Home Blog Page 368

Duqa muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir gaar ah oo ku saabsan dardar gelinta Sugida amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga munaasabadaha isa-saaran ee Ciidul Adxa iyo Todobaadka Xorriyadda, kaas oo ka dhacay Xarunta Qeybta Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyed.

Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Banaadir, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Saraakiisha Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo saraakiil kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa warbixin ku saabsan amniga Caasimadda ka dhageestay qaar kamid ah saraakiishii shirkan ka qeyb gashay, kuwaas oo soo gudbiyay guulihii laga gaaray howlgaladii ay sida wadajirka ah u fulinayeen ciidamada qalabka sida iyo sida loogu diyaar garooway munaasabadaha Ciidul Adxa iyo maalmaha Xorriyadda oo nagu soo foodleh.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho Mudane Madaale ayaa faray saraakiisha Amniga iyo guddoomiyaasha Degmooyinka in la xoojiyo howlaha Sugida Amniga, iyada oo la kaa shanayo shacabka islamarkaana si wadajir ah loogu diyaar garoowo weyneynta todobaadka Xorriyada iyo munaasabada Ciidul Adxa.

Khawaarijta Al-shabaab oo rayid ku xasuuqay Shabeellada hoose

Ugu yaraan 3-qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay Khawaarijta Al-Shabaab ku qarxiyeen qaar ka mid ah shacabka degaanka Bariirre ee gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabbeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dadka dhaawaca ah loo soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho, dadka dhintayna la aasay, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh la wadaagay ehelada dadkii ay dhibaatadu haleeshay.

Mudane, Maxamed Ibraahim Barre oo faah-faahin ka bixiyay qaabkii ay rayidka u xasuuqeen arxan laawayaasha khawaarijta Al-shabaab ayaa yiri, “marka hore waxay qarax la beegsadeen Mooto uu qof shacab ah watay, ka dibna waxay qarax kale la beegsadeen dad weynihii usoo gurmaday ee goobta isugu yimid”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn dowladda federaalka, maamulka koofur galbeed iyo bulshada ku dhaqan caasimadda ka codsaday in kaalmo iyo garab istaag loo fidiyo shacabka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyada ay dhigeen khawaarijtu.

Dhowaan ayay ahayd markii khawaarijtu in ka badan 20 Carruur ah ku laysay qarax ay dhigeen goob ay ku cayaarayeen duleedka degaanka Jannaale ee isla gobolka Shabeellada hoose, taas oo qeyb ka ah falalka arxan darrada ah ee ay shacabka iyo maatida la beegsadaan.

Bankiga dhexe oo daah-furay hannaan casri ah oo fududeynaya lacag bixinta iyo wax kala iibsiga

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa daah-furay hannaan casri ah oo loo yaqaan SOMQR, kaas oo fududeynaya habka lacag bixinta iyo wax kala iibsiga.

Hannaankan SOMQR ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed u sahlayaa in ay si digital ah lacagaha isugu wareejin karaan iyagoo isticmaalaya hannaanka SOMQR.

Adeegga lacag-bixinta deg-degga ah ee uu soo kordhinayo SOMQR waxaa ku midaysnaan doona Bangiyada oo dhan iyo shirkadaha bixiya adeegga mobile money, waxaana loo adeegsan doonaa wax kala iibsiga, lacag isu dirista, canshuur bixinta, iwm.

Guddoomiya Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo khudbad ka jeediyey xafladda daahfurka SOMQR ayaa yiri “waxaa sharaf noo ah inay noo suuro gashay hirgelinta SOMQR oo wax badan kusoo kordhin doona hannaanka lacag bixinta dalka.

Wuxuu sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay casriyeynta iyo tayeynta adeegyada maaliyadda dalka, si ay u noqdaan kuwo la jaanqaadi kara tignoolajiyadda u dambeysay ee adduunku maanta isticmaalo,  wuxuuna intaa raaciyay in iIlaa hadda waddamo kooban oo Africa ah ay hirgeliyeen hannaanka loo yaqaan ‘National QR Code’.

