Home Blog Page 327

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika

0

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay Dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ayaa kulanka diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

0

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta magaalada Muqdisho,shirkan ayaa waxa looga hadlayaa doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee maalgashiga dalka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda waaxda Jaaliyaddaha Qurbejoogta ayaa waxa ka qayb galay Madax ka kala socotay Haya’addaha Dowladda,Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo shirka furay ayaa sheegay in qurbejoogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga Dalka,koboca nolosha Bshada iyo difaaca dalkaba ay kaali weyn ka geysteen.

Wasiirka ayaa xusay in qurbejoogtu safiiro iyo muraayad u yihiin dadka Soomaaliyeed dalalka ay joogaana ka sameeyeen horumar muuqda korna u qaadeen sumcada Dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladdu ahmiyax weyn siinayso qurbejooga dalka dib ugu soo laabanaya ee maalgashanaya dalka iyadoo la fulinayo Siyaasadda xukuummadda dan-qaran.

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

0

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA, qoraalkaasi o fheeraa ayaan wax aka soo qaadanay qaar ka mid ah:-  Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka sokoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka mid yihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci, iyada oo aan bulashada la kala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?, si jawaabta ku haboon loogu helo waxaa qormadaan si kooban ugu soo qaadan doonaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:-

  1. SOOYAALKA DASAATIIRTA IYO AXDIYADA SOOMAALIYA

Dastuurkii 1960:- sanadkii 1957 waxaa si rasmi ah u soo bilaawday diyaarinta Dastuurkii ugu horeeyay oo ay Somaliya yeelato, Maadaama heshiiskii loogu igmaday 27 Desember 1950 in Dowaladda Talyaaniga ay maamusho gobolada koofureed dowladda ingiriiskana ismaamusho gobolada waqooyi uu timaamayay mabaadii’da dastuur lagu qeexayo xuquuqda dadka dhulka Soomaaliyeed, iyadoo heshiiskaasi la waafaqayo waxaa Degreeto Lr.140 ee 6 September 1957-kii lagu magacaabay labo guddi oo kala ah Guddi siyaasadeed iyo Guddi farsamo oo soo diyaariya Dastuurka Soomaaliya. 1958-kii Gudigii farsamada ayaa soo gudbiyay Dastuur qabyo qoraal ah oo ka kooban 141 Qodob iyo faalo 316 bog ah.

Sandkii 1960-kii ayaa xeer lr 6 ee 8 janayo 1960-kii awood loogu siiyay Golihii Sharci dejinta in ay la wareegaan howsha sameeynta Dastuurka, kulankoodii ugu horreeyay ee 17ka maarso 1960-kii waxa ay ku magacaabeen gudi siyaasadeed soo darso qabyo qoraalka Dastuurka. Gudiga waxa  bilaabay 29 marso 1960 waxa uu gudigaasi yeeshay 42 (afartan iyo laba) fadhi, waxa uuna howshiisa soo dhameeyay 9kii maajo 1960, waxa ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen Qabyo Qaraal dastuur oo ka kooban 104 qodob, Baarlamaankana waxa uu ansixiyay 21 juun 1960. Waxaa Dastuurka Afti dadweyne oo ay HAA ugu codeeyeen 90% dadka codeeyay lagu meel mariyay 20ka juun 1961.

Dastuurka 1990:- Dhamaadkii 1989 iyada oo lagu guda jiro wax a ka badedlka dastuurka markii ay soo baxeen duruufo gaar ah waxaa la go’aamiyay in golaha shacabka xilka sii haayo, soona diyaarsho Dastuurka lagu bedelayo dastuurkii 1979kii maadaama dastuurkaasi uu ogolaanayay in dalka ka jiro hal xisbi oo kaliya si nidaamkana loogu celiyo nidaam dowladeed rayid ah.

Gudigaasi oo doodahooda qaar si toos ah looga tabinayay Raadiyaha Dowladda, waxa ay soo gudbiyeen qabyo qoraal dastuur ka kooban 119 Qodob, iyada oo markii hore qodob qodob baarlamaanka loo horkeenay, waxa baarlamaanka si guud u anisixyay 14 october 1990, waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ee dalka ha yeeshee inta aanan afti dadweeyne la gelin waxaa dalka la wareegay Jabhadihii.

Axdiga 2000:- 26-dii Juun 2000 Ergadii Shirkii Carta waxa ay ansixiyeen Axdiga KMG ee Dowladdii KMG ah ee (TNG) oo ka koobanaa 38 Qodob. Axdigan wuxuu dhisay nidaam Dowlad KMG dimuquraadi ah isla markaana leh ismaamul goboleed.

