Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay shaqadii uu Goluhu qabtay todobaadkii lasoo dhaafay oo ay ka mid ahayd doodii la xiriirtay hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda iyo ansixintii Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed oo ay shalay xildhibaanadda ansixiyeen.

Dhinaca kale guddiga ayaa warbixin ka dhageystay guddiyada Horumarinta Adeegga Bulshada iyo Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha shacabka, waxaana ay ka warbixiyeen kulamo su’aalo weydiin iyo isla xisaabtan ah oo ay la qaateen wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo sidoo kale Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa isla falanqeeyay ajendayaasha kulamada guud ee Golaha todobaadka soo socda kuwooda horutabinta leh, waxaana Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulanka soo xiray uu bogaadiyay howsha adag ee xildhibaanadda Baarlamaanka 11-aad u hayaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...