Danjiraha JFS u fadhiya Midowga Yurub oo kulan degdeg ah isugu yeeray jaaliyadda Yurub
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargalinaya howgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda.
Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud ee Galmudug ayaa la xariira dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii dib loo doortay ku dhawaaqay dagaalka ballaaran oo ka dhan ah cadowga khawaarijta ayaa saldhiggiisa ugu weyn ee uu dagaalka ka hoggaaminayo ka dhigay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, waxanna tan iyo markaas ciidamadda xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda deegaanka ay maleyshiyada shabaab ka xoreeyeen degmooyin iyo magaalooyin badan oo ay shacabka ku dhibaateynayeen.
Goordhow ayuuna Madaxweynuhu ka dagay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu ka hoggaamin doonoo dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjirayaasha dalalka Hindiya, Czech, Jaban iyo Jaamacadda Carabta.

KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.
KULANKA XOGHAYAASHA BAARLAMAANKA CARABTA OO TAAGEERAY MADAX BANAANIDA DHULEED EE JAHMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa maanta ka qeybgalay shirka Golaha fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Kulanka Xoghayayaasha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Axmed Bin Naasir Al Fadaala, iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Dr Axmed Manaac. ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Guddiga waxaana looga hadlay mudeynta kulanka guud iyo Ajendayaasha hortabinta u leh Hay’adda Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta.
Sidoo kale kulanka guddiga fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta ayaa waxaa looga hadlay arinta Falastiin iyo Xadgubka Dowladda Itoobiya ay kula kacday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ayna isla qaateen in la garab istaago dowladda iyo shacabka soomaaliyeed, difaaca midnimada iyo qaranimadda Soomaaliya.

duqa mugdisho oo laamaha amniga kala hadlay dhibaatadii loo geystay xulka koonfur galbeed
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Laamaha Amniga Gobolka Banaadir, si wax la isaga weydiiyo dhibaatadii shalay loo geystay Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed kadib markii dhagxaan lagu weeraray gaarigooda.
Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sidoo kale loogu hadlay sugida Amniga Xulalka ka qeybgalaya Tartanka Cayaaraha Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada dalka, bad-qabka muwaadiniinta u daawasho tago cayaaraha iyo in si guud xil la isaga saaro sugida Amniga Caasimadda, isla markaana aysan usoo laaban fal la mid ah kii shalay dhacay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in laamaha Amniga uu waajib ka saaran yahay sugida Amniga muwaadinka Soomaaliyeed, asigoona dhinaca kale xusay in cayaaraha ay yihiin isdhexgal bulsho, taageerayaashana loogu baahan yahay in ay dhowraan anshaxa cayaaraha.


Yuusuf Xasan Cusmaan oo magac afgarashada loo yaqaano (Diyaarsane) oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibey taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka baydhabo.
Yuusuf Xasan Cusmaan oo magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Diyaarsane) oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibey taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ee xaruntiisa magaalada Baydhabo.
Yuusuf Diyaarsane oo muddo 15-sano ah khawariijta ku jirey gaar ahaan laga soo bilaabo midowgii Maxkamadihii isku badaley Hisbul Islaam Raaskanbooni iyo Hada uu kamid ahaa maleeshiyada Al Shabab kuna biirey 2009-kii isaga oo markaas ka raacay degaanka Buulla Fulaay.
Waxaa uu u qaabilsanaa Jabhada isagoona ka qeyb qaatey dagaalo dhowar ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Baay, Bokool Mudug, Galgaduud, Hiiran, Shabeelooyinka, Jubooyinka iyo gobolka Banaadir.
Waxaa uu sidoo kale kasoo dagaalamay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya.
Yuusuf isaga oo dhaawac ah ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed.

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay xasuuq wadareed ka dhan ah Qowmiyadaha daga dalkaas
XIGASHO ADDIS STANDARD
Isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqday masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baahan in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu waxyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dhawaan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Dedebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022, ayaa la xaqiijiyay in halkaas oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halkaasi ka dhigtay. Weeraradani waxay tusaale cad u yihiin isticmaalka sii kordhaya ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah dadka rayidka ah.
In kasta oo uu si rasmi ah u dhaqangaley heshiiskii colaad joojinta gobolka Tigra,2022-kii, haddana waxaa jira warar sheegaya in ciidammada dawladdu ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geeyeen gobollada Oromia iyo Amxaarada, tallaabadaas oo sababtay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah.
Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Itoobiya (ENDF), General Birhanu Jula, waxa uu qirayaa in weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn keliya loo adeegsado kooxaha dowladda ku kacsan, isagoo beeninaya in shacab lagu beegsadey. Hase yeeshee dhacdooyin dhowr ah oo la xaqiijiyay ayaa burinaya dafiraadda uu sameeyay.
Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen kaniisadda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa gargaarka degdegga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama degaanka Amxaarada, oo ay dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarjumeysa sida aan ka fiirsiga lahayn ee loo beegsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.
Qaramada Midoobay ayaa diiwaan gelisay duqeymo badan oo siyaaradaha drones-ka loo adeegsadey , kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah. Weeraradaasi waxaa ka mid ah mid lagu qaaday goob basaska laga raaco iyo dugsi hoose, taas oo muujineysa xaqiiqada naxdinta leh ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado goobaha ay dadku ku badan yihiin.
Waxaa cad in duqeymaha ay geystaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladdu ay jebinayaan shuruucda caalamiga ah ee ilaalinaysa dadka rayidka ah xilliyada dagaalka.
Waxaase ka sii daran sida muuqata in dowladda aaney wax dan ah ka gelin inay xaal mariso dhibaneyaasha iyo qoysaskooda, iyadoo si cad loogu diido inay helaan caddaalad ama magdhow laga siiyo ehelka kaga dhintey weerarada dowladda.
Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ee lagu beegsanayo shacabka ama ciidamada dagaalka ku jira ayaa loo arkaa mid khatarteeda wadata, taas oo ay ugu wacan tahay khaladaadka dhici kara, iyo isla xisaabtan la’aanta, iyo maqnaanshaha nidaamka saxda ah marka ay dhacaan falal laga baaqsan karey.
XIGASHO ADDIS STANDARD

guddoomiye sheekh Aadan oo shir gudoomiyey kulanka guud ee golaha shacabka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa maanta waxaa uu shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka burcad badeeda iyo ka hortaga afduubka ee Shrciga Lr.36, 30 April 1975 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Federaalka, waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka doodeen la dagaalanka burcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in la xoojiyo Ciidanka Badda Qaranka.
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa waxaa uu faahfahiyay muhiimada qaranka ay u leedahay ilaalinta xeebaha dalka iyo la dagaalanka burcad badeeda, isagoona ka jawaabay dhamman su’aalihii la weeydiiyay.
Sidoo kale Xildhibaannada ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyadda Ayniga Dhir Beereedka, iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay ilaalinta waqtiga iyo in ay kooramka soo buuxiyaan, isla-markaana ay gutaan waajibaadka loo idmaday.


Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad ee Golaha Aqalka Sare
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay weheliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiisa 5-aad ee Golaha Aqalka Sare, ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka.
Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddiga Arimaha Gudaha Aqalka Sare ee BJFS, Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo ay toosin, sixid iyo siiqayn ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.
Intaas kaddib, Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka oo doodiisa la guda galay ayay Sanatarradu ka dhiibteen aragtidooda iyo doodaha ay ka qabeen qaar ka mid ah qodobada sharciga oo ay ka hor jeediyeen Golaha.

Madaxweyne Xasan Sheikh”Soomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacano”,

