Home Blog Page 318

Hay’adda SoDMA oo ka digtay dabaylo kusoo wajahan Soomaaliya

0

Soomaaliya oo ku soo wajahan dabaylaha El-Niño oo ah Roobab Sababaya Fatahaad iyo daadad bilaha October iyo November.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Fatahaadaha iyo Daadadkan ka feejignadan.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay dhibaatooyinkii ay dabaylahan ka geysteen meelo badan oo caalamka ah, wuxuuna ugu digay in aysan sahlan loona baahan yahay in laga feejignaano.

 

Danjire Kullane oo ka qeyb galay furitaanka shirka caalamiga ah ee isku xirka Tamarta 2023

0

Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha  Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay munaasabadda furitaanka shirka caalamiga ah ee isku xirka Tamarta ee 2023.

Shirkan oo maanta furmay ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adda caalamiga ah ee isku xirka tamarta iyo horumarinta iskaashiga ee Global Energy Interconnection Development and Cooperation Organisation (GEIDCO), waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda, hay’adaha caalamiga ah, madaxda warshadaha iyo khubaro ka kala socotay caalamka.

Inta uu shirka socday ayaa la isla gorfeeyay  arrimo muhiim ah oo khuseeya tamarta caalamka,isku xirka iyo horumarinta tamarta nadiifka ah, iyo nidaamyada tamarta waarta.

Ka qeyb galka Danjire Kullane ee shirkan ayaa tusaale cad u ah sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sahminta xalal tamareed oo waara si wax looga qabto caqabadaha adag ee hortagaan horumarinta dalka. Soomaaliya waxaa muhiim u ah helitaanka ilo tamar oo la isku halayn karo oo nadiif ah si aan u xaqiijino hamigeenna ku aaddan horumar taabba gala.

Ugu dambeyntii, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa tilmaamay sid ay Soomaaliya u daneyneyso in ay beesha caalamka kala shaqeyso sidii looga faa’ideysan lahaa tamarta nadiifka ahee ka curta hawada iyo qoraxda.isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisaha iyo fikradda laga helay shirka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray degaanka Cali Fooldheere

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada dhexe, isago la hadlay Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dadka Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka ku ammaanay doorka ay ka qaateen la dagaallanka khawaarijta iyo sida ay ugu babbac dhigeen cadowga, wuxuuna ugu baaqay in inta yar ee halganka ka hartay ay dhammaystiraan.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku baaqay in laga wada qayb qaato dagaalka khawaarijta, cid kastana uu waajib ka saaran yahay in ay xoreyso degaannada ay matasho ama ka tirsan tahay.

Dowladda oo sheegtay in ay waddo qorsho lagu yaraynayo dalagyada dalka looga keenayo dibedda

0

Agaasimaha waaxda ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha XFS, Axmed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in ay wadaan siyaasad lagu yareynayo waxyaabaha dalka looga keeno dibedda.

Agaasimaha oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in waayadii hore uu dhaqaalaha Soomaaliya intiisa badan ku tiirsanaa waxyaabaha dalka laga helo gaar ahaan beeraha, kallumeysiga, dalxiiska IWM, haatanna ay doonayaan in ay soo celiyaan dhiirri gelinta wax soo saarka gudaha.

“Waxan wadnaa siyaasad lagu yareynayo waxyaabaha dalka loo keeno ganacsi ahaan ee dalkeena laga helo” Agaasime Axmed Sheekh Cabdullaahi.

Agaasimaha ayaa sababta keentay in waxyaabo dalka laga helo mararka qaarkood loo soo dhoofiyo dalka ku macneeyay soo noqnoqoshada abaaraha, fatahaadaha, dagaallada, gaar ahaan bara kicinta ay khawaarijta ku hayaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed, markaas oo uu yaraado wax soo saarka dalagyada gudaha.

 

Dad ku dhintay fatahaado ka dhacay Mexico

Sida lasheegay dad gaaraya siddeed qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa la la’yahay, kadib markii Roobab ka da’ay  galbeedka Mexico, ay buuxdhaafayiyeen webi halkaasi ku yaalla, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse oo soo xiganaysa maamulka deegaanka.

Bayaan ay soo sareen Hey’adaha Adeegyada Madaniga ah ayaa lagu sheegay in fatahadahaan ay ku dhimateen Sideed qof, iyagoo intaa ku daray inay wadaan dadaallo lagu baadi goobaya dad ay qadeen daadadka.

