Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdulbaari oo baaq u jeediyay Culimada Soomaaliyeed

Date:

Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdulbaari oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo maalintii afaraad galay ayaa ugu baaqay culumaa’udiinka inay Shirka ka baxaan iyaga oo niyadooda Saafi ah.

“Dhammaanteen waxaan nahay dad walaalo ah Islaamka ayaa nagu filan waa inaan ka fogaannaa wixii nakala geynayo sida xanaaqa iyo xaasidnimada, waana tii ay ku halaageen ummadihii naga horreeyay.”

Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gebagebeeyo shirka Culumada Soomaaliyeed, kaasi oo looga hadlay arrimo ku saabsan midnimada iyo walaalnimada ummadda Soomaaliyeed, iyo khatarta ay leedahay fikirka Shiicada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isniintii daah-furay Shirwrynaha ayaa sheegay in qabashada shirkan ay tusaale u tahay mudnaanta ay dowladdu siinayso doorka culimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....