Home Blog Page 325

Shirka golaha wasiiradda oo looga hadlay xaaladda amni ee dalka

0

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shirka golaha Wasiiradda, kaasi oo laaga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo la ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethopia iyo Turkiga.

Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca iyo Waxbashada Tacliinta sare.
Sido kale golaha ayaa ansixiyey soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowladda.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka Wasaaradaha Gaashaadhigga iyo Amniga Gudaha oo soo bandhigay howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu xoreynayey isla markaana lagu xasillinayey dalka.
Golaha ayaa bogaadiyey guulaha is daba jooga ah ee ay ciidamadu ka gaarayaan furimaha dagaalka ee cadowga lagu baacsanayo, wuxuuna goluhu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dalka u leedahay dabargoynta kooxda Khawaarijta ah in loo midoobo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey dhiggiisa dalka Ethiopia, Mudane Dekeme Mekonnen Hassan iyo wafdi oo uu hoggaaminayo.

Wafdiga ka socda dalka Itoobiya ayaa u yimid caasimadda Muqdisho sidii ay wada hadallo ku dhisan danaha labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashi dhinacyada kala duwan ee u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa xusay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh o kulan la qaatay hogaannada Taliska ciidanka xoogga dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la kulmay hogaanada taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo qorshaha dalka looga ciribtirayo khawaarijta.

Kulanka waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali iyo hoggaannada kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hogaanada taliska CXDS ayaa la wadaagay Madaxweynaha qorsheyaal muddo kooban Khawaarijta dalka looga sifeynayo, iyaga oo adkeeyay sida naf-hurnimada iyo geesinimada leh oo habeen iyo maalin ugu taagan yihiin difaaca qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladdu ay qorshe cad ka leedahay dhammeystirka baahiyaha ciidanka iyo dalacsiintooda, waxa uuna saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda si looga guuleysto argagixisada dhibka ku haysa dadka iyo dalka.

Guddoomiyaha gobalka banaadir ayaa xarunta dowlada hoose ku qaabiley  ergayga gaarka u qabilsan Soomaaliya iyo Soomaliland

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana Kulankan goob Joog ka ahaa Guddomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa bogaadiyay xoojnta dadaalada kor loogu qaadayo wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland, islamarkaana uu maamulka gobolka Banaadir diyaar u yahay garab istaaga talaaba kaste oo qeyb ka ah wada hadaladaasi.

Ergayga gaarka ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho garab istaaga uu u muujiyay talaabooyinka socda ee looga mira dhalinaayo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan walaalaha soomaaliyeed ee reer Soomaliland.

Howlgal qorshaysan oo ay ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen deegaanka Baraag Cali gaduud

Deegaanka Baraag Cali gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa howlgal qorsheysan ay ka sameyeen ciidamada xoogga dalka waxaa lagu dilay in ka badan 20 Maleeyshiyaada ka tirsan Khawaarijta ee Al-shabaab.

Howlgalkaan Qorshaysan ayaa yimid ka dib markii ay heleen ciidamada xog sheegaysa in halkaasi ay baro ay dagan yihiin Khawaarijta ay isku aruursanayaan iyadoo ay ciidanka ay ku soo afjareen maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa oo lagu laayay.

Guddoomiyaha degmaada Xarardheere Maxamed Yuusuf Kulmiye oo la hadlay warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay in howlgalku ahaa mid qorshaysan oo looga sifaynayay haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee sida dhumaaleysig ah isku dayay in ay isku urursadaan deegaannadda hoos taga gobolka Mudug.

Degmada Xarardheere ayaa tan iyo markii laga xoreyay Khawaarijta waxay ka soo kabaneysay dhibaatooyinkii ay ugeysteen intii ay gacanta ugu jurtay maleeshiyaadka Khawaarijta ee Al-shabaab oo ay dadka degmaadaasi ay mahadiyeen in ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka oo iskaashanay in ay gacanta ku dhigeen oo ay degmada heshay ifafaalo dowladnimo.

 

 

Dowladda Soomaaliya oo Khaarjisay Saddex horjooge sare oo Khawaarijta ka tirsanaa

0

Hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada Difaaca Shacabka ayaa lagu dilay saddex horjooge oo mas’uul ka ahaa falalka diinta ka baxsan ee Khawaarijta ka fulin jireen Galmudug.

