Home Blog Page 370

Waa kuma Horjooge “Ismaaciil Injineerka” oo madaxiisa la dul dhigay Shan Milyan oo Dollar? ( Warbixin)

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo Mareykanku dul dhigay madaxiisa lacag dhan 5-milyan oo dollar, waa nin dhagar badan kuna shaqeysta maleeshiyaad uu aad u duleystay.

Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu u yaqaannaan” Cismaaciil Injineerka”, waa horjooge ka soo jeeda gobolka Hiiraan una qaabilsan Khawaarijta labo qeybood oo ka shaqeysa dhagarta iyo buu-buuninta:-

1- Waa madaxa guud  ee warbaahinta Khaawarijta, waxaanna hoostaga maleeshiyaad uu u adeegsado faafinta wararka been abuurka ah iyo buu-buuninta hadallada horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku banneysanayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

2- Wuxuu mas’uul ka yahay qeybta qaraxyada oo ay ka shaqeeyaan maleeshiyaad isugu jira Soomaaliya iyo Ajaaniib, kuwaas oo diyaariya qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qeybtan qaraxyada waa si gaarb ah mas’uul uga ah ku-xigeenka Cismaaciil Injineerka oo lagu magacaabo  Mustafa Jihaad oo loo garan ogyahay ” Axmed Gurey”, waana nin u dhashay Dalka Mareykanka, horjoogahan magaciisa kor soo xusnay ayaa si gaar ah hagar-daamooyinka iyo dhagaraha ugala shaqeeya horjooge Axmed Diiriye oo Khawaarijtu ay u yaqaanaan “Abuu Cubeyda”.

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu ay u taqaanno ” Cismaaciil Injineerka” waa shaqsi cabsida haysa darteed xitaa iska qariya maleeshiyaadka uu maamulo. Horjoogahan dadka yaqaanno waxay ku sheegeen inuu yahay nin dhiigyo cab ah aan u turin qof bini-aadam ah,waxaanna tusaale u ah inuu nafta dhaafiyay qaar ka mid ah maleeshiyaadka uu gacanta ku hayo si kuwa kale ee nool ugu quus qaataan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in horjoogahan uu ku dhuumaaleysanayo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya, si gaar ah wuxuu ugu badan yahay gobollada Shabeellada hoose iyo Jubbooyinka.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee sida xoogga ah ugu shaqeysanayo horjoogahan ma noqon doonaan kuwo ku tartama soo sheegistiisa si ay u helaan lacagta madaxiisa dul saaran ee ah Shanta milyan, ummadda Soomaaliyeedna kaga badbaadiyaan dhagarta iyo hagar-daamooyinka uu u maleegayo?.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulammo la qaatay xubnaha labada guddi ee dib u eegista Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay Guddiga  La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo uu kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen  ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, halka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan  sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Shir looga hadlayo Taabba gelinta nidaamka Dowladnimada loo-dhanyahay oo Dhuusamareeb ka furmay.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka furay Shir looga hadlayo Taabba gelinta nidaamka Dowladnimada loo-dhanyahay oo ay ka qeyb galayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug.

Shir oo socon doona laba maalin laguna soo bandhigi doono daraasad laga sameeyay deegaannada Galmudug, waxaa ka qeyb galaya Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka federaalka, siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka,haweenka iyo dhallinyaro waxaana gebagabdiisa ku biiri doona Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.

 

Howlgal qorsheysan oo lagu khaarijiyay koox katirsan Khawaarijta

0

Caawa Abaarihii 6:15 Maqribnimo ayaa Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxaa ay  howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday koox Khawaarijta ka tirsan ka fuliyeen deegaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka oo ah duqeyn ayaa lagu beegsaday goob uu shir uga socday Horjoogeyaal Khawaarijta ka tirsan waxaana halkaas ku gaaray Khasaare xoogleh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 43aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay howlgalka iyo Khasaaraha cadowga gaaray.

Waxii Faah Faahin ah ee kasoo kordha Dib ayaan idinkalasoo wadaagi Doonnaa.

Muqdisho-Somalia

Xubno ka socda BJFS oo ka qeybgaley shirka Baarlamaanka Aduunka

Xubnaha joogtada ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Adduunka oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, ayaa ka qayb galay shirka Baarlamaanka Adduunka (IPU) ee lagu qabtay Magaalada Marakesh ee Dalka Morocco.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah islamarkaana ahaa fadhigii 147-aad ee Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamentary Union) ayaa si wadajir ah u waxaa u qabtay Baarlamaanka dowladda Morocco iyo Baarlamaanka Adduunka.

Shirka waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shanta Xildhibaan ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ku matala Baarlamaanka Adduunka oo ay ka mid ahayd Senator Zamzam Daahir Maxamuud.

Muqdisho-Somalia

Akhriso: War murtiyeedka laga soo saaray Shirka Wadatashiga Wasaaraddaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada

0

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socdey 12ka illaa 16ka Juun 2023.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada shirkani waxay ahayd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif,Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Koonfur Galbeed,Mudane C/llaahi Shiikh Daahir,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Galmudug Mudane Muxyadiin Sh C/llaahi Osman, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee HirShabeelle,Mudane C/fitaax Xasan Faarax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubaland, ahna kusimaha Wasiirka Mudane Saacid C/llaahi Maxamed,Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane Cabdi’asiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Agaasimaha Waaxda Teknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Benaadir Mohamed Adirahman Yabarow,Lataliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS,lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale.

Falanqayn iyo dood ka dib waxaa Shirka 4aad ee Wadatashiga laga soo saaray qodobadan hoos ku xusan.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wadatashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.

 

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla.

In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.

Muqdisho-Somalia

Howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Galcad iyo deegaanka Baraag shiikh Caamir ee gobolka Galgaduud

0
Howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Galcad iyo deegaanka Baraag shiikh Caamir ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay sadax dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan waxaana looga furtay Gaari NOAH ah iyo hubkii ay wateen.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ciidamadu sii wadayaan beegsiga Khawaarijta.

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha xfs Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa looga hadlay amniga dalka

0

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa         , ayaa looga hadlay amniga dalka, iyadoo lagu ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta iyo qorshaynta ee (WFDP) oo laga hirgelinayo Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

 

TALIYAHA CIIDANKA BOLIISKA OO KORMEERAY CIIDANKA TABABAR UGU JIRA DUGSIGA GENERAL KAAHIYE

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuuto. Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cusmaan Cabdulahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta Akademiyada Boliiska ee Sareeye Guuto. Kaahiye, Salaan Shafar uga qaatay Cutubyo katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo tababar meheradeed ku jira, Ciidanka oo isagu jira kuwa dhawaan tababar Dalka Dibadiisa ah ka yimid iyo kuwa dhawana Ciidanka ku soo biiray oo tababar Dhibow ah ku jira.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo Addis-Ababa kaga qeyb galay Shirweynaha Caafimaadka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethoipia uga qeyb galay shirwayne looga hadlay mashaariicda hormarineed ee Caafimaadka,isla markaana sare loogu qaadilahaa nidaamka maamulka maaliyadeed iyo dabagalka mashaariicdaas.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay nimaad maaliyadeed oo hufan kaas oo lagu maamulo mashaariic aad u badan isla markaana ay ka go’an tahay in si mugleh loo gaarsiiyo dhammaan gobollada iyo deegaanada dalka oo idil.