Jubaland oo gargaar gaarsiisay Shacabka Degmada Afmadow ee waxyeeladu ka soo gaartay Roobabka

Date:

Dowlad gobolleedka Jubaland ayaa gargaar isugu jirta Daawooyin,Raashin,Doomo iyo bacaha Roobka la isaga dhigo gaarsiisay Shacabka ku nool Degmada Afmadow ooay saameeyeen Fatahaadihii Roobabkii ka da’ay Deegaanada Jubaland.

Gargaarkan ayaa waxa Deegaanka Gaarsiiyey Xildhibaanada Golaha shacabka iyo Senotarada Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay degmada Afmadow.

Xildhibaanada ayaa waxa gargaarka kala wareegay taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow Gaashanle dhexe Mahad Maxamed Islaam waxaana uu uga mahadceliyey madaxwaynaha Jubbaland iyo waliba xildhibaanada gargaarka ay soo gaarsiiyeen dadka danyarta ah ee Degmada Afmadow.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...