Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Qabatay Munaasabadda Xuska maalinta Naas Nuujinta 

Date:

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa furtay munaasabadda xuska todobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo maanta oo kale laga xuso Caalamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaardda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka, Xildhibaano, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, xubno sare oo ka socday Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Culamaa,udiin, Dhaqaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.

Xuskan todobaadka, ayaa ujeedadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirigelliyo iyo in ay nuujiyaan caruurtooda dhawaan dhashay si kor loogu qaado difaacooda jirka, naaska hooyada waxa Kujira nafaqo dhameystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa naaska hooyada waxa uu sidoo kale kordhiyaa Garadka caruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.

Dr. Maryama Wasiir Dowlaha Wasaaradda ayaa xoojisay muhiimada ololahaan iyadoona sheegtay in kaliya seddaxdii caruur ee Soomaaliyeed midkood uu helo naas-nuujin lixda-da bilood ee ugu horeesa noloshooda waxayna dib-u-dhac wayn ku tahay noloshooda hadana lagaaray waqtigii isbeddelku imaan lahaa.

Ugu danbayn Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa tiri hooyo cunugaagu uma baahna waxa aan ahayn naaskaaga oo baraxtiran lixda bilood ee ugu horeysa noloshiisa waana mid uu ilaahay ugu tala galay oo wuu ku filanyahay ee aan u hiilino ilmahayna.

Halku dhigga Sanadkan ee ay qaadatey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS ayaa ah “TAAGEER KOR U QAADIDDA NAAS-NUUJINTA, SI ILMA WALBA OO SOOMAALIYEED UU U HELO NAS NUUJIN KU FILAN”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...