Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo lagu qabtay Baydhabo

Date:

Kulan ciyaareed xiiso badan oo lagu soo dhaweynaayo Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud looguna diyaar garoobayo tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa dhex maray kooxaha BCC iyo Baydhabo

Daawashada ciyaartaan ayaa waxaa ka qeyb galay kumanaan qof oo masuuliyiin iyo shacab isugu jira.

Ciyaartan xiisaha leh oo la isla gaaray Gool-ku laadyo ayaa waxaa ku guulaystay kooxda BCC iyadoo Wasiir Maxamed Barre Maxamuud uu wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Koonfur Galbeed mudane Salmaan Cali Ku Boggaadiyay abaabulka iyo diyaar garowga intaas le’eg ee muddada kooban lagu sameeyay.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha dowladda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa goob joog ka ahaa daawashada ciyaartan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...