Taliye Sulub”Waan ku faraxsanahay in aan la kulmo Boliiska iyo Bulshada oo halgoob wax ku baranaya”.

Date:

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub Ahmed Firin oo la hadlay qaar kamid ah ciidanka iyo ururada bulshada oo loo qabtay tababar aqoon kororsi ah, ayaa sheegay in ciidanka ay yihiin kuwo u adeega bulshada,isla markaana qeyb ka kuwa ku howlan danaha guud ee dalka.

“Ciidanka waa qeyb ka ah bulshada,sidaa aawadeed,dadku waa in ay noqdaan qeyb kamid ah xalka kuwa sugaya amniga dalka”ayuu yiri Mudane Suluib.

Taluyaha Ciidanka Boliiska ayaa kula dardaarmay ciidanka iyo bulshada in ay isku xirmaan oo ay ka wada shaqeeyaan horumarka dalka iyo soo celinta amniga.

Kulanka taliyaha ayaa ahaa mid la xiriiray dhiirigalinta qaar kamid ah ciidanka boliiska iyo ururo bulsho oo loo tababarayo habka ugu wanaagsan ee loo heli karo xiriir wada shaqeyneyd oo dhexmara dhinacyadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...