Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardargalinaya dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargalinaya howgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda.

Safarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxmauud ee Galmudug ayaa la xariira dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo markii dib loo doortay ku dhawaaqay dagaalka ballaaran oo ka dhan ah cadowga khawaarijta ayaa saldhiggiisa ugu weyn ee uu dagaalka ka hoggaaminayo ka dhigay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug, waxanna tan iyo markaas  ciidamadda xoogga dalka oo kaashanaya ciidamadda deegaanka ay maleyshiyada shabaab ka xoreeyeen degmooyin iyo magaalooyin badan oo ay shacabka ku dhibaateynayeen.

Goordhow ayuuna Madaxweynuhu ka dagay magaalada Dhuusamareeb halkaas oo uu ka hoggaamin doonoo dhammeystirka howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...