GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GAARAY BAYDHABO

Date:

Baydhabo, November 22, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo gaaray magalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa waxaa safarka ku weheliyay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen, Xildhibaano iyo Wasiiro isugu jira heer Federaal, kuwa maamulka KGS iyo qeybaha kala duwan Bulshada.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu furi doonaa shirka shaacinta iyo horumarinta farta rasmiga ah ee Maayga oo ka dhici doona Magalada Baydhabo.
DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...