Home Blog Page 369

Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka xakameynta hubka sharci darada marwo mako maxamuud mouse ayaa galmudug ugu hambalyeysay ansixinta sharciga xakameynta hubka

Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa Baarlamaanka Dowladda Galmudug ugu hambaleyeysay ansixinta sharciga xakameynta hubka.

“Sharcigan ayaa muhiim u ah in la xakameeyo hubka aan sharciyeesneen ama aan ku jirin gacanta dowladda, waxaana tallabadan ay  qeyb ka tahay  aragtida Madaxweyne Hassan Sheekh ee ku aaddan in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka ‘monopoly of violence’ si loo hirgaliyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Mako Maxamuud Muuse.

Dhanka kale waxa ay tilmaamtay Lataliye Makko in tallaabadan ay soo dedejin karto dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabatayna hubka taas oo lafdhabar u ah la daallanka Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xfs Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran oo lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah xoreynta iyo xasillinta dalka, Cunaqabaynta Hubka iyo qorshaha dhimista Ciidanka ATMIS.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyey qabyo-qoraalka heshiiska mamnuucista tijaabinta hubka halista ah ee Nukleerka iyo Xeerka Amniga Hoteelada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha Adeegga Bulshada.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, warbixin la xiriirta halka uu marayo qaadista cunaqabataynta hubka iyo qoondeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Maamul Goboleedyada, gaar ahaan ciidamada amniga ee la geynayo deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.

Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir  oo ay wehliyaan wasiirada waxbarashada ayaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir  oo ay wehliyaan wasiirada waxbarashada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug,

halkaas oo labada maalmood ee soo aaddan uu ka dhacayo shir wadatashi ah oo ku saabsan waxbarashada dalka.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Galmudug, masuuliyiin iyo qeybaha Bulshada.

Wafdigan ayaa ujeedkoodu yahay in ay ka qeyb galaan shirka Wada-tashiga Arrimaha Waxbarashada oo dhawaan ka furmi doono Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Joose

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Joose halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiir Fiqi ayaa Kismaayo ka furay Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.  

La-taliyaha Madaxweynaha JFS oo bogaadisay ansixinta Sharciga la dagaalanka hubka Sharci darrada ah oo Galmudug ansixisay

Lataliyaha Madaxweynaha JFS Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa Baarlamaanka Dowladda Galmudug ugu hambalyeysay ansixinta sharciga xakameynta hubka.

“Sharcigan ayaa muhiim u ah in la xakameeyo hubka aan sharciyeesneen ama aan ku jirin gacanta dowladda, waxaana tallabadan ay qeyb ka tahay aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka ‘monopoly of violence’ si loo hirgaliyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Mako Maxamuud Muuse.

Dhanka kale waxa ay tilmaamtay Lataliye Makko in tallaabadan ay soo dedejin karto dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabatayna hubka taas oo laf dhabar u ah la daallanka Argagixisada.

Dhawaan ayey aheyd markii mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Galmudug ay Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Xakameynta Hubka Galmudug oo ay horay ugu soo gudbisay Wasaarada Amniga Gudaha Galmudug Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmad Macalin Fiqi oo gaaray Kismaayo

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Joose halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiir Fiqi ayaa Kismaayo ka furay Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuc ku saabsan horumarinta Caafimaadka Hooyadda iyo Dhallaanka

0

Wasiirka wasaaradda Cafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu horumarinayo helitaanka caafimaadka hooyada iyo dhalanka oo tayo leh oo loogu talagalay dadka nugul iyo dadka kuso barakacay gudaha dalka.

Daahfurka Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka socday hay’addaha deeqaha bixiya.

Ujeedka mashruucaan ayaa ah in wax laga qabto baahiyaha daryeelka cafimaad ee muhiim u ah bulshooyinka nugul, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen barakaca iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Galmudug oo soo xiray shir looga hadlayey hergalinta nimaadka Dowladnimada loo dhan yahay oo ka socday Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray shir muddo laba maalin ah ka socday caasimadda Dhuusamarreeb, oo looga hadlayay sida deegaannada Dowladda Galmudug uu uga hirgalay nidaamka Dowladnimada loo-dhanyahay, ayna soo qaban qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD.

Shirka oo diiradda lagu saaray taabbagelinta nimaadka Dowladnimada loo dhanyahay ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo qaban qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD, waxaana ka qeybgalay labadii maalin uu socday xildhibanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka socday labada gale Galmudug. Madaxweyne ku xigeenkaGalmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaana magaalada Dhuusamarreeb ka furay shirkan labo maalin ka hor.

Muqdisho-Somalia

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo furtay wejiga labaad ee shirka Diyaarinta qorshaha Warbaahinta Qaranka

0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Maanta Daahfurtay Wejiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka Ee Warbaahinta iyo Wada-Xiriirka Oo ay ka qeyb galayaan Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqankan iyo Dalxiiska ayna ka soo qeyb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta DFS, mas’uuliyiin isagu jirtay Agagaasimeyaasha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Gobolleedyada, Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha waaxyaha Warfaafinta XFS iyo Khuburro fududeynaya shirka.

Shirkan Wadatashiga ayaa mas’uuliyiinta ka qeyb galaya maanta ay kaga doodayaan muhiimadda iyo Baahida loo qabo xafiiska mideynta Warbaahinta Dowladda si loo helo Xafiis loo dhanyahay oo ka shaqeeya fariimaha Dowliga oo sugan, xafiiskaasi oo loo soo gaabiyo GCO si looga baxo wararka ay baahinayaan xafiisyada hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir wararka iska hor imaanaya ee ka soo baxa xafiisyada DFS.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa furay Wejiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka Ee Warbaahinta Iyo Wada-xiriirka Dowlad Gobolleedyada Iyo Gobalka Banaadir ayaa u faahfaahiyay ka qeyb galayaasha muhiimadda Shirka isagoo u rajeeyay in ay ka soo bixi doonaan wax u wanaagsan Dalka.

Madaxweynaha Hirshabelle oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobalka Hiiraan

0

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Isagoo Xilkaas u Magacaabay Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).