Home Blog Page 325

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

0

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay xarunta Madaxtooyada KGS ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo Maanta howlo shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo Khawaarijta iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta mashaariic loogu talagalay DG KGS oo ay hay’adda SoDMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa Wasaradda Gargaarka KGS, mashaariicdaas oo uu maal geliyay Bankiga Aduunka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo maanta booqday safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe” ayaa booqasho ku tegay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,waxaana kusoo dhaweeyay Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Amb Jabril Ibrahim Abdulle

Gudoomiye Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe” ayaa Kormeeray qaybaha kala duwan ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayuu Danjire Jabril Ibrahim Abdulle uga warbixiyay howlaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed loo qabto.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe” iyo wafdi Xildhibaano ah oo la socda ayaa howlo shaqo u yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Saraakiil ka tirsan (CXDS) ayaa tababar loogu soo xiray dalka turkiga.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu soo xiray dalka turkiga.
Saraakiishan ayaa muddo halkaasi ku qaadanayay koorsooyin la xariira barashada qibradaha muhiimka u ah ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ku jira halganka dalka looga sifaynayo Argagexisada.
Saraakiishan oo la filayo ineey dhawaan dalka ku soo laabtaan ayaa la rajaynayaa ineey gacan wayn ka gaysan doonaan hormarinta howlgalada sifaynta ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed wadaan ee ka dhanka ah khawaarijta iyo dhaman howl shaqeedyada kale ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo dalka Baxreyn kula kulmay dhigiisa dalkaas

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Baxreyn kula kulmay Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Baxreyn Dr. Ramzan bin Abdullah Al Nuaimi.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wasaaradood ee dhinacyada Warbaahinta iyo Dhaqanka, iyadoo la isla gartay in labada dhinacba ay si deg deg ah uga shaqeeyaan arrimahaas.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa u mahadceliyey Boqortooyada Baxreyn soo dhoweynta iyo martigelinta shirka 54-aad ee Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Carabta, isagoo sidoo kale uga mahadnaqay mowqifka cad ee Boqortooyada Baxreyn ka qaadatay dhowrista , wadajirka iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Baxreyn ayaa carabka ku adkeeyay sida qotada dheer ee xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Boqortooyada Baxreyn iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee walaalaha ah, kaas oo ka muuqda horumar is daba joog ah oo ka tarjumaya sida ay ugu heelan yihiin labada dal ee walaalaha ah si loo gaaro dano guud.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa magaalada Manama uga qayb galay shirka Wasiirrada Warfaafinta dalalka Carabta meertadeeda 54-aad kaas oo arrimo muhiim ah oo la xiriira danaha waddamada Carabta looga hadlay.


Wasiirka Warfaafinta XFS oo dalka Bahrain uga qeybgaley shirka Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Manama, 29 May 2024: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Bahrain uga qeybgaley meertada 54aad ee shirka Wasiirrada Warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo, sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walaalahooda reer Falastiin iyo in degdeg xabbad joojin looga hirgeliyo dhulka Falastiiniyiinta oo dhibaato bani’aadminimo oo aad u daran ay ka taagan tahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daud Aweis ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay qadiyadda reer Falastiin, isla markaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhammaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qaddiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo in dalalka Carabta ay la jaanqaadaan horumarka saxaafadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daud Aweis Jama yaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Boqortooyada Bahrain oo martigelinta shirkan muhiimka ah, iyadoo Bahrain ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.

Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortooyada Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa, ayaa isna maanta Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhammaan Wasiirrada Warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta. Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday waxaa Wasiirka Warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA QEYB GALAY SHIRKA GUDDOOMIYAASHA BAARLAMAANADA EAC.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA QEYB GALAY SHIRKA GUDDOOMIYAASHA BAARLAMAANADA EAC.

