Home Blog Page 471

Hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo cafis u fidiyey tiro maxaabiis ah

Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in hoggaamiyaha sare ee dalkaasi uu cafis u fidiyey in ka badan 22,000 oo qof oo loo xiray mudaharaadadii dawladda looga soo horjeeday ee dalkaas ka dhacay.

Bayaan ka soo baxay garsoorka Iiraan, ayaa markii ugu horraysay si weyn loogaga hadlay baaxadda ay le’eg tahay hawlgallada ka dhanka ahaa mudaharaadayaasha ka soo horjeeday xukuumadda Kacaanka, eek u bilowday geeridii Mahsa Amini oo 22 jir ahayd.

Wakaaladda wararka Iiraan oo soo xiganeysa madaxa garsoorka ayaa sheegtay, in hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, uu cafis u fidin doono maxabiis badan oo ka mida dadkii la qabqabtay intii ay socdeen mudaharaadadu, iyada oo lagu soo beegayo bisha barakaysan ee Ramadaanta, taas oo dhamaan Muslimiinta ay wada sugayaan bilashadeeda.

Madaxa garsoorka ee dalka Iran ayaa sheegay in cafis loo fidiyey maxabiis dhan 22,628, kuwaasi oo u xernaa ka qaybgelka mudaharaadyadii dalkaasi ka dhacay.

Soomaaliya oo xubin ka noqday Ururka Xoghayayaasha Guud ee Baarlamaannada Aduunka

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Baarlamaanka JFS, Mudane, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayayaasha Baarlamaannada Adduunka oo ka dhacay magaalada Manama ee dalka Bahrain.

Kadib fadhigii ay yeesheen Guddiga fulinta Xoghayayaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa lagu go’aamiyay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ku biiro ururka , markii cod aqlabiyad lagu ansixiyay ka mid noqoshada xubinnimada Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Baarlamaanka JFS, Mudane, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa horay u gudbiyay codsi ku aaddan kamid noqoshada ururka.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga hadlayo horumarinta Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS  Marwo, Khadija Maxamed Diiriye iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York uga qeyb galay kal fadhiga 67-aad ee shir sanadeedka Guddiga Xaaladaha Haweenka, kaas oo looga hadlo arrimaha horumarinta haweenka, waxaana sanadkan halku dhig u ah horumarinta haweenka hal-abuurka leh iyo isticmaalka tiknolajiyadda casriga ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirrada Haweenka dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah.

Wasiirka wasaaradda Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Khadija Maxamed Diiriye ayaa ku soo bandhigtay khudbad ay uga hadashay xaaladaha haweenka hal abuurka leh ee Soomaaliyeed iyo horumarka dhinaca tiknolajiyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowladda waxay shaqaalaysiin doontaa 10 kun oo macallin si loo daboolo baahiyaha waxbarasho”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan sheekh Maxamuud ayaa balanqaadadiisii ololaha doorashada waxa ka mid ahaa kor u qaadida waxbarashada dalka iyo in dhamaan adeegyada dowladda si siman loo gaarsiiyo dadweynaha,sidoo kale madaxweynaha ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in Sanadka 2023 noqon doono sanadkii Adeegyadda Dowladda la gaarsiin lahaa dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray shirweynaha waxbarashadda qaranka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka kaas oo ay ka soo qayb galeen dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka,gobolka Banaadir,xubno ka socda laba gole ee baarlamaanka,bahda waxbarashadda iyo xubno ka socda wakiilada beesha caalamka,madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in dowladda Soomaliyau qorshaysan tahay qaadashada ilaa 10 kun oo macallimiin ah si loo buuxiyo baahiyaha waxbarasho ee ka jira dalka.

Wasiirka Waxbarasahdda XFS mudane Faarax sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in shirkaan lagu soo bandhigi doono daraasado iyo aqoon isweydaarsi la xariira sidii loo tayayn lahaa waxbarashada dalka iyo mastaqbalkana loo heli lahaa waxbarasho tayo leh,wasiirka ayaa xusay in shirkan ujeedooyinka loo qabtay ka mid tahay sidii la isula fahmi lahaa caqabadaha ku gadaaman waxbarashada dalka iyo sidii la isula fahmi lahaa loona xalin lahaa.

Wasaaradda waxbarasahdda Hiddaha iyo tacliinta sare ayaa ka hor inta uu shirka furmin la kulantay culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Rayidka kuwasa oo laga aragti galinayay sida loo tayayn karo guud ahaan waxbarashada dalka,wasaaradda waxbarashadda ayaa sidoo kale wada daddaallo lagu hormarinayo waxbarshada dalka ayaa dhawaan qaaday imtixaanka macalimiin seddex kun oo ay wasaaraddu doonayso in ay qayb ka noqdaan horumarinta waxbarashadda dalka hadana ay socoto sixitaanka imtixaankii dhawaan ay wasaaraddu qaaday lana shaacin doonto dhowaan natiijada.

Madaxweynaha oo dul istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiindoono Toban kun oo Macallimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay helikaraan muwaadiniinta soomaaliyeed.

“Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidookale waa in aan dhaqangalinno manhaj mid ah oo Qaran iyo in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah furan inaga oo shaqaaleysiindoona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka, isaga oo ka dalbaday aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo xubin ka noqday ururka xoghayeyaasha guud ee baarlamaanada adduunka

0

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo xubin ka noqday ururka xoghayeyaasha guud ee baarlamaanada adduunka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray caasimadda dalka Eritrea ee Asmara

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta ka degay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha waddankaas Isaias Afwerki.

Wafdi uu hoggaaminayo Agasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS oo Gaaray Magaalada Baydhabo

0

Wafdi uu hoggaaminayo Agasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS Dr Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmayo shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaranka

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo la kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta

0

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirweynaha Waxbarashada dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Kulan looga hadlayey Amniga Muqdisho oo ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yusuf Xuseen Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin ayaa Xarunta Taliska Boliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir kula kulmay Taliyeyaasha Saldhigyada Boliiska iyo Guddoomiyeyaasha Degmaayinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.