosovo ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-baani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belgrade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhiiri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar ahaan waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda.
Ciidamada Serbia ayaa dhowr mar heegan la geliyey sanadihii tegay sababo la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Kosovo — waxaana ugu dambeeyey bishii November kadib markii Belgrade ay sheegtay in diyaarado drone ah oo ka yimid Kosovo ay soo galeen hawadeeda.
10-kii December, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay waddooyinka ku gooyeen dhagxaan, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal hore uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta.
Jidgooyooyinka ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay sare u kacday toogashooyinka lasoo werinayo, waxaana ugu dambeysay fiidnimadii Axadda, sida ay sheegeen ciidamada nabad-ilaalinta ee NATO ee KFOR.
“Madaxweynaha Serbia… wuxuu amray ciidamada Serbia in la geliyo heerkii ugu sarreeyey ee dagaal, kaasi waa heerka adeegsiga ciidamada,” ayuu yiri wasiirka difaaca Milos Vucevic oo bayaan soo saaray Isniintii.
Waxa uu intaas ku daray in madaxweyne Aleksandar Vucic uu amray in sare loo qaado ciidamada gaarka ah oo hadda ah 1,500 lana gaarsiiyo 5,000.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Serbia ayaa sidoo kale ku dhowaaqday “dhammaan cutubyada waxaa la hoos gayn doonaa taliska madax guud ee ciidanka.”
Amarrada Vucic ayaa yimid kadib markii madaxa ciidamada General Milan Mojsilovic loo diray xuduudda Kosovo Axaddii.
Xaaladda Waqooyiga Kosovo ayaa kacsaneyd tan iyo bishii November, markii boqolaal shaqaale oo isirkoodu yahay Serbiyiin kanaa tirsan booliska Kosovo, iyo sidoo kale laamaha cadaaladda sida garsooreyaal iyo dacwad-oogayaal ay shaqada ka baxeen, ayaga oo ka mudaaharaadaya go’aan muran dhaliyey oo Serbiyiinta ku nool Kosovo looga mamnuucay inay adeegsadaan taargooyinka baaabuurta ee ay soo saarto Belgrade.
Pristina ayaa isku dayday inay waqtiyeyso doorashooyinka dowladaha hoose ee ay ku badan yihiin Serbiyiinta 18-ka December — hase yeeshee waxaa la hakiyey kadib markii go’aankaas uu abuuray caro xooggan, islamarkaana xisbi siyaasadeedka ug weyn Serbiyiinta uu sheegay inuu qaadacayo.
Kadib, 10-kii December, sarkaal hore oo boolis oo lagu tuhunsan yahay weeraro ka dhan ah saraakiisha boolis ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta ayaa la xiray, taasi oo ka careysiiyey Serbiyiinta kuwaas oo dhagxaan ku gooyey waddooyinka, islamarkaana curyaamiyey isu socodka gaadiidka ee laba marin xuduudeed.
Saacado kadib markii jidgooyooyinka la sameeyey, booliska Kosovo ayaa sheegay in lagu soo qaaday saddex weerar oo hubeysan oo ka dhacay waddooyinka gala xuduudda.
Ciidamada nabad-ilaalinta NATO ee KFOR, ayaa sheegay in rabshadihii ugu dambeeyey ay dhaceen Axaddii markii xabado lagu soo furay ciidamada Latvia ee qeybta ka ah KFOR, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca Kosovo.
KFOR ayaaa sheegay inay baarayaan dhacdadan, waxayna intaas ku dareen “inaysan jirin wax dhaawac ama khasaare hantiyeed ah.”
Ra’iisul Wasaaraha Serbia Ana Brnabic ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in xaaladda Kosovo “ay qarka u saaran tahay dagaal hubeysan.”
Golaha Amniga Kosovo oo kulmay Axaddii ayaa ku eedeeyey Serbia xiriirka sii xumaanaya, waxayna sheegay in dalka deriska ah ee waqooyi “uu ku dhaqmayo wax kasta oo ka dhan ah nidaamka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Kosovo”.
Serbiyiinta waa 120,000 oo ka mid ah 1.8 milyan ee qof ee ku nool Kosovo.
Safiir ku xigeenka safaarada Soomaaliya ee dalka Jabuuti mudane Jabril Afyare ayaa la kulmay safiirka Qatar ee dalka Jabuuti Rashid bin Shafie.
Safiir ku xigeenka ayaa isaga oo ku hadlaya magaca Soomaaliya ugu hambalyeeyay dowlada Qatar sida ay u agaasimeen koobkii aduunka ee dhawaanta lagu soo gabagabeeyay Qatar.
Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xooninta iskaashiga iyo xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Qatar
Dabeylaha barafka wata ee ka dhacaya dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 60 qof.
Dabeylaha ugu daran ayaa ku dhuftay magaalada Buffalo ee gobolka New york. 27 qof meydkooda waa la helay halka, halka meydad kalana barafka dhexdiisa laga baadi goobaya.
Qoysas badan ayaa la dhibban dhacaya sidi ay cunto iyo dawo u heli lahaayeen maadaama ay dukaannada xiran yihiin.
Wasiirka Wasaaradda Qorshenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa manta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo howlaha u qorsheysan Wasaaradda.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Shaqooyinka kala duwan ee Wasaaraddu u hayso Xukuumadda, iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtanka. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa K/S Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaha, ahna Agaasimaha Waaxda kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Khubarrada Wasaaradda ka howlgala.
Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay lixda bilood ee lasoo dhaafay hay’adaha dowladda federaalka ay soo bandhigtay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeyngta oo ka soo uruurisay Wasaaradaha dowladda, iyada oo la eegayo halbeegyada dhameystirmay oo lagu guuleystay, kuwa wali qabyada ah iyo caqabdaha kala duwan ee keenay in shaqooyinka qaarkood aan wali guuleysan.
Dhanka kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay warbxinta deeqaha dalkeenna ugu yimaada deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo dalalka taageero Soomaaliya, sidoo kale waxaa la soo hadal-qaaday habka iyo hannaanka looga faa’iideysan karo fursadahaas, caqabadaha jira iyo xoojinta aqoonta hay’adaha dowladda heerka fulinta.