Roobabkan ayaa ka da’ay silsiladda buuraleyda San Juan Capua, taasoo keentay in webigu si lama filaan ah uu u fataho, sidaana uu waxyeello ku geeysto.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay deyn cafinta

0

Dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa ka wada hadlay qodobbo muhiim u ah hannaanka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan, ka dib kulan ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS, Biixi Iimaan Cige iyo ku-xigeenka Kaaliyaha Xogahaya Waaxda Maaliyaadda Mareykanka ee Arrimaha Bariga dhexe iyo Afrika Mr. Eric Mayer.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, qorshayaasha horumarinta kadib marka lagaaro barta kama dambeysta ah ee deyn cafinta iyo taageerada dowladda oo ay ugu horreyso maalgelinta iyo mashaariicda lagu caawiyo dadka dan yarta ah ee Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige ayaa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay taageerada joogta ah oo dhinacyo badan leh, uguna horreyso taageerada dhammaan heerarka laga soo maray barnaamijka deyn cafinta iyo maalgalinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda.

 

Dowladda FS oo dhulka laga xoreeyay khawaarijta ka waddo qorshayaal lagu soo nooleynayo adeegyadii bulshada

0

La taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha bulshada, Xaliimo Cali Culusow ayaa sheegtay in dowladdu ay degaannada laga xoreeyay Khawaarijta u diyaarineyso qorshayaal lagu soo nooleynayo xarumihii danta guud oo ay khawaarijtu ay baabi’isay.

Xaliimo Culusoow oo u warramaysay warbaahinta Qaranka ayaa dadka kasoo jeeda degaannada la xoreeyay ugu baaqday in ay kaalintooda ka qaataan dedaallada kor loogu qaadayo dib usoo nooleynta adeegyadii bulshada.

La taliye Xaliimo Cali Culusoow oo in dhowaalaba degaannada Galmudug ka wadday wacyi gelinta bulshada iyo kulamo ay la qaadatay madaxda degaannadaas ayaa sheegtay in ay haatan ku wajahan tahay Hirshabeelle si halkaasi ugu sii ambaqaaddo howlaheeda wacyi gelinta dad weynaha iyo kulamada mas’uuliyiinta, iyadoo gogol-xaar u samaynaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan soo nooleynta adeegyada bulshada goobaha laga xoreeyay khawaarijta.

 

wasiiru dowlada wasaarada caadaalada ayaa daahfurtey kulan dad weyne ee dib u eegista dastuurka

0

Kulankan dadweyne oo socon doono labo maalmood ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiiru dowladaha wasaaradda Marwo Mumino Sheekh Cumar, Xoghayaha joogtada, Wasiirada dastuurka ee DXDF, labada Guddi ee dib-u-egista dastuurka, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ujeedkiisu ahaa in ay ka dhiiban doonaan aragtidooda ku aadan Heshiisyada Siyaasadeed ee ay gaareen Madasha Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirkan oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan:

1- in lasoo bandhigo ilaa hada waxii horumar laga gaaray qodabada muhiimka u ah qabya tirka dastuurka iyo waxi ka dhiman.

2- In laga tashado daneeyayaasha kala duwan sida wax ku oolka ah oo ay ugu qeyb qaadan karaan Dib u eegista Dastuurka.

3- In sare loo qaado Dareenka wadashaqeynta, Wadar oggol iyo Ka qeyb gal loo dhan yahay si loo gaaro go’aan Wadar oggol ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan ayaa Magaalada Narobia kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Denmark ufadhiya Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Narobia kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Denmark ufadhiya Soomaaliya Steen S Andersen.

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Steen S Andersen oo kulan kooda ay ka qeybgaleen Wasiiro iyo Agaasimiyaal ayaa lagaga wada hadlay Arimaha Mashaariicda Dowladda Denmark ka Wado Deeganada Koonfur Galbeed, Dhinacyada Gargaar, Adeeg Daadejinta Dowladda, Isbedelka Cimiladda iyo Taageerida Wajiga 2-aad ee Dagaalka Dalka lagaga Saarayo Khawaarijta Alshabaab.

Xassan Xusseen iyo Deerow Macallin Ibraahim oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada xds.

0

Xassan Xusseen Cali oo magaciisa Afgarashadu yahay Maxamed Deeq iyo Deerow Macallin Ibraahim {idris) oo Khawaarijta ka tirsanaa ayaa isku soo dhiibay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.