Nairobi, Kenya, 29 May 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka guddoomiyaasha baarlamaanada wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bulshada Bariga Africa (EAC) oo maanta si rasmi ah uga furmay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Shirkan oo looga hadlayo xalinta caqabadaha hortaagan horumarinta ajandayaasha ururka ayaa guddoomiyaasha ka qeybgalay furitaankiisa waxa ay ka hadleen muhiimadda uu shirkan u leeyahay horumarinta ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka shirka ayaa marka hore dowladda Iyo shacabka Kenya uga mahadceliyay soo dhoweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna sidoo kale sheegay in shirkan uu ku soo beegmay wakhti loo baahnaa muhiimna uu u yahay howlaha ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sheegay in Soomaaliya si la mid ah dalal badan oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ay sanadihii u dambeeyay la kulmaysay caqabado badan, hadana, adkeysi, go’aan, iyo taageerada saaxiibada gobolka ay sameysay horumarro la taaban karo oo ay kaga gudubtay caqabadahaas.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay isbedelada horumarka ee hada dalka ka socda ayaa yiri:- “Soomaaliya maanta waxay cagta saartay wadadii horumarka iyo soo kabashada, dhaqaaluhu waa uu kobcayaa, xaaladda ammaankuna waa soo hagaagaysaa, bulshada Soomaaliyeedna waa kuwa firfircoon, waxayna  hamuun u qabaan inay dhistaan mustaqbalkooda “

Ugu dambeyn waxa uu Guddoomiyaha sheegay Soomaaliya in diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato horumarka Bariga Afrika islamarkaana ay noqoto dal xubin firfircoon ka ah ururka, sidoo kalena Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ka go’antahay wada shaqeynta saaxiibadiisa Bariga Afrika si loo dhiso mustaqbalka nabada, xasilooni iyo barwaaqo ay helaan dhamaan Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay shirka sanadeedka Madaxda Afrika iyo Bangiga Horumarinta Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bangigaga Horumarinta Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar iyo kobac dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Shirkan oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa madaxda Bangiga horumarinta Afrika ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa gunaanadka shirkan kadib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024.

“Walaalaheena Turkiga waxay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeena, hormarintooda iyo la dagaalanka Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Dowlad Goboleedka Galmuudg.

Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Dowlad Goboleedka Galmuudg.

Shirkaan oo ah kii 3aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, Warbixinta iyo hadafka horumarinta Kalluumeysiga, ka doodista iyo Hirgalinta Habraacyada Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC) iyo mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah, Jillaabashada noole biyoodka dabar go’aya, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo la socoshada saameynta isbadalka cimilada ee deegaan xeebeedyada.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo hadal kooban ka jeediyey shirka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee laga qabtay horumarinta Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga wanaagsan ee kheyraadka badaha ee dalka, waxa uu sheegay in Kalluunku uu kamid yahay kheyraadka uu ALLE ku manneystay dalkeenna haddii si wanaagsan looga faa’iideystana ay horseedi karto in la gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa furitaanka shirka ka sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray shirarka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga, waxa uu sheegay in mudnaansiinta horumarinta Kalluumeysiga qaranka ay tahay waxyaabaha munaanta koowaad u ah golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Wasiirada Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedyada Jubaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, iyo ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wada jir ah u sheegay in meel looga soo wada jeesto sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta Kalluumeysiga.

Shirkan ayaa la filayaa laga soo saaro warmurtiyeed lagu faahfaahinayo qodobada mudnaanta u leh golaha ee diiradda la saari doono si guulo looga gaaro ajendeyaasha qaran iyo heer federaala ee dhinaca Kalluumeysiga.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka 𝟐𝟏-𝐚𝐚𝐝 ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 𝟐𝟏-𝐚𝐚𝐝 ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) xili Magaalada Nairobi uu ka soconayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray

1. Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan.

2. Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arkiis, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii.

3. ⁠Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa waxa uu diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Isku xirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ka filaysaa natiijo dhaqaale oo aad u sareysa marka ay hirgalaan qorshayaasha Madashaan iskaashi ee dalalka geeska Afrika oo hada meel wanaagsan maraya.