Axdigii 2004:- Shir dib u heshiisiin ah oo ka bilowday dabayaaqadii 2002 dalka Kenya. Geeddi Socodkaas waxaa lagu gaaray ansixintii Axdiga Federaalka ah iyo Dawladda

Federaalka KMG ah ee (TFG). Axdiga KMG ah waxa uu ka koobnaa 71 Qodob waxa uuna dhisayay nidaam dowladeed federal ah, wuxuu farayey sameynta Guddi 15 xubnood ah oo ay howshiisu noqoneyso in uu dastuur federaal ah ku qoro labo sano iyo bar.

Axdiga 2000:- 26-dii Juun 2000 Ergadii Shirkii Carta waxa ay ansixiyeen Axdiga KMG ee Dowladdii KMG ah ee (TNG) oo ka koobanaa 38 Qodob. Axdigan wuxuu dhisay nidaam Dowlad KMG dimuquraadi ah isla markaana leh ismaamul goboleed.

Axdigii 2004:- Shir dib u heshiisiin ah oo ka bilowday dabayaaqadii 2002 dalka Kenya. Geeddi Socodkaas waxaa lagu gaaray ansixintii Axdiga Federaalka ah iyo Dawladda

Federaalka KMG ah ee (TFG). Axdiga KMG ah waxa uu ka koobnaa 71 Qodob waxa uuna dhisayay nidaam dowladeed federal ah, wuxuu farayey sameynta Guddi 15 xubnood ah oo ay howshiisu noqoneyso in uu dastuur federaal ah ku qoro labo sano iyo bar.

wax ka beddelka Dastuurka:-

  1. Ka doodista wax ka bedelka iyo ansixinta Dastuurka waxaa awood sharci u leh Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.
  2. Gudiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo gudanaya waajibaadka qaanuuni ee ku xusan Qodobka 133 iyo 134 ee Dastuurka KMG, isla markaana kaashanayo Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa warbixinta dib u eegista Dastuurka oo ay ku lifaaqantahay soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka isla markaana diiradda lagu saarayo ujeedooyinka iyo hadafka la hiigsanayo iyadoo ay sugantahay waafaqsanaanta Dastuurka soo jeedimaha wax ka bedelka, u gudbiyo gudoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka.

III. Gudiga oo ku shaqeeynaya Dastuurka iyo qaraarada xeerinaya habraaca loo marayo dib u eegista dastuurka ayaa baarlamaanka la wadaago kala saaris ku saabsan qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay si ay u cadaadaan qodobada farsamo iyo qodobada u baahnaa wada xaajoodka siyaasadeed.

  1. Xubnaha Baarlamaanka marka loo qeebiyo nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka oo hab qaanuuni ah loogu soo dhafay araktida xildhibaanada lana socoto faalooyin qodobada u baahan heshiis siyaasadeed waxa ay dood ka yeelan doonaan cutub kasta oo wax ka bedel lagu sameeyay ama qodobada u baahan in si gaara loo dul istaago.
  2. Baarlamaanka Federaalka waxaa uu aqbalayaa wax ka beddelka la soo jeediyay kaliya intii lagu ansixiyay cod kama danbaysa codkaas oo ay u qaadeen ugu yaraan sadex meelood laba meelood xubnaha ku jira aqalka Baarlamaanka Federaalka, balse waxaa muhiim ah nooca codaynta sida ay noqoneeyso qarsoodi ama gacan tag, Cutub, Qodob ama Qodobo in la cadeeyo, maadaama Dastuurka uu yahay sharciga ugu sareeyo dalka, waxa ay dadka qaar aaminsanyihiin in codaynta aysan noqon qarsoodi si xildhibaanka uu si toos ah ugu xaqiijiyo aragtidiisa dadka iyo deegaanada uu matalayo.
  3. Nuqulka Dastuurka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa loo dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qodobaka 85 ee Dastuurka, waxaana lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga ah si uu u yeesho dhaqan gal ku meel gaar ah.

VII. Si dastuurka uu u helo dhaqan gal joogto ah waa in uu helaa afti ay ka qayb galayaan codbixiya-yaasha muwaadiniinta oo idil, si siman oo waafaqsan hanaanka codenytana u dhiibtaan codayn madax-banaan oo ay codbixiya-yaasha ku ogolaadaan Dastuurka isla markaana aftidaasi ay ansixiso Maxkamadda Dastuuriga.

