Danjiraha JFS u fadhiya Midowga Yurub oo kulan degdeg ah isugu yeeray jaaliyadda Yurub

Date:

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ayaa ka wada hadlay sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa Banaanbax looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia.
Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uga dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in Qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...