Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maanta magaalda Doha ee Dalka Qatar kulan miro-dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Maaliyadda Qatar mudane Ali bin Ahmed Al Kuwari.
Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo soo saaary Go’aano quseeya Hey’addaha Dowladda
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wargaliyay dhammaan hay’adaha dowladda inay si buuxda u dhaqangaliyaan talooyinka uu Xafiisku horay ugu soo saaray warbixinnada sanadlaha iyo kuwa gaarka ah.
Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin ayaa lagu soo dhoweeyay Magalada Kismaayo
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Kismaayo.
Safarka Taliyaha ayaa daaran ujeedooyin kala ah.
1- Golaha Taliyeyaasha Booliska Dalka oo halkaas ku yeelanaya shir looga arrinsanayo hanaanka cusub ee Boliiska dalka labadiis heer (Boliiska Federaalka ah iyo Boliiska Dowlad Goboleedyada)
2- Mideynta mashruuca taakuleynta iyo jaangoynta baahiyaha booliiska dalka.
3- Arrimaha amniga dalka sida maareynta qaraxyada, isisoo dhiibayaasha ka yimaada argagixisada iyo arrimaha socdaalka.
Inta uu shirku socdo Taliyaha iyo wafdigiisu waxay booqa doonaan, una kuur-geli doonaan hanaanka shaqo ee booliska dowlad goboleedka Jubbaland.
Wasiirka Gaadiidka iyo Guddomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Barxada Baarkinka Airport-ka Aadan Cade
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta xariga ka jaray Barxada Baarkinka Airport-ka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho oo la filaya in uu xal u noqda saxmada badan ee ka jirtay Airport-ka.
Xarigjarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, saraakiisha Amniga Airport-ka Aadan Cade iyo xubna ka socday beesha Caalamka.
Golaha Shacabka BFS oo ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Socdaalka, waxaana ogolaatay 145-xildhibaan, hal ayaa diiday, lix xildhibaan ayaa ka aamustay.
Golaha Shacabka BFS oo Maanta leh mid kamid ah kulamadooda caadiga ah
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta Xarunta Villa Hargeysa ku yeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah
Madaxweyne Dani oo Bosaaso uga Qeybgalay kulan looga hadlayey Qorshaha Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030
Magaalada Boosaaso waxa xalay lagu soo bandhigey Qorshaha Horumarinta Degmada Boosaaso ee Hiigsiga 2030, iyo Habka loo horumarinayo magaalada, adeegyada dowliga ah, Kuwa Bulshada iyo nashaqadeynta magaalada.
Wasiirada Arimaha Dibedda,Waxbarashada XFS oo la kulmay Agaasimaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland
Wasiirka Arrimaha dibedda XFS Mudane Abshir Cumar Jaamac oo magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qayb gelaya shirka caalamiga ah ee wadamada soo koraya ( LDC5) oo tobbankii sano ba mar la qabto, ayaa kulan doceed muhiim ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga dowladda Federaalka ah ee Switzerland Amb. Patricia Danzi.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad.
Booliis lagu afduubtay dalka Colombia oo lasii daayey
Madaxweynaha dalka Colombia, Petro, ayaa sheegay in lasii daayay askartii iyo shaqaalihii shidaalka ee lagu haystay mudaaharaadyadii ka dhacayay gobolka koonfureed ee Caqueta ee dalka Colombia.