Haddaba Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalintii shalay khudbada Jimcaha kadib ayaa ma kale ka hadlay Dasuurka iyo dhameystirkiisa waxa uuna yiri’ Dastuurka wali dooddiisu waa socotaa inta la soo dhaafay qof kasta oo dood qaba waa furan tahay, waa soo bandhigi karaa waan soo dhoweyneynaa, balse hal mid ma furna dastuurka hala joojiyo hala hakiyo taas waddo furan ma ahan waa xiran tahay,”.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Dowlad sharciga ku xooggan, hay’adaheedu xooggan yihiin si loola jaan qaado adduunyada carsiga ah ee dhijitaalku uu hagato.

Sidoo kale, Madaxweynaha JFS ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhaceyso, islamarkaana uu ka dhabeynayo balan qaadkiisii ahaa in ciddda qaabeyneyso mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed uusan ku imaan xoog, balse taas beddelkeeda shacabka iyagu ay soo doortaan.

” Waxaan balan qaadnay dalkan iyo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kor oo meesha ugu sarreysa oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ah ilaa meesha ugu hooseyso oo Dowladda hoose oo degmo hebel ah dadka inaanu u talinin, taladoodana ka talinin qof aanu iyagu dooranin oo taladu aan u dhiibanin, noo haay talada adiga aanu dhihina, iska yimid ama koox yar ay keensatay ama xoog ama sida lagu balamin ku yimid, intuu iska yimaado uu dalku iska xukumin, sidaasi daraateed doorasho qof iyo cod ah ayaa balan qaadnay, doorashadaasi qof iyo codka ah Ilaahey idinkiisa waa ay dhaceysaa, fursad kale malahan, dadkeennu waa in ay doorataan cidda mataleysa, cidda go’aanka u gaareysa, cidda mustaqbalkooda qaabeyneysa, cidda tantooda ka shaqeyneysa waa in ay iyagu doortaan,” ayuu sii sheegay Madaxweyne Xasan Shiikh.

Dalal badan oo soo dhoweeyay go’aanka Qaramada Midoobay ee dib u eegista xubinnimada Falastiin

0

Dalalka Masar, Sacuudiga , Ciraaq,Turkiye iyo kooxda Xamas ayaa soo dhoweeyay qaraar uu soo saaray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaasoo ku baaqayay in dib loo qiimeeyo xubinnimada Falastiin ee dhinaca Qaramada Midoobay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalaka Masar,Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq ayaa sheegay in qaraarku si cad u muujinayo xaqa sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta iyo in ay dhistaan dowlad madax-bannaan oo ku saleysan xalka laba waddan.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar ku baaqaya in dib loo qiimeeyo dalabka Falastiin ee xubinnimada Qaramada Midoobay iyo bixinta xuquuqo dheeraad ah.

Qaraarkan oo ay garwadeen ka ahayd Imaaraatka Carabta (oo wakiil ka ah Kooxda Carabta) ayaa lagu meel mariyay is-afgarad weyn, iyadoo 143 dal oo xubnaha ka ah ay u codeeyeen.

Falastiin ayaa sanadkii 2011 ka codsatay in ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay balse ma aysan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee Golaha Ammaanka waxaana diidmada qayaxan ku horistaagay Mareykanka,inkastoo sannadkii 2012-kii Falastiiniyiintu ay heleen kursi ah in ay goobjooge ka noqdaan Qaramada Midoobay.

Xamaas ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ahaa in dib loo eego dalabka xubinnimada Falastiin.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha caafimaadka ayaa booqday aqalka looga arimiyo Magalaada Ohio ee dalka Mareykanka

0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha caafimaadka Xildhibaan Dr. Cabdirashid Maxamed Nur (Jilley) ayaa booqday aqalka looga arimiyo Magalaada Ohio ee dalka Mareykanka, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Xildhibaan Ismaaciil Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka hoose ee Magaalada Ohio, Columbus.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashid Jilley ayaa kulamo balaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Columbus Ohio, waxayna booqashadaas kamid eheyd safaro gaar ah oo ergayga uu ku gaaray dalka Mareykanka.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay dhammeystir dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo ciribtirka Khawaarijta

