Home Blog Page 382

Maxaa suurta geliyay isbeddelka caasimadda iyo ka hortaggga weeraradii Khawaarijta? (Warbixin).

Weeraradii ay argagixisadu ka geysan jirtay Muqdisho oo bilihii la soo dhaafay aad u yaraaday, ma ahayn howl aad u sahlan oo iska timid, balse waxay ku timid dadaal iyo juhdi xoog leh oo ay wadajir u muujiyeen ciidamada qaranka, kuwaas oo hurdo iyo nasiino ka doorbiday in ay shacabka nabad ku hurdaan.

” Wada-shaqeynta ciidamada amniga hay’adaha ammaanka runtii oo waagii hore gaab ku kala jiri jiray, haddana sidaad la socotaan ciidamada ammaanka haddii ay ahaan lahayd Boolis,Nabad sugid iyo Boolis-Militaro si wadajir ah u wada shaqeeyaan, hal meel ayay ka wada Amar qaataan,halkii sarkaal ee u yimaadana oo ciidamada ka mid ahna ka wada Amar qaataan, hal commender ayay leeyihiin, madaxda dalka oo uu madaxweynuhu ugu horeyana nagu hageyso in cadowga ummmadda Soomaaliyeedna si wadajir ah loola diriro,taas oo laga dhabeeyayna waxay dhabar jab ku noqotay Khawaarijta iyo xogta oo shacab iyo ciidanba wadaagaan,” ayuu yiri taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee dadku cibaadeystaan, waxay Khawaarijtu u ahayd bartilaameed gaar ah oo ay ku kordhiyaan daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeded.

Laakiin, Bishii Ramaadaan ee ugu dambeysay wa ay ka duwaneyd bilihii hore.

” Waxaan kale oo aan ka mahad-naqeynaa, Ramadaankii oo si sharaf leh ku soonay, taasi sacab laguma qarin karo, 100%-na waa ka mahad-naqeynaa, 17ka marka la gaaro Beder waa iyo biyo ayaa uruursan jirnay iyo raashiin, sanadkan ma dhicin marka taas oo mahad-naqa koowaad, ” ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku diirsaday neecowda nabadda ee ka jirta Muqdisho.

” Amniga Muqdisho laga dareemay bishii Ramadaan, waxay ahayd howl la wada qabtay, laakiin sida Duniyo u sheegtay ciidamadeenna qabtay, gaar ahaan dhallinyarada soo jeesatay ee doonaya in ay dalka hagaajiyaan, haddii maalin walba lagu hey jiray ciidamada waa xun yihiin jidka ayay isbaaro dhigtaan, dadka ayay qash-qashaadaan,dadkey handadaan, maanta waxa waaye, mataal fiican ayay u yihiin,” ayuu yiri madaxwynaha JFS.

Wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka sida Booliska, nabad-sugidda iyo ciidanka gaar ah ee Boolis-Militaro, ayaa dhexda u xirtay in ay ka hortagaan qorshe kasta oo Khawaarijta ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay natiijada ka dhalatay wada-shaqeynta ciidamada amniga iyo shacabka ayaa yiri ” Waa markii ugu horeysay ama koowaad oo ay timaado, Militari,Boolis iyo Nabad-sugid  wada shaqeynaya si dhab ah oo habeen iyo maalin u taagan, waaxay inoo dhashay natiijo cusub oo aan hore loo arag oo ah shacab iyo ciidan isku faraxsan oo gacamaha is haysta oo habeenkii soo wada jeeda oo wada shaqeynaya, natiijadan ayay keentay”.

Dadaallada ciidanka Dowladda ee u taagan ilaalinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayaa hoos u dhigay weeraradii iyo ficiladii Khawaarijtu ay ka geysan jireen caasimadda Muqdisho.

Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka ayaa shaacisay 70%, waxaa hoos loo dhigay falalkii amni-daro ee Khawaarijtu ay ka geysan jirtay magaalada Muqdisho.

” Wasaaradda amniga gudaha waxay soo bandhigeyaaa Dikumenti ku saabsan hoos dhac 70% ah ayaa ku yimid, dhacdooyinkii Khawaarijta, saddexdii bil ee Febraay, Maarso iyo April,isbedelka falalka Khawaarijta waa Febraayo oo 49 ahayd ilaa April 16 noqotay, haddaba hoos u dhaca waa 67%, waxaa ka dhihi karaa boqolkiiba waxay falalka Khawaarijtu hoos u dhaceen 70%,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga gudaha XFS.

Ciidamada amniga oo kaashanaya xogaha ka soo gaaraya dadka shacabka ah ayaa ku guuleystay in ay xakameeyaan falalka guracan ee Khawaarijtu shacabka Muqdisho ku dhibaateyn jireen, waxay ugu tageen gododka iyo xarumaha ay kaga dhuumaaleysan jireen deegaannada duleedka ka ah caasimadda dalka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa bur buriyay fariisimihii lacagaha baadda ah ee argaguxisadi uga qaadi jirtay ganacstada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaas oo hadda si nabad oo cabsi la’aan ah u ganacsado,islamarkaana u hoggaansamay amarkii Dowladda ee lagu cunaqabateeyay dhaqaalaha Khawaarijta iyo baaddii ay uruursan jireen.

