duqa mugdisho oo laamaha amniga kala hadlay dhibaatadii loo geystay xulka koonfur galbeed

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Laamaha Amniga Gobolka Banaadir, si wax la isaga weydiiyo dhibaatadii shalay loo geystay Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Koonfur Galbeed kadib markii dhagxaan lagu weeraray gaarigooda.

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sidoo kale loogu hadlay sugida Amniga Xulalka ka qeybgalaya Tartanka Cayaaraha Kubadda Cagta Maamul Goboleedyada dalka, bad-qabka muwaadiniinta u daawasho tago cayaaraha iyo in si guud xil la isaga saaro sugida Amniga Caasimadda, isla markaana aysan usoo laaban fal la mid ah kii shalay dhacay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in laamaha Amniga uu waajib ka saaran yahay sugida Amniga muwaadinka Soomaaliyeed, asigoona dhinaca kale xusay in cayaaraha ay yihiin isdhexgal bulsho, taageerayaashana loogu baahan yahay in ay dhowraan anshaxa cayaaraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta...

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray...