Home Blog Page 383

Dowladda FS oo dhulka laga xoreeyay khawaarijta ka waddo qorshayaal lagu soo nooleynayo adeegyadii bulshada

0

La taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha bulshada, Xaliimo Cali Culusow ayaa sheegtay in dowladdu ay degaannada laga xoreeyay Khawaarijta u diyaarineyso qorshayaal lagu soo nooleynayo xarumihii danta guud oo ay khawaarijtu ay baabi’isay.

Xaliimo Culusoow oo u warramaysay warbaahinta Qaranka ayaa dadka kasoo jeeda degaannada la xoreeyay ugu baaqday in ay kaalintooda ka qaataan dedaallada kor loogu qaadayo dib usoo nooleynta adeegyadii bulshada.

La taliye Xaliimo Cali Culusoow oo in dhowaalaba degaannada Galmudug ka wadday wacyi gelinta bulshada iyo kulamo ay la qaadatay madaxda degaannadaas ayaa sheegtay in ay haatan ku wajahan tahay Hirshabeelle si halkaasi ugu sii ambaqaaddo howlaheeda wacyi gelinta dad weynaha iyo kulamada mas’uuliyiinta, iyadoo gogol-xaar u samaynaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan soo nooleynta adeegyada bulshada goobaha laga xoreeyay khawaarijta.

 

wasiiru dowlada wasaarada caadaalada ayaa daahfurtey kulan dad weyne ee dib u eegista dastuurka

0

Kulankan dadweyne oo socon doono labo maalmood ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiiru dowladaha wasaaradda Marwo Mumino Sheekh Cumar, Xoghayaha joogtada, Wasiirada dastuurka ee DXDF, labada Guddi ee dib-u-egista dastuurka, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ujeedkiisu ahaa in ay ka dhiiban doonaan aragtidooda ku aadan Heshiisyada Siyaasadeed ee ay gaareen Madasha Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkan oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan:

1- in lasoo bandhigo ilaa hada waxii horumar laga gaaray qodabada muhiimka u ah qabya tirka dastuurka iyo waxi ka dhiman.

2- In laga tashado daneeyayaasha kala duwan sida wax ku oolka ah oo ay ugu qeyb qaadan karaan Dib u eegista Dastuurka.

3- In sare loo qaado Dareenka wadashaqeynta, Wadar oggol iyo Ka qeyb gal loo dhan yahay si loo gaaro go’aan Wadar oggol ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan ayaa Magaalada Narobia kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Denmark ufadhiya Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Narobia kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Denmark ufadhiya Soomaaliya Steen S Andersen.

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Steen S Andersen oo kulan kooda ay ka qeybgaleen Wasiiro iyo Agaasimiyaal ayaa lagaga wada hadlay Arimaha Mashaariicda Dowladda Denmark ka Wado Deeganada Koonfur Galbeed, Dhinacyada Gargaar, Adeeg Daadejinta Dowladda, Isbedelka Cimiladda iyo Taageerida Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka lagaga Saarayo Khawaarijta Alshabaab.

Xassan Xusseen iyo Deerow Macallin Ibraahim oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada xds.

0

Xassan Xusseen Cali oo magaciisa Afgarashadu yahay Maxamed Deeq iyo Deerow Macallin Ibraahim {idris) oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Minneapolis

0

Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumaankun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan horumarka ay Dowladdu ku tillaabsatay ee dhinacyadfa amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta, Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, isagoo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka maraykanka

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka,munaasabadan ayaa ka dhacday Gobolka Minnesota ayuu Ra’iisul wasaaruhu warbixin ka siiyey qurbejoogta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa Jaaliyadda Dalka  Maraykan wuxuu ku ammaaanay sida ay door muhiim ah uga qaataan dib u Dhiska dalka & sida ay uga hormar uga sameeyeen arrimaha Siyaasadda,caafimaadka,Ganacsiga & wax Barashada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dowladdu ahmiyadda koowaad siisay ka sifaynta khawaarijta,isagoo Jaaliyadda ka codsaday in ay dowladda ku garab siiyaan sida ay dalka uga xorrayn lahayn kooxaha khawaarijta.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Jaaliyadda war-bixin ka siiyey dayn cafinta & meesha ay marayso isagoo sheegay guulo wax ku ool ah laga gaaray.

Ciidamada xoogga iyo Macawisley oo Khawaarij ka sifeynaya Wabiga jiinkiisa.

Ciidamada xooga dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa wabiga jiinkiisa Shabeellada dhexe ka wada howlgal lagu burburiyay fariisimo khawaarijta ay ku leheed deeganada Wabiga jiinkiisa ah ee Mahadaay hoostaga.
Dagaal ka dhacay deegaanada Ciid Ciidka, Oobaale iyo kuwa kale ayaa waxaa lagu dilay maleeshiyaad khawaarij ah iyadoo ay halkaas ku go’doomiyeen tiro dhagar qabeyaal ah.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo New york kula kulmay Agaasimaha Fulinta WFP

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa kulan wax ku ool ah kula qaatay xarunta Qaramada Midoobay ee New york, Ku xigeenka Agaasimaha Fulinta iyo Madaxa Hawlgelinta ee WFP Carl Skau.
Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa uu ku saabsanaa xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa WFP iyo hay’adaha kala duwan ee DFS, doorka WFP ee hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka, in taageerada bini’aadantinimo loo weeciyo dhinaca horumarka iyo dhisidda wada shaqaynta taasoo dalka u horseeda horumar waara.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo saaka tagay Daaru-nimca.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan BFS, kan Maamulka Hirshabelle, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Deegaanka Daaru-nicma ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ka mid ah deegaanada istiraatiijada ahaa ee laga saaray kooxaha Khawaarijta.
Masuuliyiinta ayaa deegaanka Daaru-Nicma ee hoostagta Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe u tagay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha Nololeed iyo Amni, iyadoona goob fagaare ah kula hadlay Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa difaaca shacabka ee howlgallada sifeynta Khawaarijta ka wada deegaanadaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo daahfuray Imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof.

0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane Baashe Y. Axmed, ayaa maanta daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamaayey jagooyin Kaaliyenimo oo ka banaanaaday hay’adaha Garsoorka ee dalka, gaar ahaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadaha.
Guddoomiyaha, ayaa sidoo kale maalinkii shalay daahfuray imtixaan iyaga na laga qaadayey dad u tartamaayey jagooyin garsoorenimo oo ka banaaaday Garsoorka, waxaana ay tani qeyb ka tahay dedaalada dib-u-habaynta ee Garsoorka dalka si kor looggu qaado hufnaanta shaqada iyo aaminaada, sidoo kale na loo ballaadhiyo fidinka adeega cadaaladdeed ee hay’adaha garsoorku u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Baashe oo halkaas ka hadlay, ayaa la dardaarmay tartameyaasha oo uu ku booriyey inay naftooda ku kalsoonaadaan, sidoo kale na ay aaminaan aqoontooda isaga oo xusay in nidaamka loo qaadayo imtixaankani uu yahay mid ku dhisan habraac la hubiyey oo cadaaladdeed qof kasta na uu helaayo wixii uu shaqeysto.
Guddoomiyahu, wuxu sidoo kale tilmaamay in ujeedka ay imtixaanadan u qaadayaan ay tahay in la helo Garsooreyaal iyo Kaaliyeyaal ku yimi hanaan cadaaladdeed kuwaas oo laga filan karo inay si cadaalad ah ugu adeegi doonaan hay’adaha Garsoorka dalka.