Home Blog Page 384

Ciidanka ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay dhagar qabe katirsan khawaarijta

Ciidanka ammaanka Caasimadda ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxay ku soo Qabteen dhagar qabe ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab, kaas oo watay Waxyaabaha Qarxa isla markaana doonayay inuu ku weeraro Bar ay joogeen Ciidanka ammaanka.

Ciidanka ayaa si xirfadaysan gacanta ugu dhigay Dhagar qabahaan iyadoo wax dhibaato ah aysan gaarin ciidanka ammaanka iyo shacabka.

Ciidmada amniga ayaa muqdisho iyo degaanada ku xeeran ka wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga sidoo kalana lagula dagaalamay waxyaabaha maankadooriyo oo qey  weyn ka ah amni darida caasimadda

 

Dadweynaha Turkiga oo u dareeray goobaha Cod bixinta

Dadweynaha Turkiga ayaa safaf dhaadheer u galay saaka saacadu marka ay ahayd 08:00 doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, Doorashadan oo ah mid aad u xiiso iyo xamaasad leh ayaa waxaa codad-kooda dhiiban doona 60 milyan 697 kun 843 codbixiye.

Xilka madaxweynaha dalkaasi ee 5 sano ee soo socota ayaa waxaa u tartamayaa 3 musharax oo kala ah madaxweynaha haatan talada haya Recep Tayyip Erdoğan, Sinan Oğan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka CHP, islamarkaana ah hogaamiye aad loo hadal hayo in uu doorasho adag la galo madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha haatan talada haya Erdogan ayaa wajahayo loolan adag, iyadoo doorashadaan ay ka duwan tahay doorashooyinkii hore ee dalkaasi ka dhici jiray marka laga eego sida ay u midaysan yihiin kooxaha mucaaradka.

Doorashadaan oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashada ugu xiisaha badan caalamka ee sanadkaan 2023, natiijadeedu waxay saameyn doontaa dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida sida ay qabaan qubarada wax saadaaliya.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta carruurta agoonta ciidanka Booliiska

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalk Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa kormeer ku tagay Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee barbaarinta Carruurta.

Wasiirka Caafimaadka iyo Mas’uuliintii la socotay waxaa Xarunta Agoonta Carruurta Booliska ku soo dhaweeyey Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin iyo Sareeyo Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab), Wasiirka ayaa soo indha indheeyey qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Xarunta sida goobta ay jiiftaan, halka ay ku cunteeyaan, goobahooda nasiinada, isagoo ku hakaday qeybta Farmashiyaha Xarunta si uu hubiyo xaaladda goobtaas.

 

Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa uga warbixiyey Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan xaaladda Carruurta Agoonta ee ku jira Xarunta barbaarinta Agoonta Booliska Soomaaliyeed, Wasiirka ayaa daneynayey xogta ku saabsan Caafimaadka Carruurta si loo la socdo xaaladdooda iyo hadii ay jiraan caqabado si looga gudbo.

Wasiirka ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta sidoo kalena  bogaadiyey hogaanka Booliska gaar ahaan mas’uuliinta gacanta ku haysa xaruntan soo saarta Ubaxii dalka, isla markaana lagu koriyo Carruurta Booliska Soomaaliyeed ay ka geeriyoodeen.

TALIYAHA CIIDANKA BOLIISKA OO BOOQDAY GAADIID LOO DIYAARIYAY ADEEG DADWEYNE.

TALIYAHA CIIDANKA BOLIISKA OO BOOQDAY GAADIID LOO DIYAARIYAY ADEEG DADWEYNE.
Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa soo indha indheeyay fulinta qorshihii dib u habeynta Gaadiidka ee Ciidanka Boliiska si ay qeyb uga noqdaan howlaha adeega dadweynaha iyo sareynta sharciga ee Ciidanku ummadda u hayo.
Taliyaha intii uu booqanayay xarunta waxa uu mid mid u dultagay gaadiidka Ciidanka ee dib uhabeenta lagu sameeyay kuwaasi oo loodiyaarinayo in ay qeyb libaax ka qaataan adeeg dadweynaha iyo dib u xoreynta Dalka.

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Hirshabeelle oo maanta kulan la qaatay Hay’addaha Samafalka.

