Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka damqadey hooyo Soomaaliyeed oo loo heysto qaan lacageed ayaa maanta bixiyey qeyb ka mid ah lacagta

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka damqaday xaalada Xaawa Cabdullaahi Nuur oo ah hooya Soomaaliyeed oo xaamila ah islamarkaana loo heesto qaan lacageed oo dhan 52,000$ islamarkaana muddo dhowr bilood ah ku xirneed xabsi ku yaala degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta bixiyay lacag dhan 20,000$ (Labaatan kun oo dollar) oo uu ugu talagalay bixinta qeyb kamid ah qaanta lacageed ee loo heesto Hooyo Xaawa.

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale xabsiga Gurceel kasii daayay Hooyo Xaawa, kadib codsi uu udiray Guddoomiyaha degmada Gurceel Mudane Farax Cabdi Macalin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...