Home Blog Page 382

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo markii u horreysay bixisay shahadaada amniga diyaaradaha

0

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa guddoonsiisay shirkadda Freedom Airlines oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka shahaadada barnaamijka amniga (Airline Security Programe) , kaddib markii ay shirkadda buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa shahaadada ku wareejiyay maamullaha Freedom Airlines ee Soomaaliya,Mudane Mukhtar Xaamud.

“ Maanta waxay noqonaysa Freedom Airlines, markii u horreysay ee shahaadadan lagu guddoonsiinayo,kaddib markii la mariyay nidaamka barnaamijyada amniga hawl-wadeennada diyaaradaha si waafaqsan barnaamijka amniga duulista rayidka qaranka,taasoo ay ka soo shaqayeen saraakiisha xafiiska amniga iyo fududaynta duulimaadka ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.” ayuu yiri maareeyaha guud HDRS, Mudane Axmed Macallin.

Shirkadda duulimaadyada Freedom Airline, oo noqonaysa shirkaddii u horreysay ee la siiyay shahadada amniga, ayaa sidoo kale horey u ahayd shirkaddii u horreysay ee qaadatay taargada duulimaadka Soomaaliya ee SIX OSCER (6O), bishii Ferbruary ee sannadkii 2021.

Madaxweyne Xasan: Soomaaliya waxaa cuno qabataynta hubka laga qaadi doonaa bilowga bisha December

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay hiigsiyada qaran ee ay dadaalka ku bixisay dowladdu, kuwaas oo ay ugu horreyaan cafinta deynta lagu leeyahay dalkeenna, qaadista cunaqabateynta hubka, aqbalaadda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo xoreynta deegannada ku jira gacanta argagiiixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa laga guul gaarayo arrimaha inta badan la xiriira dibadda iyo beesha caalamka, maadaama la hagaajiyey xiriirka iyo diblumaasiyadda dalkeenna, balse looga fadhiyo dadka Soomaaliyeed in ay ka libin keenaan qorsheyaasha u gaarka ah ee ku aaddan dhammeystirka dastuurka, xoreynta dalka iyo nabadda.

“Baarlamaanka Soomaaliya markii uu ansaxiyay shurrucdii loo baahnaa waxaa ka dhashaa in dhawaan deynta la cafiyo iyo cunaqabateynta hubka oo nalaga qaadayo. Dib u eegista dastuurkana waxaa ka dhalan doona Soomaaliya oo loo arko dal iska jaray dabarkii, haddii aan ku guuleysanno dhammeystirka adduunka waxaan noqonaynaa dal ay u dhammeystiran tahay qarannimadiisu, adduunyaduna ay sidaas ula macaamisho.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado nolasha dadka Soomaaliyeed, cirib-tirka saboolnimada iyo daminta colaadaha sokeeye.

“Afartii bilood ee ugu dambaysay waxaa dakhliga gudaha uu kordhay 25%, tani waxaa ay ku timid hawl hufan oo la qabtay, waxaana ay sababtay in miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2024 ay gaarto in ka badan hal bilyan oo dollar. Dowladnimo waxay ku jirta sharci, haddii sharcigu daciif yahay ama aan la dhaqan-gelinayn dowladnimo waa adkaanaysaa”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay dadaal badan gelisay xasilinta dalka, colaadaha iyo kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada, iyada oo la ilaalinayo midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, waxa uuna baaq nabadeed ka diray khilaafka doorashooyinka ee ka taagan Soomaaliland iyo Puntland.

Taliska Ciidanka Boliiska waxaa uu ogeysiinayaa dhamaan, dadka dagan dhulkii dab-damiska yo Hoggaanka Dhismaha Ciidanka Boliiska ee Degmada Wadajir in ay uga guuraan mudo 2 bilood ah

