Dowladda Shiinaha oo deeq lacageed guddoonsiisay hay’adda SoDMA

Date:

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya H.E Fei Shengchao ayaa maanta ku wareejiyay Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle kaalmo lacageed oo gaaraysa Boqol soddon iyo sagaal kun, saddex boqol toban iyo siddeed, afartan iyo shan Sent , (139.318.45$), taas oo billow u ah deeqo kala duwan oo dowladda Shiinaha ku garab istaagayso shacabka Soomaliyeed ee fataahaduhu saameyeen.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Ambassador, Fei Shengchao ayaa sheegay in Dowladdiisu ay mar walba garab taagan tahy shacabka Soomaaliyeed ee xaladdan adag ku jira, isagoo sheegay in gargaar iyo taakula kalana ay dhowaan billaabi doonaan, kana qayb qaadan doonaan dhismaha kaabayasha ku bur buray roobabka iyo dhismaha biya xireenno.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo khudbad kooban ka jeeday munaasabadda la wareegidda lacagta ayaa u mahadceliyay shacabka, dowladda iyo safiirka Shiinaha u qaabbilsan Soomaaliya isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo aysan ahayn markii ugu horreysay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday dowladaha caalamka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee isugu darsantay fataahadaha iyo colaadaha muddada dheer ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...