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta kulan la qaatay Hay’addaha Samafalka ee ku sugan Magalaada Beledweyne.
Kulanka Gudiga Fatahaadaha iyo Hay’adaha Samafalka waxaa sidoo kale Aalada fogaan aragga kala soo qeybgalay Hay’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Samafalka iyo arrimaha bini’aadanimada iyagoo ka arrinsaday xaalada fatahaaadaha ee ka jirta Magaalada Beledweyne iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle.
Guddiga Gurmadka Fatahaadaha ayaa tilmaamay in xaalad bini’aadanimo oo daran ay ka jirto Magaalada Beledweyne waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay gurmad qaran si loo samatabixiyo dadka guryahooda ka soo barakacay iyadoo kulankaan uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Dowladda Soomaaliya,oo 9 muwaadiniin ku go’doonsanaa Sudan dalka ku soo celisay.

Dowladda Soomaaliya, ayaa 9 muwaadiniin ah oo laga soo badbaadiyay dagaalada ka socda dalka Suudan ka soo dejisay Muqdisho.

Muwaadiintaan, ayaa ka soo duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay ka soo galeen xuduuda Sudan, muwaadiniintaan oo ah arday wax ka baranaysay dalka Sudan oo iskugu jira rag iyo dumar, ayaa waxaa garoonka Aadan Cusmaan aadan cadde, kusoo dhaweeyay xafiiska Ergayga gaarka ah Madaxweynaha u qaabilsan soo galootiga iyo xaquuqda Carruurta.

Dowaladda federal ka Soomaaliya waxaa ka go’an inaysan waxba la harin inta muwaadinka ugu dambeeya laga soo badbaadinaayo colaadda ka taagan Suudaan.

Taliyaha Boliiska oo booqday qorshaha dayactirka Akademiyada General Kaahiye {SAWIRRO}

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya, Sareye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa booqday qorshaha dayactirka iyo dib u naqshadeynta dhismaha Akademiyada Boliiska ee Sareeye Guuto Kaahiye. Naqshadeynta dayactirka ayaa yimid ka dib markii si is dabajoog ah taliyuhu dib ugu bilaabay hanaanka tababarka dib u habeynta Ciidanka taas oo akademiyadu ay lagama maarmaan u tahay.

Kormeerka ayaa ahaa sidii dhismayaal cusub loogu darilahaa. Maadaama, uu akademiyadu tahay Mid soo Saara Ciidamada Booliska Soomaaliyeed heerarkisa kala duwan oo ka kala yimaada Gobolada iyo Caasimada Dalka.

Madaxweynaha Puntland oo saaka kormeeray Isbitaalka Gaalkacyo {SAWIRRO}

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka kormeeray Isbitaalka Gaalkacyo Medical Center (GMC).
Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee Isbitaalka isagoo warbixin ka dhegaystay Dr Cabdiqaadir Maxamuud Jaamac (Dhegacade) iyo masuuliyiinta kale ee isbitaalka, Madaxweynaha oo muujiyay muhiimada xaruntan Caafimaad ay leedahay, ayaa ku boggaadiyey Masuuliyiinta Isbitaalka shaqada ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed .

Magac walba oo ay noo bixiyeen, maanta iyaga ayaa shalaay jooga (Warbixin).

Bilowgii so ifa-bixida Khawaarijta Al-shabaab, waxay soo saareen go’aanno ah ciddii salaanta ciidanka in la dili doono, go’aankaas ayaa ahaa mid lagu kala fogeynayo isla shaqeynta ciidanka iyo shacabka, taas oo dhabar jab ku noqoneysa argagixisada haddii ay is fahmaan ciidamada iyo shacabka.

Go’aankaas guracan waxay ku dileen dhalinyaro badan oo u hoggaansami waayay amarka Khawaarijta, balse ku dhowaad dhowr iyo toban Sano ka dib, shacabka ayaa ku dhiiraday in ay ka tallaabaan amaradii Al-shabaab ay ku cabsi gelin jirtay.