0

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxaa uu ogeysiinayaa dhamaan, dadka dagan dhulkii dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Ciidanka Boliiska ee Degmada Wadajir, ka soo horjeedka 6-piano una dhaxeysa siliga Mareykanka iyo Isbitaal Banaadir ee dhinaca midig ka saaran jidka nasteexo aada ee Isbitaal Madiina hormara, in ay uga guuraan mudo 2 bilood ah, oo ka bilaabaneysa 25-ka November 2023 kuna eg 25 January 2024. Si xarumahaas loogu qabto adeegyadii danta guud ee ay Bulshada Soomaaliyeed u hayeen oo baahi weyn loo qabo xiligan oo ay khataraha dabku galaafteen naf iyo maal badan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa maanta ka qayb galay furitaanka kala fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa, maanta ka qayb galay furitaanka kala fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu furay Madaxwaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka 11-aad ee jamhuuriyadda federaalka soomaaliya oo maanta si rasmi ah u furmey

0

Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabad ka dhacday Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada Guddoomiye.

Guddoomiyahaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad ka hadleysa waxqabkii kalfadhiyadii 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu kaga hadlay ammaanka guud ee dalka, dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaariijta oo meel waanagsan maraya, isla-markaana ay ku nafwaayeen halyeeyo badan oo qaranka muhiim u ahaa, waxaana uu sheegay in ay ku dhaawacmeen Xildhibaan Cabdisaalan Libaan Dhabancad, iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybiid, iyadoona dagaalka inta uu socday Khawaariijta laga saaray degaano badan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faafahiyay safaradii uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Taliyaaniga, si loo sameeyo xiriir cusub oo horumar u ah hannasnka geedi socodka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dulmar kooban ku sameeyay shuruucdii la ansixiyay intii uu furnaa kalfadhiyadii la soo dhaafay, sidoo kale waxaa uu xusay in May 29-keedi uu Guddiga La-socodka Dib u Eegista Dastuurka ay soo gudbiyeen habraaca iyo waxka bedelka dib u eegsista Dastuurka. Sidoo kale Guddoomiyaha oo ahmiyada kowaad siinaya bulshada kala duwan ee ku nool dalka ayaa waxaa uu ka hadlay fataahada iyo daadadka ka dhashay roobkii weynaa ee ka da’ay degaano badan oo ka mid ah dalka gudihiisa, isagoona Golaha hortooda ka sheegay in dadkaas Soomaaliyeed loo gurmado waxna loo qabto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gunnaanadka munnaasabada furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee Baarlaanka 11-aad ee BJFS khudbad ka jeediyay ayuu kaga hadalay arrimaha ammaanka, xasiloonida darada siyaasadeed ee dalka uu soo maray, isagoona ku horumaray dadaadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada dalka, ayna ku barakacaan qoysas kala duwan ee Soomaaliyeed, waxaana uu ganacsatada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ku boorriyay inay garab siiyaan dadkaas. Madaxweynaha ayaa ammaanay ciidanka qalabka-sida oo naftooda u huray adkeynta iyo xoojinta amniga, sidoo kalena shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in la la taakuleeyo lana tageero Ciidanka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa uu dul istaagay arrimaha deyn cafinta, cunaqabateynta hubka, kororka miisaaniyadda sanadkan, tababarka macalimiinta Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doona guud ahaan goobaha waxbarashada ee dalka, dardar gelinta caafimaadka, hagaajinta garsoorka iyo cadaalada dalka, ku biiritaanka Ururka Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika, waxaa uuna sheegay in Soomaaliya dadaal ugu jirto ka mid noqoshada Holaha Amaanka QM. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay wax ka bedelka iyo dib u eegista dastuurka.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa qaabilay Maamuliyaasha Iskuulada ku yaala Magaalada Baydhabo oo kala hadlay sidii Iskuulada looga dhigi lahaa Af Maayga.

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ka duulaya Dardar-gelinta Hormarinta Af Maay ayaa qaabilay Maamuliyaasha Iskuulada ku yaala Magaalada Baydhabo oo kala hadlay sidii Iskuulada looga dhigi lahaa Af Maayga.

Kulanka Qaabilaada Madaxweynaha waxaa ku wehlinayey Wasiirka Waxbarashada, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Qoriyaasha Af Maayga.

