Yuusuf Xasan Cusmaan oo magac afgarashada loo yaqaano (Diyaarsane) oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibey taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka baydhabo.

Date:

Yuusuf Xasan Cusmaan oo magac afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Diyaarsane) oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibey taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ee xaruntiisa magaalada Baydhabo.

Yuusuf Diyaarsane oo muddo 15-sano ah khawariijta ku jirey gaar ahaan laga soo bilaabo midowgii Maxkamadihii isku badaley Hisbul Islaam Raaskanbooni iyo Hada uu kamid ahaa maleeshiyada Al Shabab kuna biirey 2009-kii isaga oo markaas ka raacay degaanka Buulla Fulaay.

Waxaa uu u qaabilsanaa Jabhada isagoona ka qeyb qaatey dagaalo dhowar ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Baay, Bokool Mudug, Galgaduud, Hiiran, Shabeelooyinka, Jubooyinka iyo gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale kasoo dagaalamay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya.

Yuusuf isaga oo dhaawac ah ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...