“Waxaynu hore u hirgelinay Hannaanka isku-xirka Bangiyada dalka iyo qaadashada lambar-xisaabeedka caalamiga ah ee loo yaqaan IBAN, oo adduunku inagu amaanay, abaal-marin caalami ahna ku helnay.”

Bankiga dhexe waxaa ka go’an dib u habeynta, casriyeynyta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda dalka.

Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan Mas’uuliyiin DFS ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee Masjidu Nabawi SCW

– Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan mas’uuliyiin Dowladda Federaalka  ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee Masjidu Nabawi oo ku yaalla magaalada barakaysan ee Madinah al-Munawwarah.

Dr, Maxamed Sheekh Cabdi oo ka mid ah culimada Xafiiska arrimaha Xujeyda oo warbaahinta Qaranka kula hadlay agagaarka Rowdada ee Masjidu Nabawi CSW ayaa sheegay in wixii ka horreeyay cudurka Karoonaha ay xujeydu u wada furnayd balse wixii ka dambeeyay xayiraaddii cudurka la sameeyay nidaam cusub oo lagu diiwaan gelinayo Xaajiga iyadoo la oggol yahay in ay galaan tiro cayiman.

Xildhibaan, Cabdillaahi Aadan Axmed Black ayaa bogaadiyay tallaabada ay dowladda Federaalka sanadkan 1444 kaga dhigtay mudnaanta Qaran howlaha Xajka, wuxuuna sheegay in adeegyo badan ay heleen marka loo eego sanadkii hore oo ay Soomaalidu kala kulmi jirtay dhibaatooyin kala geddisa.

Soomaaliya ayaa sanadkan 1444 heshay 11519, waxana haatan gudanaya waajibaadkooda Xajka 10619, halka maalmaha soo socdana la filayo in ay Xaramka gaaraan 900 oo xujey ah.

Safiirka Soomaaliya u jooga Itoobiya oo la kulmay madaxa Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya

-Safiirka JFS ee dalka Ethiopia Ambassador, Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa Safaaradda ee Addis Ababa ku qaabbilay madaxa Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ,Aisa Kacyira, iyagoo ka wada hadlay shaqada xafiiska UNSOS uu ka hayo dalkeenna.

Danjire Warfaa, ayaa Aisa Kacyira la wadaagay horumarka la taaban karo ee ay Dawladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada Amniga, Dhismaha Dawladnimada, Horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimo kale, isagoo Qaramada Midoobay gaar ahaan UNSOS uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo raashin ka qeybiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa raashin kala duwan u qeybiyey qoysas danyar ah oo ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska Gor-gor, G/le Saahid Jaamac Faarax oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay raashiinkan ugu tala galeen dadka jilicsan, sida naafada, waayeelka, dadka dhimirka la’, dadkii ay khawaarijtu dhibaateysay IWM.

Taliye Saahid ayaa intaa ku daray in guutada Ciidanka Gor-gor ay iska soo jareen garaam-kii ay qaadanayeen markii ay arkeen dhibaatada haysata dadka deegaanka, gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Shacabka ku dhaqan Ceeldheer iyo maamulka degmada ayaa ka mahad celiyay deeqda raashinka ah ee ay gaarsiiyeen Ciidanka Xoogga dalka.

Guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska Gor-gor oo kaashanaya kulliyadda Ciidamada ee TurkSom ayaa shalay deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitalka degmada Ceeldheer, waxayna maamulka iyo saraakiisha ciidankuba ballan qaadeen in ay soo nooleyn doonaan adeegyadii bulshada ee ay baabi’iyeen khawaarijtu.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha oo Khudbad ka jeediyay shirka Warbixinta Hindisaha Horumarinta Caalamiga ah

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa khudbad ka jeediyay Daah-furka shirka Warbixinta Horumarka ee Hirgelinta Hiigsiga Horumarinta Caalamiga ah oo 20-ka Juun 2023, ka furmay magaalada Beijing caasimadda Dalka shiinaha.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta aqoonta Caalamiga ah (Center for International Knowledge on Development (CIKD). Hindisahan ayaa waxaa soo jeediyay madaxweynaha Shiinaha Mudane Shi jingping bishii Sebtembar 2021, waxaanna  udub dhexaad u ah xiriirka wada shaqeynta horumarka dalka Shiinaha iyo dalalka saaxiibadeeda ee caalamiga ah.