Maxkamada gobolka Baay oo xukun dil ah ku fulisay laba nin oo hore dilal u geystay

Maxkamadda gobolka Baay ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo hore dilal u geystay.

Raggan ayaa lagu kala magacaabaa Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Fagaaraha toogashada Magaalada Baydhabo ayaa saaka looga oofiyay qisaastii dilkii ay geesteen.

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta ka wadahadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka Khawaarijta kadib kulan ay ku yeesheen Kenya.
“Waxaan ka wada hadalnay doorka hogaamineed ee CXDS ee Howlgaladda socda iyo in ay naga caawin doonaan tababaradda heerka sare ee CXDS” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga XFS.
Wasiirka ayaa sidoo kale dhigiisa Kenya uga mahad naqay kaalinta Kenya ku leedahay la-dagaalanka Argagixisada maadama ay kamid yihiin howlgalka Midowga Afrika iyo dalalka safka hore.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay safiirka Ingiriiska

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahan Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka cusub Boqortooyada Dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis.
Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha Ingiriiska Mudane Mike Nithavrianakis oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, ayaa sidoo kale kullanka waxaa looga hadlay sidii Dowladda Ingiriiska ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in dowladda Ingiriiska ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka, iyadoo wadanka ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed. Dhanka kale waxay kawada hadleen arrimaha ilaalinta xasiloonida dalka, iyo xoojinta ladagaalanka khawaarijta.

Wasaaradda deegaanka oo Kalluun ku wareejisaywasaaradda amniga

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada xukumadda Federaalka Soomaaliya marwo Khadiija Maxamed Makhsuumi ayaa hal tan oo kalluun ah ku wareejiyey wasiiru dowlaha wasaaradda amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa si loo sii dhiirragalleyo Ciidankeenna.

Maxamed Cali Xagaa wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ayaa ka mahadceliyey deeqda wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Taliska qaybta guud Booliiska Gobolka Benaadir, iyadoo laga duulayo go’aankii xukuumadda ee ahaa in ay wasaaraduhu taageeraan ciidamada qaranka ee har iyo habeen u taagan in ay dalka ka difaacayaan cadowga.

Sidoo kale, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waxay ugu talogashay taageeradaan in ay ku dhiirrageliso bulshada Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan kheyraadka dalka, si gaar ahna muhiimad loo siiyo kalluunka oo dalkeennu hodan ku yahay.

Waxqabadka dowladda Soomaaliya ee todobaadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Dooxa kulan kula yeelanaya Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhoweeyay qaraarkii Golaha Wasiirada ee maareynta hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka qeybgalaya wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shirka heerka sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhalinyarada ku booriyay inay door weyn ku yeeshaan siyaasadda dalka, xilli uu ka hadlayey munaasabadda xuska Maalinta Dhalinyarada ee 15 May.

Madaxweynaha, Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha XFS iyo mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Maalinta 15 May ee dhalinyarada.

Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyey Qaraarka Adkeynta Hufnaanta Maareynta Maaliyadda ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabi Barre ayaa kulan sagootin ah la qaatey Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Adam Abdelmoula oo waqtigii uu dalka ka hawlgalayey uu soo dhammaadey.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo booqasho ay ku qiimeyneyso khasaaraha fatahaadda Wabiga Shabeelle ku tagtey magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho uga warbixiyay xaaladda siyaasadda, amniga, xasilinta, barnaamijyada horumarinta iyo fatahaadihii Webiga Shabeelle iyo dhibaatooyinka ay geysteen.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daahfuray barnaamijka hannaanka hubinta tayada badeecadaha oo lagu hubinayo tayadooda ka hor inta aanay dalka soo galin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka u sharaxay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee dib-u-dhiska iyo hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka oo hadda meel wanaagsan maraya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac u geystey xubno ka tirsan Khawaarijta Al Shabab, kadib weerar ay ku qaadeen goobo ay argagixisadu ku dhuumaaleysanaysay oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya.

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Sacuudi Caraabiya ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Sanduuqa ku leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dagaalka lagula jiro musuqmaasuga, lana qaadayo talaabooyin adag oo dalka looga suulinayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay dafiirka cusub ee Dowladda Britain u soo magacawdey Soomaaliya, Amb. Michael Nithavrianakis.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dalka Switzerland kaga qeyb galay shir la xariira sidii xal loogu heli lahaa dadka ay abaaraha, colaadaha iyo cunto yarida barakaciso.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay la fuliyeen Degmada Aw Dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay 5 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Alshabaab.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda nootaayada dufcadda saddexaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Garyaqaan Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay heshiis iskaashi farsamo ee saddex-geesood oo ka dhexeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka, Hay’adda Horumarinta INTOSAI (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Guud ee Afrika ee ku hadla Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweeynaha u qaabilsan arrimaha Soo Galootiga iyo Xuquuqda Caruurta Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf oo Sweden kaga qeybgashey shir looga hadlayey tahriibka oo ay soo qabanqaabiyeen Midowga Yurub.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay dacwadda shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE taas oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho.

Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey furista xuduudda labada dal iyo xoojinta iskaashiga labada dal sida ganacsiga, iskaashiga amniga iyo duulimaadyada.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Abdirizak Omar Mohamed oo London uga qeybgalaya Shirka Tamarta iyo shidaalka Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isagoo ka qeybgalaya hordhaca Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta.

Kulan looga hadlay Wadashaqeynta Boliiska iyo Garsoorka oo Muqdisho lagu qabtay {sawirro}

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadeen masuuliyiinta Garsoorka iyo Boliiska oo looga hadlayay Xaalada Guud ee Cadaalada Dalka Gaar ahaan Caasimada, Maadama howlgallo Joogta ah ay ka socdaan guud ahaan dalka iyo Wadashaqeynta Garsoorka iyo Boliiska ee nidaamka Cadaalad marinta dalka.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyay qaban qaabada shirweynaha Dhalinyaradda Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ay qaban qaabadiisa wado, hadalkan ayuu Madaxweynuhu ka jeediyay munaasabadda xuska 80 guuradii aasaaskii SYL oo ay qabatay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha ayna ka soo qayb galeen in ka badan 1000 dhallinyaro ah iyo masuuliyiinta goleyaasha kala duwan ee dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS ayaa dhallinyarada uga jawaabay su’aalo la xiriiray fursadaha dhallinyarada iyo caqabadaha jira, waxaana dhallinyaradaas ka mid ahaa kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo iyagana ay wasaaraddu ku marti qaaday munaasabadda.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday in dowladdiisu ay muhiimad gooni ah siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed isagoo ku ammaanay kaalinta ay ku leeyihiin halganka dib u xoraynta dalka.

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa furmi doona 20 bishan wuxuuna socon doonaa saddex maalmood, waxaana lagaga doodi doonaa qadiyadaha muhiimka ah ee horyaala dhallinyarada Soomaaliyeed.

Safiirka JFS ee India oo dalka Bangladesh kulan kula qaatay ardayda Soomaaliyeed.

Safiirka Safaaradda JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa magaalada Dhaka ee caasimadda dalka Bangladhesh, kulan kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi wax ka barata.
Kulanka Safiirka iyo ardayda ayaa ugu horreeyn waxaa halkaasi soo dhaweeyn lagu maamuusay Safiir Axmed oo hawlo shaqo halkaasi u joogay, is-xog wareysi iyo isbarasho laba dhinac ah ka dib waxaa la guda galay ajendaha kulanka.
Ardayda wax ka barata dalkaas ayaa warbixin guud ka siiyay Safiirka xaaladda ardayda iyo heerarkooda waxbarasho, sidoo kale waxaa ay lawadaageen caqabadaha jira iyo sidii ay Safaarad ahaan ku xalin karaan maadaama ay meesha ka maqanyihiin adeegyo badan oo dowladeed, islamarkaana adeegyadaasi hadda qaarkood ay ka helaan Safaardda Soomaaliya ee dalka Hindiya.
Safiirka ayaa u sheegay ardayada in ay wadaan dadaalo sidii ay wada shaqeyn dhaw uyeelan lahaayen ardayda dalka Bangladhesh iyo Safaaradda oo marar kale duwan wada shaqeyn dhex martay ardayda wax kabarata dalkaas iyo Safaaradda Soomaaliya dalka Hindiya, Safiirka ayaa dhanka ardayda u sheegay in tabashooyinkooda uu uxalin doono ayna heli doonan dhammaan adeegyada ay uga baahanyihiin Safaaradooda.
Dhanka kale Safiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay ka mira dhaliyaan dadaalkooda waxbarasho iyo midkii ay waaliddiintooda ku bixiyeen si ay usoo gaaran heerarkaan kala duwan ee waxbarashada, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay in ay midoobaan ayna ilaaliyaan midnimadaas waxbadanna ay iska kaashadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka Maajo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka Maajo oo ku beegan curashadii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aas-aaskii xisbigii Leegada (SYL) uu Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbannaanida ay maanta ku faanayso, taas oo ay dhiiggooda u hureen halyeeyo Soomaaliyeed oo u istaagay in ummadda ay ka kor qaadaan heeryada gumeystihii arxanka darnaa.

“Dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in laga dulqaado heeryadii Gumeysiga waxa ay ku sifoobeen isku duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaaladda, dhallinyaradaas waxay baal-dahab uga qoran yihiin sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhallinyarada Soomaaliyeed doorkooda ku aadan dowlad-dhiska dalka, isagoo ugu baaqay in ay sii xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan xoreynta, dib u dhiska dalka, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee ummadda Soomaaliyeed ka hortaagan horumarka dalkooda.