guddoomiye sheekh Aadan oo shir gudoomiyey kulanka guud ee golaha shacabka

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa maanta waxaa uu shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka burcad badeeda iyo ka hortaga afduubka ee Shrciga Lr.36, 30 April 1975 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Federaalka, waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay ka doodeen la dagaalanka burcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in la xoojiyo Ciidanka Badda Qaranka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa waxaa uu faahfahiyay muhiimada qaranka ay u leedahay ilaalinta xeebaha dalka iyo la dagaalanka burcad badeeda, isagoona ka jawaabay dhamman su’aalihii la weeydiiyay.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa loo qeybiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyadda Ayniga Dhir Beereedka, iyo Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay ilaalinta waqtiga iyo in ay kooramka soo buuxiyaan, isla-markaana ay gutaan waajibaadka loo idmaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...