Hawlgalka oo xalay ka dhacay Galbeedka Ceel-La Helay waxaa lagu dilay Olol Cali Guuleed oo ahaa madaxii abaabulka jabhadaha Khawaarijta, Shuuke Cali Dheeg iyo Ciise Barre oo iyaguna ahaa labo dembiile oo lagu daba jiray.

Hawlgalka oo ahaa mid si xirfadaysan loo qorsheeyay loona fuliyay waxa uu dhabarka ka jabiyay guud ahaan Khawaarijta gaar ahaan kuwa ku dhuumaalaysanaya Galmudug.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka deegaanka ee gacanta ka gaystay fududaynta hawlgalka.

Waxaa ka go’an Dowladda oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed in la ciqaabo dhagar qabeyaasha Khawaarijta ah ee ku dhiirran falalka shacabka iyo dalka lagu dhibaateynayo, isla markaana ka dhaga adayga in ay ka haraan fikirka iyo ficilada Khawaarijta.

 

kulan ka dhacay dalka Qadar oo looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan

0

Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa kulan miradhal ah la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Qatar Marwo Xamda Bintu Xasan Al-Salaiti.

Kulanka Xildhibaan Maxamuud iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Qatar ayaa looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qatar, Qorshaha horumarinta dhaqaalaha dalka, sidoo kale Xildhibaanka ayaa Guddoonka Baarlamaanka Qatar la wadaagay dhambaal uu ka siday Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ahaa xoojinta xiriirka labada baarlamaan.

Khawaarijta oo qarax Miino ku laysay dad Shacab ah deegaanka Ceel-lahelay

-Haweeney iyo labo Carruur ah ayaa ku geeryooday Qarax Miino oo maleeshiyada Khawaarijta ah ay ku qariyeen guri ay ku noolaayeen oo ku yaalla nawaaxuga Deegaanka Ceel-lahelay oo shalay laga xoreeyay Khawaarijta.

Ciidanka Qaranka ayaa u gurmaday qooyskaas ay dhibaatadu ka soo gaartay iyagoo goobta kasoo qaaday labo ruux oo Shacab ah kuwaas oo ku dhaawacmay Miinada Khawaarijta Al-shabaab ay ku qariyeen guriga.
Gulufka dagaalka ee ka dhanka ah maleeshiyad Khawaarijta Al- shabaab oo ay ku jabeen muddadii u socday waxaan ay ciidamada xoogga dalka ay kala wareegeen goobo badan oo ay ku dhumaaleysan jireen dadka shacabka ahna ay ku waxyeeleen jireen.

Guddoomiyaha D/Kaxda “Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle waxay heystaan fursad weyn oo ah in Madaxwaynihii dalka uu furimaha dagaalka kula jiro”.

0

Guddoomiyaha Degmada Kaxda  ee Gobolka Banaadir oo ka qayb galayay Barnaamijka Raad-raac oo ka baxa Telefishinka Qaranka C/laahi Sheekh ayaa sheegay in Khawaarijta ay deegaannadda ay ku sugan yihiin ka xanibeen in dadka ay helan Caafimaadka,waxbarshada oo ay ugu horeyso dugsiyada lagu barto Qur’anka kariimka ah.

”Baabi’inta goobah dadka Soomaaliyeed ay dagan yihiin maah mid diin ku salaysan,nabigeena naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato  salalaahu calayhi wasalam waligees magaalo ma baabi’in xata jiif caaqilkeeda ma dilin,ka jooga ayuu dhihii jiray waan uga digi jiray dadka,waan la garanaya qofka wax dhisaha,

Hadii ay wax noo dhisayaan Khawaarijta Al-shabaab oo ay dad wanaagsan yihiin muddo 15-sanno ah deegaannaddii ay haysteen kama ay joojiyeen dugsiyada lagu barto Qur’anka,goobihii Caafiimaadka noloshii cadiga ahayd ee dadka ay ku noolayeen oo gaajo uma dileen dadka ku sugan goobah ay joogaan,Nabigeena Muxammed salalaahu calayhi wasalam diintiisi hadii ay wadaan waa ku dhaqmi lahaayeen waana diin nabad galyo diinta islaamku,Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle waxay heystaan fursad weyn oo ah in Madaxwaynihii dalka uu furimaha dagaalka kula jiro”.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Madaxweynihii Hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aadan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.
Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.