Home Blog Page 318

Wasiirka Duulista Soomaaliya oo kulan fogaan arag ah la qaadatay Mudane Jean Todt

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada H.E Fardowsa Osman Egal oo uu wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Bashir Moallim Ali Hassan,ayaa kullan miro dhal ah la qaaday Mudane Jean Todt, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Waddooyinka.

Labada dhinac, ayaa kaa ka wada hadlay muhiimada iskashi iyo wada shaqeyn dhaw ay u leedahay ka miro dhalinta hawlaha hortabinta leh ee Wasaaraddu hormuudka ka tahay. Sidoo kale waxaa la isla qaatay muhiimada yareenta shilalka Waddooyinka, iyo sal u dhigida shuruucda mabadgaliyada waddooyinka si loo dar-dargeliyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fardowsa Osman Egal, ayaa uga mahadcelisay Ergeyga Gaarka, iyadoo hoosta ka xariiqday iskaadhiga dhaw ee ka dhaxeya Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobe.

Madaxweynaha JFS ayaa Xeer Madaxweyne ku soo saaray Talisyo cusub CXDS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray Talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo kala ah, Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, Taliska Tababarada CXDS, Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.
Talisyadan ayaa waxaa loo kala magacaabay S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheikh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah) G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda), G/Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka), G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS).
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay in ay halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, isagoo xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

Duqa Degmada Gaalkacyo oo kulan la yeesha Qeybaha kala duwan ee Bulshada

Maamulka Dagmada Galkacyo ee Galmudug oo kulan looga Arrinsanaayo Ka qeyb qaadashada Horumarinta Dagmada la qaatay Qeybaha kala duwan ee Bulshada. Duqa Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, ayaa bulshada kala hadlay sida ay u kala muhiimsan yihiin,Howlaha sida waddooyinka in laga bilaabo howsha.

Kulanka, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Sanduuqa Horumarinta Dagmada Gaalkacyo, Ganacsato iyo Xubno ka socday Ururada Haweenka iyo Dhallinyarada. Gudiga Santuuqa Horumarinta Dagmada Gaalkacyo, ayaa warbixin ka bixiyay halka ay marayaan qorshaha Horumarinta , iyadoo sidoo kalane la wadaagay ganacsatada kulanka joogtay sida loogu baahi qabo kaalintooda ka qeyb qaadashada dhismaha Waddooyinka casri ah oo dhawaan laga hirgelinayo Gaalkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, ayaa uga Mahadceliyay xubnaha guddiga Horumarinta iyo xubnaha ka socday Mashruuca Talowadaag, ” waan idin kaga mahadcelinayaa Shaqada ballaaran oo aad bulshada reer Gaalkacyo u haysaan, Ganacsatada siiba Shirkadaha Waxaan ka codsanaynaa in ay buuxiyaan kaalintooda ka qeyb qaadashada Mashaariicda Horumarinta, si gaar ah Dhismaha Waddooyinka.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya oo soo xiray Shirka Mashruuca isku xirka dhijitaalka Bariga Afrika 

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali),ayaa Magaalada Nairobi ku soo xiray Shirka xoojinta Mashruuca isku xirka dhijitaalka ee Bariga Afrika oo socday muddo Afar maalmood ah, waxaana ka soo qeybgalay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝗞𝗿𝗶𝘀𝘁𝗶𝗻𝗮 𝗦𝘃𝗲𝗻𝘀𝘀𝗼𝗻, Maareeya’yaasha, Madaxa Mashruuca EA-RDIP, Lataliyaasha iyo howlwadeenada Wasaaradda.

Shirkaan ayaa looga hadlay maraxaladaha uu soo maray Mashruuca EA-RDIP, halka la hiigsanaayo, howlaha qorsheysan in la fuliyo iyo qaabka loo qabanaayo sannadkan inta ka dhiman.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xildhibaan Maxamed Soomaali oo ka hadlay xiritaanka Shirka ayaa sheegay in Mashruucaani yahay mid iskuxiraayo Bariga Afrika, Soomaaliyana ay ka faa’iidii doonto baahinta Internetka in la gaarsiiyo meelo badan oo dalka ka mid ah si kor loogu qaado Dhaqaalaha iyo xoojinta dhijitaalka.

Wasiirka, ayaa muddadii uu shirku socdey shir doceed la qaatay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson, Waxa uuna kala hadalay sidii la isugu duwi lahaa deeqaha Horumarinta dhijital ah ee Soomaaliya, maadaama Wasaaraddu u igmantahay dejinta siyaasadaha Qaranka, shuruucda iyo xeerarka la xiriira Isgaarsiinta, iyo Teknolojiyada Dalka.

𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝗮 𝗜𝘀𝗸𝘂𝘅𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗵𝗶𝗷𝗶𝘁𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗚𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗿𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮 (𝗘𝗔-𝗥𝗗𝗜𝗣) waxa uu diiradda saarayaa Horumarinta isgaarsiinta casriga ah, Waxaana u xilsaaran fulintiisa Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiada, waxaana maalgeliyey Baanka adduunka, iyadoona si gaar ah u maamuli doono Unugga Fulinta Mashruuca (Project Implementation Unit) waxa uuna leeyahay xubno wakiillo ah oo ka shaqayn doono dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Labo Xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka 

Cali Xasan Cali oo looyaqaano ( Cali Dheere ), ayaa isku soo dhiibey Taliska Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soonaaliyeed oo fadhigeedu yahay Degaanka Goof Gaduud Buurey.

Ninkaan, ayaa Tababaro kala duwan kusoo qaatey Gobalada Baay iyo Shabeelada Dhaxe, waxa uu qeyb qaatey Dagaalo dhowr ah, kuwaas oo ka dhacay Degmooyinka Aadan yabaal,Masaajid Cali Gadud,Iyo Qeybo kamid ah Mudug iyo GalGaduud .

Ninkaan ayaa ka tirsanaa muddo 12sano ah,Kooxda khawaarijta ah.Maxamed Deeq Abdullahi Cali, ayaa Asna saakay isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed oo fadhigeedu yahay Degaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw Ee Gobalka Baay, oo ay ku sugan yihiin Cutubyo Katirsan Taliska Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maxamd deeq ayaa yiri ” Dadka shacabka ah dhibka loo geesto aniga raali waan ka ahaan waayay, waxaan doortay inaan isu soo dhiibo geesiyaasha dalka,”.

Maxamed Deeq wuxuu Maleeshiyaadka Khawaarijta ah,Ay siyeenTababaro wuxuuna kusoo qaatay Tababarkiisa Degaanka 20 jirow ee Gobalka Baay. wuxuuna u qaabilsanaa aruuntinta lacagta Baada ah ee Shacabka Soomaaliyeed laga qaadayay.

Cali dheere ayaa yiri ” Waxaan u adkaysan waayay,Dhibatada shacabka lagu haayo,Oo ayaga oo baahan looga qaato xoolahooga,Alxm haddii jidkii xummaa alle iga soo badbaashay”.

Ugu Dambeyn Cali Xasan iyo Maxamed Deeq, ayaa Si wadajir ah Saxibadooda Duurka jira ka codsadey in ay isku soo Dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Oo ay kamid noqdaan Bulshada Soomaaliyeed,Ee nabadda iyo hormarada ku sugan.

 

Kumanaan Arday ah oo maanta u soo dhammaaday Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 8aad 

Inka badan 35,307 Arday oo dhiganeysay Fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe, ayaa si rasmi ah ugu soo xirmay Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka,kuwaas oo ka kala tirsana 656 School oo Gobolka Banaadir ah.

kusimaha Guddoomiyaha,ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda,ayaa si wadajir ah u soo xiray qaadista imtaxanaadka Fasalka 8-aad ee Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Ardayda sannadkaan loo soo xiray Imtixaanka shahaadiga ah, ayaa waxaa ay kala yihiin 19,766 Wiil iyo 15,541 Gabdhood sida u sheegay Agaasimaha guud ee Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir,Mudane Maxamed Yuusuf Nuur, isagoo intaas raaciyay in Ardayda loo soo xiray Imtixaanka ay ka  mid yihiin Arday Baahiyaha gaarka ah qaba,kuwaas oo si guud uga qeyb galay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiyada dhaxe.