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhaMmeystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ay ka balan qaadeen Dowladnimo oo ay ugu horeyso in qofka Soomaaliga ah cabsi la’aan uu seexdo  si halkaas loo gaarayana u baahan tahay in qiimo la bixiyo waana la bixinayaa oo wiilal Soomaaliyeed oo geesiyaal ah ayaa dhiiggooda u daadanaya si hooyo iyo Aabe Soomaaliyeed ay nabad ugu seexdaan.
” In aan mararka qaarkood codkeyna ka baqeylno ama aan codkeyna uga hortagno wiilkaas Soomaaliyeed sababta uu u bixinayo dhiiggiisa cagsigeeda aan uga shaqeyno ama maamul haddii ay tahay maamulka qaloocinaa, dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan markale iyo markale waxaan ugu celinayaa nabadda yaan laga cabsanin, Dowladnimada dhismeysa yaan laga baqin, Khawaarij sii dumeysa yaan laga baqin, aan isku duubnaano iskana dulqaadno argagixisada,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynaha JFS ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhaceyso, islamarkaana uu ka dhabeynayo balan qaadkiisii ahaa in ciddda qaabeyneyso mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed uusan ku imaan xoog, balse taas beddelkeeda shacabka iyagu ay soo doortaan.
” Waxaan balan qaadnay dalkan iyo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kor oo meesha ugu sareyso oo madaxweynaha jamhuuriyadda ah ilaa meesha ugu hooseyso oo Dowladda hoose oo degmo hebel ah dadka inaanu u talinin, taladoodana ka talinin qof aanu iyagu dooranin oo taladu aan u dhiibanin, noo haay talada adiga aanu dhihina, iska yimid ama koox yar ay keensatay ama xoog ama sida lagu balamin ku yimid, intuu iska yimaado uu dalku iska xukumin, sidaasi daraateed doorasho qof iyo cod ah ayaa balan qaadnay, doorashadaas qof iyo codka ah Ilaahey idimkiisa waa ay dhaceysaa, fursad kale malahan, dadkeennu waa in ay doorataan cidda mataleysa, cidda go’aanka u gaareysa, cidda mustaqbalkooda qaabeyneysa, cidda tantooda ka shaqeyneysa waa in ay iyagu doortaan,”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri’ Dastuurka wali dooddiisu waa socotaa inta la soo dhaafay qof kasta oo dood qaba waa furan tahay, waa soo bandhigi karaa waan soo dhoweyneynaa, balse hal mid ma furna dastuurka hala joojiyo hala hakiyo taas waddo furan ma ahan waa xiran tahay,”.
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Dowlad sharciga ku xooggan, hay’adaheedu xooggan yihiin si loola jaan qaado adduunyada carsiga ah ee dhijitaalku uu hagato.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xadgudub ka dowladda Itoobiya ay ku hayso madaxbanaanida

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Salaadda Jimcaha uga hadlay xadgudub ka dowladda Itoobiya ay ku hayso madaxbanaanida, gobnimada,midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in wali ay rejo ka qabaan in horumar laga gaari doono qadiyada ku saabsan xadgudubka Itoobiya.

“Waxaan rabaa in ay dadka Soomaaliyeed iyo dadka Itoobiya ay ogaadan arrintaan wax ay salka ku hayso,dadka hoggaamiyaasha ah mararka qaar haddii ay tubtu ka wareerto dhibaatooyin badan ayaa ummadaha soo qaabila,sidaan horay u sheegnay Soomaaliya iyo Itoobiya waa laba dal oo daris ah, waddo aan ahayn in xiriir iyo cilaaqad wanaagsan ay yeeshaan fursad aan ahayn uma furnaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray “Mararka qaarkood madaxda soo marta ayaad mooda damacooda iyagoo aad uga fiirsaniin ummaddaan iyo tariikhadoodii hore ay soo mareen ayeey ka faa’iidaystaan,qaladna waxaa ugu daran midka inta gasho ee aad aragto in u dhibaato lee yahay ee aad gacmaha uga gubto oo aad ku noqnoqto,waxaana wanaagsan in aad cashir ka barato.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta ugu rajo roontahay oo ay cagaheed in ay isku taagto rabto,isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxaa jira dad badan oodunida  jooga oo anagga dhexdeen Soomaalida ku jira, oo dagaalku u sahlan yahay kana baqin oo ku dhiiran laakiin nabadda ka cabsada oo aaminsan in awoodiisa ay wiiqmayso, ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Xukummadiisa ayaa mar kale waxay istuseyeen in Soomaaliya ay soo kabaneyso oo ay soo socoto marka inta aaney soo gaarin meesha ay ku habooneyd halaga faa’iidaysto oo tariikhdii fogeyd oo ay waligeed bad ku raadin jirtay Itoobiya aan uga faa’iidaysano, sidaas ayaana keentay isku dayga maanta jiraa in u yimaado, waxay doonayaan siday aaminsan yihiin in taariikh qarniyo hore qaldantay ay soo saxaan  balse sida ay wax ku doonayaan waxba kuma sixi karaan”.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimaha dhameystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka dalka iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta, arramaha doorshada dalka.

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay ka fuli rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey dabagal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyadoo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, isla markaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya, iyo arrimaha Puntland, sida Dimuqraadiyadda Puntland, dardargelin mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

0

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland, iyadoo munaasabadda soo dhaweynta wasiirka ay soo qaban qaabiyeen labeenta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.