Sida uu Danjire, Kullane shirka ka sheegay hindisahan ayaa ah mid horumar iyo iskaashi caalaami ah lagu gaari lahaa, kaas oo horseedaya in tani ay tusaale u tahay wada shaqeynta iyo xiriirka joogtada ah ee horumarinta yoolalka hindisaha iyo iskaashiga joogtada ah.

Danjire Cawaale Cali Kullane, oo khudbaddiisu dhinacyo badan taabanaysa ayaa hal-ku-dhiggiisu wuxuu ahaa “Iskaashiga iyo Dardar-Gelinta: Horumarka Waara, iyadoo loo marayo Hindisaha Horumarinta Caalamiga ah (GDI).

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa qeexay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dadaallada horumarineed ee caalamiga ah, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro yoolalka horumarineed ee waara.

“GDI-du waxa ay si buuxda ula jaan-qaadaysaa qorshaheena horumarinta qaranka, waxaanan aad u danaynaynaa in aanu si firfircoon uga qayb-qaadanno hirgelintiisa,” ayuu yiri safiirka.

Munaasabadda daahfurka waxaa isugu yimid ku dhawaad ​​150 wakiilo, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay, ururada caalamiga ah, safaaradaha, xarumaha cilmi-baarista, xarumaha warbaahinta, iyo waaxyaha dowladda Shiinaha. Ka qaybgalayaashu waxay fursad u heleen inay fikrado ka helaan warbixinta oo ay ka qaybgalaan khudbadaha iyo doodaha ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta dawladda Shiinaha, daneeyayaasha caalamiga ah, iyo hayadaha fikirka.

Ugu dambeyn, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dadaallada horumarinta caalamka iyo iskaashiga ay la leedahay Shiinaha.

Ururka OIC oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday hoyga safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay weerarkii ay dhowaan koox hubeysan ku qaadday hoyga uu ka degan yahay magaalada Khartoum Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan, Maxamed Sheekh Isxaaq.

Weerarka oo ay geysteen dabley aan ka tirsanayn labada garab ee ku dagaallamaya dalka Suudaan ayaa guriga Danjiraha ka qaatay laba Gaari oo ay lahayd Safaaradda iyo hanti kale oo aan la shaacin inta ay la egtahay.

Bayaan uu soo saaray Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo rabshadaha ka socda dalkaasi iyo la ixtiraamo guryaha dublamaasiyiinta, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in la adkeynayo amniga siyaasiyiinta ku sugan dalka Suudaan.

 

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Gedo

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobolka Gedo ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo u baahan in ay xallinteedu ka wada qeyb qaataan Dowladda Federaalka, maamulka Jubbaland iyo cid kasta oo ahal u ah.

Mudane, Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray in si maamulka dhowaan lasoo magacaabay uu gobolka u tago, loona sii amba qaado dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan Gedo ay lama huraan tahay in xal laga gaaro xaaladda Gedo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada dowladaha deriska ah ee ka qeybgalaya dhinaca gobolka Gedo ay u baahan yihiin maaamul sharci ah oo ay la shaqeeyaan iyo Ciidamo heer maamul goboleed ah oo ay la howlgalaan, taas oo meesha ka maqana ay dhabar jab ku tahay dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Madaxweynaha Jubbaland oo daahfurayey Shirweynaha isku-dubbaridka xasilinta qaranka oo ay kasoo qeybgaleen Wasaaradaha arimaha gudaha heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ururada iyo Dowladaha Taageera Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhamaan masuulyiintaas.

 

Madaxweynaha Galmudug oo aqalka madaxtooyadda ku qaabiley wafdi uu hogaaminaayo wasiirka waxbarashadda dfs

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aqalka madaxtooyada Dowladda Galmudug ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Faarax Shiikh Cabdulqaadir kana kooban wasiirrada waxbarashada Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Ujeedka wafdiga ayaa ah iney ka qeyb galaan Shirka Wadatashiga Waxbarashada oo ka furmi doona caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb.