Home Blog Page 383

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay furista xaduudaha ay labada dal wadaagaan.

0

Shir heerkiisu sarreeyo oo heer wasiir ah ayaa maanta dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo shirkaas ay Soomaaliya uga qeyb galeen wasiirada arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Amniga, halka dhanka Kenya ay uga qeyb galeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Professor Kithure Kindiki, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo amniga xuduudaha labada dal iyadoo lagu heshiiyay in si tartiib tartiib ah dib loogu furo xadka muddo 90 maalmood gudahood ah.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho

0

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Guddoomiyaha aqalka sare ee balaaramnka cabdi xaashi cabdullahi ayaa dhalinyaradda Soomaaliyeed u hambalyeeyey

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta qiimaha badan ee 15-Ka May oo ku beegan aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo ku suntan xorriyadda, midnimada, hal adayga iyo dowlad-dhiska dalkeenna.

Guddoomiyah ayaa si gaar ah dhallinyarada Soomaaliyeed ugu boorriyey in ay wax ka bartaan dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka islamarkaana ay raacaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed [sodma] ayaa maanta magaalada baladweyne kula kulmey gudoomiyaha gobalka hiiraan

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee[ SoDMA] Ayaa Maanta Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan xilli Magaladaas ay ka jirto xaalad adag kadib fatahad uu halkaas ka sameeyey wabiga Shabelle.

Labada Guddoomiye ayaa kawada hadlay xaalada Magaalada,sida dadka ku barakacay fatahaadaas gargaar loo gaarsiin karo,Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku mashquulsanaa maalmihii u danbeeyey daad gureynta dad rayid ah oo xaafadaha qaar ku go’doomay

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka xasan sheekh  ayaa munaasabadda xuska aasaaskii dalladda dhalinyaradda Soomaaliyeed owgeed wax uu ubax dhigey tallada halgamayaashii SYL

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taas oo ah argagixisada kusoo duushay nolasha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga dulqaadaan khawaarijta.

“Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah in ay dalkooda ka xoreystaan khawaarijta xasuuqday dadkeenna, noloasha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kor loo qaaday doorkooda hoggoomineed iyo shaqo-u-abuurka, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah.

Guddoomiyaha  golaha  shacabka baarlamaanka oo hambalyo u direy dhamaan dhalinyaradda Soomaaliyeed.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa munaasabadda 15-ka May awgeed waxaa uu hambalyo u diray dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo u dabaal dagaya maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah maalintii dhidibada loo aasay Xisbigii leegada gobonima doonkii Soomaaliyeed ee SYL.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku tilmaamay in ay udub dhexaad u ahaayeen halgankii xornimo doonka dalkeenna, iyagoo tiir muhiim ah u ahaa dowladnimadda dalka, waxayna kaalin muuqata kaga jiraan Ciidanka Xoogga Dalka, shaqaalaha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulsho weynta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn waxaa uu dhalinyarada Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida ay door weyn uga qaateen dhismaha dowladnimadda, xorreynta dalka iyo u adeegida bulshada kala gedisan ee ku nool dalkeenna.

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyay shirka golaha wasiirada.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir Ciid.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa waxa warbixin looga dhageystay guddiga doorashada Galmudug oo ka warbixiyay halka ay u marayaan dadaallada ku aaddan doorashooyinka ee ay wadaan.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka Dr. Muhammed Al-Jasser. Waxa ay ka wada hadleen sidii Bangiga uu uga qeyb qaadan lahaa arrimaha Horumarinta Soomaaliya oo ay ugu horreyso dib-u-habeybta Maaliyadda iyo taageerada Bangiga ee bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga uga qeyb galay fadhiga loo dhanyahay ee shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Dalka Saudi Arabia.

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubnno katirsan khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weerar qorsheysan ku qaaday Goobo ay khawaarijta ku dhuumaaleysanaysay oo dhaca xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago Shabeellaha dhexe.

Deegaanka howlgalka uu dhacay ayaa lagu magacaabaa Sabansableey waxana halkaa ka dhacay dagaal xooggan kaa oo khawaarijta loogu geeystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka warheleen in Xubno katirsan khawaarijta ay isku arruursanayeen deegaanka Sabansableey, si ay u sameeyaan arbushaad, hada yeeshee ciidammada ayaa ka hortagay dhagartooda.

Xoogga dalka ayaa sii baacsanaya xubnihii khawaarijta ee ku dhuumaaleysanay deegaanka oo isaga cararay halkaa.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa  khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay gaba-gabada fadhiga loo dhanyahay ee shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Magaalada Jidda ee Dalka Saudi Arabia.

Shirkaan oo ay fadhiyeen dhammaan wasiirada Maaliyadda Dalalka Islaamka iyo gudoomiye-yaasha Bangiyada Horumarinta ayuu wasiirka maaliyadda Soomaaliya ka horsheegay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadda dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xariigay in loo baahan yahay in dalalka Islaamka ee ku bohoobay Bangiga Islaamka iyo Madaxweynaha Bangiga ay si gaar ah u la shaqeeyaan dalalka ka soo kabanaya dagaalada sukeeye oo ay Soomaaliya ka mid tahay, isagoo intaa ku daray in Soomaaliya ay hadda ku socoto dariiqii rajada, kana gudbaysa Caqabado waayweyn oo ay ka mid yihiin dhibaatada laga dhaxlay arrimaha argagixisada, Abaaraha,  iyo Saameyntii Covid-19.

Gunaanadkii khudbadda wasiirka maaliyadda waxa uu kaga codsaday Dalalka Islaamka in ay Soomaaliya kala shaqeeyaan dhameystirka barnaamijka deyn-cafinta oo hadda soo gaaray heer gabo-gabo ah maraya.