Home Blog Page 326

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuno kala duwan ka soo saartay Saraakiil ku Eedaysanaa Musuq maasuq

0

Maxakmadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Xukunka 12 Eedaysane oo ka tirsanaa Haya’addaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sida Haya’adda Socdaalka & Jinsiyadaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka dhexe.

Maxkamada ayaa wax dambi ah ku waydsy Eedaysanayaasha kala ah.

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey)

Cabdalla Maxamed Axmed ka tirsanaa Haya’adda socdaalka

cusmaan Xasan Cosoble ka tirsan Haya’adda socdaalka

Cabdikaafi Xasan Maxamed kana tirsanaa Haya’adda Socdaalka

Jacfar Maxamed Axmed kana tirsan wasaaradda Maaliyadda

Maxakamadda ayaa wax dambi ah ku wayday Eedaysanayaashan waxayna hay’adihii ay ka tirsanaayeen amartay in dib loogu fasaxo xuquuqihii laga xayiray intii ay socotay dacwadda.

Sidoo kale Maxkamada ayaa xukuno kala duwan ku riday Eedaysanayaasha kala ah.

Maxamed Ibraahim Axmed ka tirsan Haya’adda Socdaalka waxay maxkamadu ku xukuntay 4 sano oo xadhig ah.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali( Caadle) kana tirsan haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha 4 sanno oo xadhig ah iyo in aanu qaban karin wax xil dowladeed ah si joogto ah.

Abuukar Xasan Aadan ka tirsan Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha waxay Maxkamadu ku xukuntay 4 Sanno oo xadhig ah

Maxamed Xuseen Nageeye kana tirsan Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha waxay maxkamaddu ku xukuntay 2 sanno oo xadhig ah.

Cabdullaahi Daahir Weheliye kana tirsan Banka dhexe ku xukuntay 3 sanno oo xadhig ah iyo in aanu qaban karin xil dowladeed si joogto ah.

Wasiirka arrimaha Guddaha oo Shir guddoomiyey kulanka Gudidda Qaban qaabada Maalmaha Xoriyadda

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda iyo midnimada ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa maanta shir guddoomiyey kulankooda.

Guddigan heerkiisu sarreeyo oo loo xilsaaray xuska 64 guurada maalmaha xoriyadda ee gobollada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadleen howlaha diyaargarowga maalmahan taariikhiga ah iyo qaabka ugu gaboon ee loo fulin karo.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqi doonto go’aanka dacwad loo heysto masuuliyiin

0

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah mudeysay inay ku dhawaaqi doonto go’aanka dacwad loo heysto masuuliyiin ka soo shaqeysay qaar kamid ah hey’adaha dowladda, kuwaas oo ku eedeysan kiisas musuq maasuq ah, masuuliyiintaas oo gaareysa 12 qof waxaa kamid ah agaasimayaashii hore ee hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed waxay maanta toos u tebi doontaa ku dhawaaqidda go’aanka kiiskaan ee maxkamadda gobolka Banaadir.

 

Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Biyaha XFS ayaa ka qayb galay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay Indonesia

0

-Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka qeyb gashay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay dalka Indonesia.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay wasiiru dowlaha waxaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Agaasinka Guud ee Biyaha Waddanka Indonsia oo uu uga mahadceliyey martigelinta madasha 10aad ee Biyaha, iyo sida maamuuska leh ee loo soo dhoweeyey wafdigiisa.

Labada Wasaaradood ayaa ka wada hadlay sidii iskaashi xooggan looga yeelan lahaa arrimaha Maareeynta fatahaadda, iyo hannaanka ka faaideysiga Biyaha Roobka, sidoo kale waxaa aad looga dooday sidii Soomaaliya looga saacidi lahaa deeqaha waxbarasho ee dhinaca takhasusaadka kuliyadaha biyaha quseeya.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa kulan laqaatay Madaxa Hay’adda Qaramada midoobay ee qaabilsan qaanuunka Caalimaga ah ee Biyaha, iyagoo ka wada hadlay sidii Soomaaliya ugu biiri laheyd hay’adda qaanuunka caalamiga ah ee Biyaha iyo sidii weliba dalkeena looga xoojin lahaa diblomaasiyadda iyo Qaanuunka Caalmigaa ee Biyaha.

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

0

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana oo loo heystay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in Eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, Falkaan ayaana ka dhacay Degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bisha shanaad ee sanadkaan 2024 Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamda Qalabka Sida oo Dhageysatay kiiskaan waqti ku Filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn Maanta oo ay taariiikhdu tahay 18-kan Bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Norway ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Taliyaha booliiska Socdaalka ee dalka Norway iyo madax kale oo ka kala socotay Wasaaradaha Cadaaladda, Amniga iyo Xarunta Aqoonsiga Qaranka Norway.

Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa hay’adaha uu la kulmay waxa uu siiyay warbixino la xiriira horumarka ay HSJ ka samaysay adeegga bixinta Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sidoo kale, waxa laga wada hadlay in sare loo sii qaado, isla markaana la joogteeyo wada shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha Dalka Soomaaliya haya  Dr: Xasan Shikh Maxamuud oo lagu soo doortay Teendhada Afisyoone ee Magaalada Muqdisho15-kii bishii May ee sanadkii 2022-kii, islamarkaana uu halku dhig ka dhigtay ‘SOMALI HESHIIS, DUNIDANA HESHIIS LA AH’ ayaa waxa uu sheegay inuu wax ka qaban doono qorshayaashaan soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha”- 1. Amiga dalka (la dagaalanka Khawaarijta). 2. Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. 3. La dagaalanka Musuqmaasuqa. 4. Dhameystirka Dastuurka si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah.

Siyaasadda arrimaha dibadda:- inay Soomaaliya Dunida kula dhaqmi doonto si dhex-dhexaadnimo ah, 1. In lagu biro Ururka Bulshada Afrika. 2. Qaadista Cuneqabateynta Hubka. 3. Deyn cafinta. 4, ka bixitaanka Dalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS oo hore loo oran jira AMISOM.

Haddaba maxaa ka fulay qorshayaasha Dowladda ee dhinacyada siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo midda gudaha?.

Qorshayaasha dowladda ee siyaasadda arrimaha gudaha:-

1.La dagaalanka Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.  Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sanadkii 2022-dii  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo laba sanad ah uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sagaashan iyo shan oo Maleeshiyaad (4,795) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

2.Soo celinta amniga Caasimadda ee Muqdisho. Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xojiyana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowladda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.

3.La dagaalanka Musuqmaasuqa:- Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku laheyn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, haddaba dowladda ayaa looga baahan yahay inay dagaal adag ku qaaddo la dagaalankiisa, waxaana ilaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay Eedeysanayaal badan oo qaarkood lagu xukumay xariga u dhaxeeya 1 sano iyo iyo 8 sano, waxaana Shacbiga Soomaaliyeed la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka Dowladnimada Soomaaliya.

4.Dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.

Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud “Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”.

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo, Dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowladnimada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadaladaasi Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka Dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan, waxaana la filaa inay howshiisu dhammaato sanadka cusub ee 2024-ka.

5. in dhammaan Ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS ay dalka ka baxaan ugu dambeynta dhammaadka sanadkan 2024-ka, iyadoo ay jirto in goobo badan ay ku wareejiyeen Ciidamada Sooaaliyeed sida Madaxtooyada, Golaha Shacabka iyo kuwa ku hareereysan goobo ka mid ah Gobolada Dalka.

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

0

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho ku tagay qaar ka mid ah goobaha barakeysan ee Magaalada Madiina Al munawara.

Goobaha ay Xujeydu booqdeen waxaa ka mid ah Masjidka Nabiga CSW, Masjidu Qubaa, Buurta Uxud iyo Qabuuraha Shuhadada ee Uxud, waxaana ufududeeyey Mas’uuliyiinta Wasaaradda Awqaafta JFS u qaabilsan Arrimaha Xajka.

Qeybtii ugu horreysay ee Xujeyda ayaa ku sugan magaalada Madiina iyadoo maalmaha soo socda ay gaari doonaan qeybaha kale ee wali ku sugan dalka kuwaas oo diyaar garow ugu jira sidii ay u bixi lahaayeen.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS mudane Mukhtaar Roobow oo Arbacadii Muqdisho ka sagootiyay xujeydii ugu horeysay ayaa kula dardaarmay inay ilaaliyaan nidaamka iyo asluubta xajka, islamarkaana wasaaraddu ay ka shaqaynayso sidii camalka wanaagsan ee ay gudanayaan loogu fududeyn lahaa.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Qaranka ayaa qabatay tartan sports oo lagu maamuusayay Xuska 81 sano guurada aas aaskii ururkii SYL.

Tartan Ciyaareedkaan ayaa loo qabtay dhalinyaro iskugu jiray Gabdho iyo Wiilal ka mid ah soo laabtayaasha, Barakayaasha iyo Qaxootiga Dalka jooga si loo xoojiyo is dhexgalka, laguna dhiiirigaliyo dhalinyarada dalka dib ugu soo laabatay.
Tartan Ciyaareedkaan oo xiiso gooni ah lahaa ayaa qeybta gabdhaha waxaa loo qabtay Ciyaaraha Fudud.
Sidoo kole Kooxda Ku dheeleysay Magaca Kooxda Soo laabtayaasha ayaa ku Guuleysteen Koobka kubadda Cagta.
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayasha Qaranka ayaa didaal badan ku bixinaysa garab siinta, dhiiri galinta iyo hal abuurka dhalinyada dalkooda dib ugu soo laabtaay iyo kuwa ku barakacay gudaha Dalka si ay qeyb kaga noqdaan horumarka dalka.
   

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan

0

Horjooge Aadan Maxamed Cali Dhaayow ayaa lagu soo qabtay howlgal qorshaysan oo ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen deegaanka Kuunyabuurow oo hoos taga degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.