Wasiir Daa”uud Aweys: Waxa qormaysa Taariikh Cusub

0

hadal qoraalka wasiirka warfaafinta xfs mudane Daud Aweis  ee ku aaddan ansixinta ku biiritaanka soomaaliya ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga africa EAC

Taariikh cusub ayaa u qormeysa. Shir Madaxeedka 23-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxaa uu magaalada Arusha ee dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ku ansixiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah xubin uga noqoto ururka, noqotana xubintii 8aad ee urur goboleedka.

Marxaladdan muhiimka ah ,waxa ay daliil u tahay dedaalka hagar la’aanta ah ee uu muujiyey madaxweynaheenna Dr Xasan Sheekh Maxamud oo fulinaya qeyb ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda ee ‘’Somali dunida iyo deriskeedaba heshiis la ah’’, iyo weliba dadaallada adag ee ay dowladeena iyo shacabka Soomaaliyeed gacanta uga wada geysteen ka mira dhalinta gaarista hadafkan.

Go’aanka ah in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto ururkan sharafta leh waxa ay muujinaysaa sida wadajirka ah ee madaxda iyo shacabka Bariga Afrika uga go’an tahay kobcinta horumarka, xasilloonida, iyo iskaashiga gobolka.

Runtii waxaa sharaf iyo qadarin mudan kalsoonida iyo taageerada ay na siiyeen dowladaha xubnaha ka ah ururkan. Inagoo og in xubin ka noqoshada ururkan ay ka ratibmeyso waajibaad iyo door waxqabad, ayaa waxaan caddeynayaa inaan diyaar u nahay inaan gudano mas’uuliyadda inooga aaddan, isla markaana aan ka dhex muuqano sameynta go’aamada masiiriga ah ee gobolka Bariga Afrika.

Waxaa naga go’an inaan la imaano wax-qabad wanaagsan oo macno leh kaas oo Somalia ka sokow ay ka faa’iideysan doonaan guud ahaan dadyowga gobolka, inagoo raaceyna nidaam la isla oggol yahay oo danaha Somalia ay si weyn uga muuqdaan.

Waxaan aaminsanahay in haddii la helo iskaashi, isfaham iyo wadashaqeyn, inaan si wadajir ah u gaari karno xasillooni iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaankeenna. Si wadajir ah, waxaan uga shaqeyn doonnaa mustaqbal ifaya oo barwaaqaysan oo waxtar u leh dhammaan dadyowga gobolka ku nool.

Waxan u mahadcelinaynaa Dowladda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania oo si maqam sare leh noogu soo dhoweysay magaalada Arusha, iyo dhammaan madaxda kale ee ururka ee go’aankaan taariikhiga qalinka ku wada duugay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka JFS

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 1-aad ee labadda Gole Baarlamaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan ayaa Golaha Baarlamaanka u jeediyey khudbad dhinacyo taabaysa taas oo nuxurkeedu ahaa gulufka dagaal ee dowladdu ku qaaday kooxaha khawaarijta kaas oo guul weyn laga gaadhay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa ku nuux nuuxsaday in la joogo wakhtigii uu qabyada ka bixi lahaa lana dhamaystiri lahaa Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in bilowga ilaa dhamaadka Bisha December Soomaaliya ku guulaysan doonto in laga qaado Cuno qabataynta hubka sidoo kale na uu soo dhammaado mashruuca dayn cafinta oo si dhamaystiran looga cafin doono Soomaaliya daynta.

Madaxda Dalal EAC oo ugu hambalyeey Dowladda Soomaaliya ka mid noqoshadda Ururkan

0

Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa ugu hambalyeey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka mid noqoshada Urur goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo ay shalay si buuxda Soomaaliya xubin uga noqotay.

Madaxweyneyaasha iyo Madaxda kale ee dalalkan ayaa Ku hambalyeey daddaalka dowladda Soomaaliga ku bixisay ka mid noqoshadda ururkan oo muhiim u ah Bulshada ku nool gobolkan.

Ururkan ayaa dalalka ku midaysan waxay wadaagaan Socdaalka,ganacsiga iyo iskaashi buuxa oo dhanka horumarka ah.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hambalyo u diray Shacabka iyo Madaxda Qaranka Soomaaliyeed.

0

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, oo ka qeyb galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa hambalyo u diray Shacabka iyo Madaxda Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Museveni, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud taas oo ku aaddan ku biirista Soomaaliya Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Africa.