Waxaana maanta waddooyin waaweyn ee magaalada Muqdisho lagu arkayay,Kummanaan Arday ah oo aad ugu faraxsan Imtixaanka u soo dhammaaday.Waxaana u suurta gashay Maamulka Gobolka Banaadir inow qaado Sanadkii 5aad Imtixaanka Dugsiyada dhaxe ee Shahaadiga ah.

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo heshiis la Saxiixday guddoomiyaha Qatar Charity 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu heshiis Istaraatiiji ah kula Saxiixday Guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity Xafiiskeda Soomaaliya Mudane. Cabdifitaax Aadan Macallin.

U jeedka heshiiskaan, ayaa ah in laga wada shaqeeyo ka soo kabashada dhibaatooyinkii ka dhashay musiibooyinka, u adkaysiga aafooyinka, xoojinta gargaarka bini’aadamnimo, tayeynta awoodaha shaqaalaha hay’adda SoDMA iyo in laga tageero helista keydad Gargaar oo ay hay’adda ka dhisanayso Dowlad Gobaleedyada.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah heshiiskaan in Qatar Charity ay hey’adda SoDMA ka saacido helitaanka Agabka gurmadka deg-deg ah, qalabaynta xarunta Qaran ee howlgallada iyo in wadajir la iskaga kaashado ka jawaabista xaaladaha ay sababeen Musiibooyinka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda, Agaasimayaal iyo Mas’uuliyiin kale.

Gollaha Wasiirrada oo Ansixiyey Xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo guddoomiyey Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa waxaa Wasaaradda Gaashaandhigga looga dhageystay warbixin ku saabsan bixitaanka ciidanka ATMIS iyo qorshaha u diyaar garowga Ciidanka Qaranka uu kula wareegi lahaa mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, marka ay baxaan bisha Diseember 2024.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ah, ee ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan gobollada dalka, gaar ahaan dagaalladii ugu danbeeyey ee ka dhacay Jubbaland iyo Galmudug oo ay guulo waaweyn ka gaareen.

Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka dhageystay warbixin ku saabsan u diyaar garowga imtixaanka Qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024, kaas oo si xiriir ah sanadkii 10aad si isku mar ah looga qaadayo gobollada dalka, iyada oo sanadkaan imtixaanaadka u fariisan doonaan in ka badan 37,000 oo arday.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey xeer-nidaamiyaha sharciga Xafiiska Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka oo xoojinaya dhaqan gelinta sharciga xafiiska, kaas oo muhiim u ah kor joogteynta nidaamka maareynta maaliyadda dalka.

 

Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo kulan xog-wareysi ah kula qaatay Mas’uuliyiinta Dowladda Magaalada Makkah

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali, ayaa kulan xogsiiin la yeeshay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda oo sanadkaan qeyb ka ah Xujaayda Soomaaliyeed ee ku sugan, Magaalada Makkah ee Dalka Sacuudiga.

Kulankaan oo ay ka soo Qeyb galeen, Xildhibano, Wasiiro, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Gobolka Banadir.Oo halkaas u joogo inay gudtaan Wajibaadka xajka.

Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay dhamaantood, ayaa si weyn u amaaney howlaha adeegga Xajka Sanadkaan oo ay wado Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo dhinaca kalena ku baaqey in dadaalka la Sii badiyo.

Waa markii ugu horreysay oo kulan noocaan oo kale ah madax ka socota Dowladda Federaalka loogu qabto Magaalada Barakeysan ee Makkah, ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiiboyinka qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Abdulle oo ay Wehlinayaan Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa Xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdirisaaq cali Ibraahim iyo madaxa Social pillar ka ee qorshaha isbadalka Qaran ee “National Transformation Plan” oo maanta booqasho ku yimid hay’adda SoDMA.

kulanka ayaa looga hadlay qorshaha isbadalka Qaranka oo uu daadihinaayo Xaafiiska RW iyo doorka SoDMA ku leedahay si gaar ah, Yaraynta Khatartaha ka shaan Musiibada ee qorshaha Isbadalka Qaran NTP iyo sida hay’adda SoDMA u qaadan laheed doorkeed muhiim ka ah.

Madaxda ka socotay xaafiiska RW ayaa warbixin ka siiyay madaxda hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qorshaha isbadalka Qaranka,kaasi oo looguurayo marka uu dhamaado qorshihii hormarinta qaranka 9aad.