Waxaana qof kasta uu ogaaday shaxda uu Al-shabaab u isticmaalo shacabka, sidoo kale, waxay u bixiyeen magacyo qalafsan oo ay ku bahdilayaan sumcadda iyo sharafta ciidamada, magacyadaas foosha xun ee Khawaarijta Ku marin habaabin jirtay shacabka waxaa ka mid ahaa calool-uus, Maryo-callas, Gaalo Kalkaal, Mujrim, kaafir iyo kuwo kale oo ka sii xun.

Balse, sanadihii ugu dambeeyay waxay indhuhu ay qabanayeen marka aad booqato baraha Bulshada dhalinyaro ku lebisan dareeska ciidamada. Kuwo kale, oo ku faanaya in ay xirtaan mar un dareeska ciidamada, ficiladaas dhallinyarada ka timid ayaa bilow wanaagsan u noqday isdhexgalka Bulshada iyo ciidanka oo difaac ku kala jiray.

” waxaan u taagan nahay waxay tahay inaan ka dulqaadno dadkan masaakiinta ah ee shacabka Soomaaliyeed aan u dhaaranay inaan mar walba cadowga ka ilaalino, balankeenuna uu ahaa caqabad nama joojin karto, sidaa darteed, waxaan u baahan nahay nimankan Khawaarijta ficilkooda guracan iyo dhaqankooda foosha xun iyo baadda iyo dhaca dadka ku hayaan inaan ka dulqaadno,”.

Xilligan oo ay wariyaasheennu ku sugan yihiin furimaha hore ee dagaalka, ku dhowaad labadii bilood ee la soo dhaafay, bil ka mid ah waxay howdka ku wada qaateen bishii Barakeysneyd ee Ramadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

” Khawaarijtu waa dad naxariis lahayn, dadka waa gumaadaan, anagana meeshan waxaan ugu talagalnay inaan shacabka ka xoreyno, waxaan u soo dhaqaaqnay inaan Diinteenna, Dalkeenna iyo Dadkeennu cadowga ka difaacno,’ ayuu yiri askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta qaranka.

15-maalin oo ka mid ah bishii Barakeysneyd ee Ramadaan, waxa ay lugeynayeen maalintii ku dhowaad 7 ilaa 8-km, iyaga oo sooman, salaadana aan ka tegin, cadceedu oo aad u kulul, gaajana u sii dheer tahay.

Kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab ayaa ugu sheekaya shacabka aan arkin harka Dowladnimada 15kii Sano ee la soo dhaafay in ciidanka Dowladda ay Gaalo yihiin.

” Kuwa Gaalo waa dhahaayo kawaran ma soomaan ma salaadaan, kuwaas Ilaahbaa haleeyay, waa dadkii Nabiga ( CSW), sheegay weeyaan, ninkii dila iyo ninkii ay dilaanba labadaba jannada lagu gelayaa,” ayuu yiri, mid ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka.

Deegaanno badan ayay ka qixiyeen dadkii degganaa, gabdho yar yar iyo hooyooyin u soo aroor tegay ceelasha biyaha deegaannadaas ayay maalin walba caawiyaan ciidanka, balse falcelinta ka imaanayay shacabka ayaa ahayd ” Alle nagama qaado wiilasheenna,”.

Codbixnta doorashada Madaxtinimada dalka Turkiga oo Bilaabatay.

Guud ahaan dadweynaha Dalka Turkiye ayaa manta u dareeray codbixin la doonayo in lagu doorto madaxweynaha iyo xildhibaanada baarlamaanka ee dalkaasi.

In ka badan 64 milyan oo qof ayaa xaqa u leh in ay dhiibtaan codkooda doorashada saaka ka bilaabatay dalkaasi oo la filayo in la so gabagabeeyo manta galinka dambe.

Musharixiinta ayaa la sheegay in haddii aysan heli kala bar codbixinta  wareegga koowaad in 28-ka May la qaban doonaa wareeg labaad.

madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wajahay loolan siyaasadeed oo dhinaca mucaaradka ah,waxaana  arrimaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeynayo doorashada kamid ah dhaqaalaha, dhulgariirrada, , qaxootiga, qiyamka iyo aqoonsiga.

Hay’adaha warbaahinta ayaa la sheegay in laga mamnuucay inay soo sheegaan natiijooyinka qayb ahaan ilaa laga qaado xayiraadda maanta galinka dambe.